Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda TFG-da Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa shaaca ka qaaday inuu is casilayo hadii nabad lagu helayo ka tagitankiisa Xafiiska Ra'iisul Wasaarenimada.
Hadalkani ayuu ka sheegay Nuurcadde Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka kenya gelinkii dambe ee shalay isaga oo sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay wax badan ka qabatay dhinaca Ammaanka.
"Waxaan Diyaar u ahay inaan is casilo haddii danta Soomaaliyed sidaas ku jirta"ayuu yiri Nuur Cadde oo intaasi ku daray hadii kursiga uu ku fadhiyo uu yahay mid xal lagu helayo ka degistiisa.
Baarlamaanka TFG-da ayaa maalmahani dambe daba taagan Ra’iisal wasaare Nuur cadde oo ay sheegeen in uu yahay mas’uul dibadeed oo aanu u muuqan in uu yahay mas’uul ka shaqeynaya gudaha Soomaaliya maadaama uusan la shirin isla markaasina la hadlin Xildhibaanadiisa.
Xilliga uu sidaasi leeyahay Nuurcadde ayaa dhinaca kale Baydhabo waxaa kasoconaya mawshin isaga ka dhan ah oo ladoonayo in xilka looga qaado inkastoo weli isaguna uusan baydhabo gaari iyo sidoo kale xubnaha Golihiisa wasiirada.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...