Dagaal aad u xoogan oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka bilowday galabnimadii maanta Xaafadaha kudhaw tarabuunka oo katirsan Degmada Hodan.
Dagaalkani ayaa waxa uu u dhaxeeyay xoogaga Muqaawamada iyo sidoo kale maleeshiyada TFG-da oo deegaanka tarabuunka kuleh fariisin halkaasi oo xoogaga muqaawamada ay weerar kusoo qaadeen.
Dagaalka oo socday qadar saacado ah ayaa xoogaga Muqaawamada waxaa u suuragashay in ay kasoo saaraan maleeshiyada TFG-da fariisinkii ay ku lahaayeen tarabuunka.
Lama oga illaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ee soo kala gaaray labada dhinac inkastoo dad fara badan oo rayid ah lagu soo waramayo in ay halkaasi kudhaawacmeen.
Dagaalka oo socday illaa waqti dheer oo galbta ah ayaa iminka istaagay, waxaana xaaladda deegaanka tarabuunka illaa KM4 ay tahay mid cabsi ah iyadoo dadweynihii horey Muqdisho u kala gooshi jiray xaafadahooda xilliyo hore maanta ay ka baqdin qabaan in ay go’doomaan oo ay waqti horey hoyan waayaan.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...