Dagaal xoogan ayaa degmada Bardaale oo katirsan Gobolka Bay ka dhacay barqanimadii maanta kaasi oo dhex maray Xoogaga kasoo horjeeda dowladda iyo Joogitaanka Itoobiyaanka iyo maleeshiyo lasoo tababaray.
Duleedka Degmada Bardaale xilli ay soo marayeen gawaari ay saaran yihiin Maleeshiyadii lagu soo tababaray Itoobiya isla markaasina ay ilaalo ka hayeen Ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa waxaa lala helay 3-dii ugu horeysay weerar xoogan.
Dagaalka ayaa waxaa si aad ah loola galay oo rasaas xoogan lagu riday 3-daasi gaari oo ugu soo horeysay, waxaana halkaasi ku geeriyootay dhowr askari oo kuwa lagu soo tababaray Itoobiya oo gaarigaasi saarnaa.
Sidoo kale mala oga khasaaraha soo gaaray inta uu la ekyahay hayeeshee dhinaca Xoogaga Muqaawamada ayaa loo xaqiijiyay shabakadda wararka ee GOOBJOOG in mid kamid ah uu ka geeriyooday halka mid kalena uu ka dhaawacmay.
Warar dambe oo ay GOOBJOOG heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu si teel teel ah u soconayo inkastoo maleeshiyadii laga keenay Itoobiya ay badankooda u soo gudbeen dhanka magaalada Baydhabo.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...