Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee gaaray deegaanka ceelasha biyaha ayaa maanta muujiyay cabasho ay qabaan.
Dadkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay ka cabanayaan Afduubka lagu hayo saraakiisha iyo dadka waxtarka u leh umadda, waxaana banaanbaxooda ay kusoo bandhigeen dhibka ay qabaan.
Waxa ay sheegeen in dadka wax dilayo ay ka waantoobaan dhibaatada ay u geysanayaan dadka u dhaq dhaqaaqa samafalka iyo sidoo kale kuwa xuquuqda aadanaha iyaga oo intaasi ku daray in ay kasoo horjeedaan iyaga oo markoodii horey kasoo barakacay Muqdisho hadana aysan ogolaaneynin in laga sii barakiciyo halkii ay u soo barakaceen.
Banaanbaxeyaashani oo boorar waaweyn sitay ayaa waxa ay kusoo wareegeen qeybo kamid ah deegaannada ay degan yihiin iyaga oo ugu dambeyntiina halkaasi ay ka khudbeeyeen qaar kamid ah horkaceyaasha dadka barakaca ah ee degan Deegaanka Ceelasha biyaha.
Waxa uu socon doonaa dibadbaxani sida ay sheegayaan dadka soo abaabulay muddo todobaad ah kadib markii shaqaale ajaanib ah oo samafal u shaqeynayay weli lagu heysto qeybo kamid ah Gobolada dalkeenna Soomaaliya.
Waa banaanbixii ugu horeeyay oo ka dhaca deegaanka Ceelasha biyaha kaasi oo dadka barakaceyaasha ay dhigaan iyaga oo ka cabanaya dilalka loo geysanayo dadka samafalka ugu sameeya goobaha ay u barakaceen.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...