Qarax aad u xoogan ayaa duhurnimadii maanta waxa uu ka dhacay Xaafadda Afasiyooni degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir kaasi oo lala beegsday mas’uul katirsan dowladda TFG-da.
Qaraxa oo ahaa nooca Remote CTRL-ka laga hago ayaa waxaa lala beegsaday Gaari Runer ah oo uu saarnaa Guddoomiyaha Degmada X/jajab kaasi oo kusii jeeday degmadaasi sida wararka ay sheegayaan.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in qaraxaasi uu kudhaawacmay Guddoomiyaha Degmada Xamar jajab inkastoo dhaawiciisa lasheegayo in uu fudud yahay lakin eheladiisa oo gaariga la saarnaa ayaa sidoo kale lasheegayaa in dhaawac uu isna kasoo gaaray.
Qaraxa ka dib ayaa waxaa halkaasi soo gaaray maleeshiyo katirsan TFG-da gaar ahaan kuwa Boliiska kuwaasi oo isku fidiyay halka uu qaraxa ka dhacay waxaa ay bilaabeen in ay halkaasi ka qaadaan dadkii ay wax yeelada ka soo gaaratay qarax miinada.
Xalada halka uu qaraxu ka dhacay ee deegaanka Afisyooni ee degmada Waaberi oo mado daqiiqado ah kacsaneed marka uu qarax ka dhacay hayeeshee iminka ayaa xaaladu waxa ay kusoo laabatay si caadi ah, mana jirto weli wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka degmada X/jajab ee gobolka Banaadir.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...