Ku dhawaad 70 Gaadiidka Xambaara Ciidamada ayaa ka soo gudbay Xadka Gobolada Gedo iyo Bakool ay la wadaagan Ethiopia iyagoo ku soo wajahan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolka Baay Magaalo Madaxdiisa Baydhabo sida ay sheegayan warar laga helay Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya.
Ciidamadan oo muddo ku dhow sanad tababaro ku soo qaadanayeen Gudaha dalka Ethiopia ayaa waxa loo soo diyaariyay in ay qeyb ka noqdaan difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa culeyso uga imaanaya kooxaha Kacdoonka wada, iyadoo gacanta Dowladda ay ka baxeen Gobolo fara badan oo ay ka mid yihiin Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sidaas darted warar ayaa sheegaya in Ciidamadan laga yaabo in lagu kala qeybiyo Goboladaas.
Ma cadda tababarka Ciidamadan qabaan inuu yahay mid awoodi kara in ay iska difaacan awooda kooxaha Dowladda Diidan iyo in kale laakiin horey ayaa loogu fashilmay Ciidamo sidan oo kale loogu soo tababaray dalka Ethiopia oo markii la keenay dalka in ay wax difaacan iska daa naftooda Qatar gashay.
Dagaalyahanada Soomaalida ee isku baheystay diidmada Dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ayaa waxay yihiin kuwa ka qatarsan Ciidamada Dowladda, waxayna awoodan inay bartimaameed ka dhigtaan Ciidamada kala duwan ee ku sugan Soomaaliya.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Kofi Annan, a former UN secretary-general, and Jimmy Carter, a former US president, had been due to ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...