Kadib markii ay maleeshiyada dowladda wada xirteen wadooyinkii waaweynaa ee loogu talagalay gawaarida dadweynaha in ay isticmaalaan iyaga oo u daneynaya qaar kamid ah ammaanka mas’uuliyiintooda ayaa waxaa dhashay dhibaato xoogan.
Waxa ay isticmaalayaan wadada hor marta Iskuulkii Xaawo Taako ee Degmada Xamar weyne oo kudhaw saldhiga 4-irdood, waxaana wadadaasi oo uu ka b axay geedo fara badan ku dhuunta iminka maleeshiyada TFG-da.
Maleeshiyada TFG-da ayaa joojisa gawaarida dadweynaha ee wadooyinkaasi mara iyaga oo ka daadiya dadweynaha kadibna kaga qaata halkaasi dadweynihii saarnaa oo idil wixii ay siteen oo ah lacag, Mobil iyo xittaa agabkii suuqa ay kaga soo adeegteen.
Xilliga uu dhacayo arrintaasi iyo goobta uu ka dhacayo ayaa waxaa si aad ah ugu dhaw halkaasi Saldhiga 4-irdood oo ay fadhiyaan maleeshiyada TFG-da isla markaan sheegta in ammaanka ay ka shaqeynayaan.
Dadweynaha ayaa si aad ah ula yaaban hawlaha cusub ee ay ku dhaqaaqayaan maleeshiyada TFG-da taasi oo ay Bulshadu sheegto in ay qeyb ka tahay wax qabadka dowladda TFG-da.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...