Magaalada Muqdisho oo iminka ay ka shaqeyso safaarado kooban ayaa waxaa bilowday dhaq dhaqaaq ladoonayo in safaaradahaasi ay ku barakacaan oo ay isaga cararaan dalka.
Safaaradda Yeman oo iyadu dhowr sano ka shaqeyneysay gudaha wadanka Soomaliya ayaa iminka qorsheyneysa in ay isaga tagto Muqdisho kadib markii dhowaan diblumaasiyiin katirsan safaaraddaasi ay aad u garaaceen isla markaasina ay jirdileen Maleeshiyo katirsan kuwa TFG-da.
Qunsulka Safaaradda oo kusugan Muqdisho laguna magacaabo Fawwaaz oo ah mas’uulka ay garaaceen maleeshiyada dowladda TFG-da gaar ahaan kuwa Maxamed dheere ayaa shalay waxaa xaruntiisa Muqdisho ugu aaday jaaliyadda Yeman ee Muqdisho kudhaqan, waxaana ay ugu aadeen tacsiyadeen.
Qunsulka ayaa waxa uu sheegay in uu safaaradda iska xirayo isla markaasina uu isaga cararayo wadanka Soomaaliya maadaama ay nabad gelinwaayeen xittaa maleeshiyadii dowladda TFG-da oo ay si xun u garaaceen.
Inkastoo uu sidaasi qorsheynayay Mr.Fawwaaz ayaa hadana waxaa shalay oo idil si aad ah u baryayay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) oo ka codsaday in ay san wadanka ka cararin oo ay ballan qaadeyso TFG-da in ay Ammaankooda sugaan.
Waxaa lagu soo waramayaa in Maxamed dheere uu u kaxeeyay Qunsulka goobtii lagu soo garaacay isla markaasina uu maleeshiyaadkiisa u soo wada safay isaga oo markaa kadibna ku amray in uu sheego maleeshiyo waliba oo ka qeyb qaadatay garaacistiisa, wuxuuna halkaasi ku xir xiray Maxamed dheere maleeshiyadiisii jirdilka u geysatay Qunsulka.
Lama garanayo in go’aanka uu qaatay Mr.Fawwaaz uu ku dhaqaaqi doono isla markaasina uu xiri doono safaaradda hayeeshee Maxamed dheere ayaa shalay aad uga shaqeynayay isla markaana la arkayay isaga oo si aad ah u baryaya qunsulka kana baryay in aysan xeran safaaradda.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...