Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga oo maalintii shalay gacanta kudhigay illaa 3-ruux oo ay uga shakisan yihiin in ay yihiin basaasiin ayaa saakay lagu soo waramayaa in 3-daasi ruux la qaarijiyay.
Wararku ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in 3-daasi ruux meydkooda saakay lagu arkay gudaha magaalada Baladweyne iyadoo sidoo kale shalay markii gacanta lagu dhigayayna ay bulshadu badankooda arkayeen.
Waxa ay sheegeen maxkamadaha Islaamiga maalintii shalay in ay qabteen dadkani iyaga oo saraakiil Itoobiyaan ah Telefoono kula hadlaya lakin shalay waxba ma aysan yeelin oo waxa ay sheegeen keliya in ay baaritaanno wadaan hayeeshee saakay ayaa 3-daasi meydkooda lagu arkay Magaalada Baladweyne.
Dadka kudhaqan Magaalada Baladweyne ayaanu weli ka hadlin arrintani inkastoo dadka qaar ay sheegayaan in dadkaasi ay ahaayeen dad rayid ah hadana kuwa kale ayaa iyaguna sheegaya in ay ahaayeen dad basaasiin ah lakin majirto cid si rasmi u cadeyn karta in 3-daasi ruux ay basaasiin u ahaayeen Ciidamada Itoobiya.

Votes: +0
waxaa habooneyd in la soo qabto oo la baaro hadii ay ahaayeen dad ganacsanayo looga digo iney joojiyaan waana sida dhabta ah iney ahaayeen ganacsato,waxaa la soconaa in in horey looga dumiyey muwaadin reer balad-weyne forno rooti uu lahaa sababna looga dhigey Amxaaro ayuu ka gadanayaa
marka waxaa isweydiin mudan dad culumo ah oo saas dadkooda ula dhaqmayo in la taageero ma mudanyihiin?
Votes: +0




Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...