Iska horimaad xoogan oo u dhaxeeya ciidamada DFKMG ah iyo xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, kaasoo geestay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Dagaal oo ka dhacay Suuqa Dayax ee Degmada Huriwaa ayaa la sheegay in uu bilaawaday kadib markii Xoogaga ka soo horjeeda DFKMG ay weerara ku soo qaadeen Ciidamo halkaasi ku suganaa iyadoo qadar daqiiqado ah la is weydaarsaday rasaas aad u culus.
iyadoo ay adgtahay in wax laga ogaado qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi ayaa hada goobjoogayaashu sheegayaan in ilaa Lix ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku geeriyootay iyadoo dhaawacana uu intaasi ka siibadanyahay.
Ciidamada DFKMG ayaa lagu soo waramayaa in lagala wareegay gacan ku heynta goobtii uu dagaalku ka dhacay iyadoo gacan ku heynta Suuqa Dayax ay la wareegeen kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda DFKMG.





Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...