Dagaal Culus oo soconayay mudo labo saac ah ayaa Maanta ka dhacay inta u dhexeysa Degaanada Yaaqbari Weyne iyo Walaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose iyadoo uu dagaalkani u dhexeeyo Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa lagu soo waramay in uu bilaawday kadib markii ciidamada Itoobiynaaka oo ka yimid dhinaca Baydhabo ay galeen keyn halkaati ku taala oo maalin dhawayd weerar lagaga soo qaaday, waxaan isla markiiba meesha ka bilaawaday dagaal culus iyadoo sida muuqata kooxaha dagaalka laga Itoobiyaanku ay halkasi ku suganaayeen.
Dagaalka ayaan la ogan kari qasaaraha ka dhashay iyadoo meesha ay tahay meeli Miyi ah oo aanun joogin cid aan ahayn labada dhinaca ee dagaalku dhexe marayay balse waxaa la sheegayaa in markii uu dagaalku dhamaaday ay Magaalada Walweyn ciidamo itoobiyaan ah oo jiiday Baabuur gubtay watan ciidamo aan la kala garan dhimasho iyo dhaawac wax ay ahaayeen.
wali waxaa goobtii uu dagalkaani ka dhacay ku sugana Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxihii ka soo horjeeday iyadoo uu hakad ku yimid gaadiidkii isticmaali jiray wadadaasi.
Dhinaca kale xoogaga ka soo horeejda TFGda ayaa xalay si naba geliyo ah kula wareegay degaanka Kamsuuma oo 90KM u jira Magaalada Kismaayo iyadoo ay sheegteen la wareegida degaankaasi Kooxda al-shabaab.





Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...