Dagal Culus ayaa haatan ka socda agagaarka Warshadda Baastada. Dagaal oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiyaanka iyo xoogagga ka soo horjeeda joogitaankooda ayaa waxaa si xoog ah looga maqlayaa qeybo ka mid ah Muqdisho daryaanka rasaasta iyo madaafiicda.
Dagaalka ayaa billowday ka dib markii gaari ku sii jeeday Warshadda Baastada lagu qarxiyay agagaarka warshada cabitaanka Coca Cola ee degmada Yaaqshiid ka dibna weerar hoobiye ah lagu qaaday warshaddii hore ee baastada iyadoo la sheegayo in Itoobiyaanku ku jawaabeen madaafiic culus.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay arkeen ilaa iyo 3 Askari oo Itoobiyaan ah oo halkaasi ku geeriyooday iyadoo ay shegayaan in uu jiro tiro kale oo dhaawac ah oo aan la garan karin inta ay yihiin. Qasaarahan soo gaaray ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa ka dhashay qarixii lala eegtay gaari ku sii jeeday dagaalka. Balse lama oga qasaaraha soo kala gaaray Itoobiyaanka iyo xoogagga ka soo horejeeda ee uu dagaalku u dhexeeyo iyadoo uu dagaalku wali soconayo
wixii Warar ah ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa insha allah





Waxaa weli ay hadal hayaan qaar ka mid ah raggii qabanqaabiyey shirkii Yemen inuu weli rajo leeyahay...
Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...