GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Saturday
Jul 26th
Home Wararka Siyaasadda Shirkii Jabuti oo la soo Gabagabeeyay

Shirkii Jabuti oo la soo Gabagabeeyay

E-mail Print PDF

Axmed Waldi Cabdala, Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qodobada ay isku raaceen ergada mucaaradka Soomaaliya iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah ay ka mid tahay in wax laga qabto arrimaha bini'aadaminimada ee ka jira dalka Soomaaliy.

Waldi Cabdala ayaa sidoo kale sheegay in ay ugu baaqeen dhinacyada taageerayaashooda in ay gacan ka gaystaan sidii dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan wax loogu qaban lahaa,wuxuu kaluu sheegay in la isla gartay in dhibaatada Soomaaliya lagu xaliyo si nabad ah iyo in la ilaaliyo xuduudaha, madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya.

Wakiilka xoghayaha guud, wuxuu kaloo xusay in dhinacyadu isla garteen in shir kale ay isugu yimaadaan 31-ka bishan May oo ay ku kulmaan magaalada Djibouti, iyadoo Dowladda Djiboutina looga mahadceliyay martigalinta Martigaliyeen Shirkaani .

Dhinaca kale waxa wali ku sugan Dalka Djibouti ergadii isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliyee oo ay maanta ku soo biireen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyadoo ay ka dhoofeen ergadii dhexdhexaadinta ee Qaramada Midoobay oo Nairobi u ambabaxay iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

 

Trackback(0)
Comments (8)add comment
maxamed: ...
Heshiiskan bilooga ahi waa tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, una baahan in si dhiiran loo sii wado
kuwo ka tiursan TFG ma jecleesan doonaan, kuwo ka tirsan isbahaysiga Asmara ma jecleesan doonaan, laakiin tareenka nabadda inuu socdo waaye
1

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +1
A D H: qurbe qadiyad gate
Durbaan qofkii xada meeshuu ku tumi lahaa aa laga rabaa..
Qurbujoog soo qaatay tarbiyo gaalo iyo lacagteedaba heshiis ma u geli karaan mujaahidiinta.
jihaadku waa ka ween yahay wax la gadan karo.
shirqoolka gaaladana umada soomaali maku hodmeeso.
shabaab waa diiday
Sheekh Yuusuf Indhacade waa diiday
Sheekh Xasan Daahir waa diiday
qurbojoog hala aadaano qurbaha
2

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: -1
Aamino: Jabuuti Guul
Shirka Jabuuti guul ayaan leeyahay
dhibaatada soomaaliyeed ee sii socota Itoobiyaanka ayaa ka faaiidaysanaya
itoobiyaanka ilmahoodu wax bay u bartaan
hooyooyinkooduna isbitaalay ku dhalaan
askartooduna Xamar ayay ku tababartaan
aan caqli yeelano, oo si farsamaysan isaga saarno
marmarsiinyahoodana meesha a laga saaro
shirkaan jabuuti waddadaas ayuu qaaday
waa in caalamka lala hadlaa iyadoon itoobiya loo tanaasulin
3

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +2
Lajeclow: Alle Ka baqa http://www.Khilaafmafiicno.com
Asc Wr Wb....akhwaani shir ku sheega djibouti waxa u yahay mid reebi raba uur ku taalo iyo dhibaato mar kale ku habsata shacabka somaliyed...waxadna taas ka garan kartan sida mujaahidinti iskugu khilaafen shirkaan...cadowguna ugu faraxsan yahay tafaraaruqa soo kala dhex galay masuuliyinta wadaniga somaliyed...inkastoo Xariif xasan iyo kula la halmaala mar walbaba yihiin...dabadhilifyo jeebkooda u dana...Allaha gacan bir ku qabto Daalimiinta iyo cadowgeena ....somalia Guul insha allaah....Allaa Inna Nasra ALLAAHI Qariib,....Asc Wr Wb.
4

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +0
Maxamed Dalabeey: qaramada midoobay iyo maraykan
ilaaha na abuuray ayaa leh mahada waxa uu doono sameeya kadib
walaalayaalow shir laqabnayaa jabuuti ama meelo kale mar warlba
waxaa ku dhex jira qaramada midoobay iyo maraykan balfiiriya
majiraa meel ay galee oo dagaalo kajireen oo ay xal usameeyeen?
majirto dhibaato aan ayaga ahayn malaha adduunku laakiin waxaan
dhihilahaa dadka wax kasugaya oo maaha dad ayugu jiran ama dhahaya
hoo qofyahow igu qal mididaan fiiri ciraaq afgaanistaa labnaan falastiin suudaan induniisisiya sinbaawe walaaloyaal waxaan xal ju heli karnaa
kitaabka alle ee aan unoqono waad ogtihiin intii yarayd ee maxkamadihii ay hayeen taladii muqdisho caafimaadkii aan helnay oo ay naga baxday jiradii ay nagu hayeen hogaamikooxeedyadii ushaqaynayey maraykan iyo qaramadamidoobay iyo dhibkii aan soo marnay 17 sano ee aan soo dhaafnay .
5

report abuse
vote down
vote up
May 17, 2008
Votes: +0
nuur: ...
anigu waxaan u arkaa inuusan meesha heshiis ka dhicin ee waxaa arrintan wata niman jihaadka dhibkiisa u adkaysan waayey oo raba inay isdhiibaan si ay kornaylkan dhiigyacabka ah nabad uga helaan. Marka waxaan soo jeedin lahaa inaan la isdhigan ee lawado dagaalka ilaa waddanka laxoreeyo. ...mahadsanidin
6

report abuse
vote down
vote up
May 17, 2008
Votes: +1
suuban: ...
somalia somali baa leh aan weligeey maqlayyey intaan yaraa ilaa ahada waxaan aminsanahay in somaliya ay somalidii leedahay
shirka jabuuti waxaa looga hadlayo waa somaliya in ay mid noqoto aan isla garano dhibka ee raga didan taas maxaa xal ah oo inoo hayaan ma dagaal kaliya ?
mise wax kale oo wax taraya . oo aan nabeed aheeyn ayaa jirta?in laga hadlo
waxi dhacay waa dhaceen oo gaf ama dambi ah ee nabada ka shaqeeya dhibka waa harayaa ilaa idinkiisna itobianka waa ay naga baxayaan .
7

report abuse
vote down
vote up
May 19, 2008
Votes: +0
mah'ud: sss http://www
ilaah waxaan kabaryayna inuu kadhiko shirkii ugu dam baya e somalida nabada ugeena waxaa mahad mudan ilaah kasalow dhadhaxaadiyaasha shirka
8

report abuse
vote down
vote up
June 11, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Shirkii Yemen Ma Cayriin buu Eeday Mise Wax kale

Shirkii Yemen Ma Cayriin buu Eeday Mise Wax kale Waxaa weli ay hadal hayaan qaar ka mid ah raggii qabanqaabiyey shirkii Yemen inuu weli rajo leeyahay...

Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo Saamaynta uu ku Yeelan karo Shirka Jabuuti

Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo Saamaynta uu ku Yeelan karo Shirka Jabuuti Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ...

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...

Somali Diaspora Network (SDN) Press Release

Fairfax, Virginia, USA, 22 June 2008: The Somali Diaspora Network (SDN) has always advocated for an...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah