Qaar ka mid ah dadweeynaha ku nool magaalada Baladweeyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay billaabeen in ay ka bara kacaan guryahooda kadib markii ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay magaaladaasi ka sameeynayaan Ciidamada Ethiopianka.
Kadib markii ay sii koradhay dhaqdhaqaaqa Ciidamada Ethiopiank Xiliyada habeenkii ah ay ka wadaan xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa dadka ku dhaqan magaalada Waxaa ay billaabeen in isaga bara kacaan iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ay ka soo gaarto ciidamada Ethiopianka marka ay la kulmaan Weerarrada kaga yimaada xoogagga ka soo horjeeda oo la aaminsan yahay in ay qeybo ka mid ah gobolka ay ku sugan yihiin.
Afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne ee ay ku nool yihiin qoysas aan la qiyaasi karin oo isugu jira dad degaanka ah iyo kuwa ku bara kacay ayaa waxaa ay qoyskani wehel u noqdeen cabsi joogto ah oo ay ka qabaan ciidamada Ethiopianka.
Waxaa guud ahaan haawanaya Xaafadaha ka agdhow halka ay ciidamada Ethiopianka degen yihiin ka dib markii qooysaskaasi ay ka barakeceen labadii maalin ee ugu danbeeysay iyagoo ka cabsi qaba dhibaato kaga timaada Ciidamada Ethiopianka.
Wadooyinka waaweyn ee magaalada Baladweeyne ayaa waxaad ku arkeeysaa qoysas fara badan oo isugu jira Haween, carruur iyo dad waayeel ah oo sita waxoogaa Alaabo ah kuwaasi oo ku qaxaya Gaari dameero iyo gaari gacano kuwaasi oo markii la weydiiyo wax ku dhaliyay in ay qaxaan ay kuu sheegayaan in cabsi daraadeed ay u baxayaan islamarkaana ay wajahayaan halkii ay nafsaddooda ku badbaadi laheyd.
Ciidamada gumaystaha aya horey u degi jiray bannaanka magaalada meesha la yiraahdo jeenta kundisho, waxayse markan sheegeen in ama odayaasha degaanka halkaasi raashin iyo biyo ugu keenaan ama ay bartamaha magaalada soo degi doonan. Odayaasha ayaa diiday inay u adeegaan xabashida, waxayna sidaas ku soo degeen gudaha magaalada, taasi oo laga cabsi qabo markii la xanuujiyo inay magaalada u qaybiyaan madaafiic, gawracna dadka kula dhaqaaqaan sidii looga bartay
Horey ayaa magaalada Buulobarte looga qaxay markii Ciidanka cadawgu soo degay gudaha magaalada dadkuna ay u baxeen degaannada ku dhaw magaalada iyagoo ka cararaya in aargoosi ay kula kacaan ciidamada cadawga markii la xanuunjiyo. Habka ay ku dhexdegayaan meelaha shacabka oo markii la taabtana ay gumaadayaan dadka ayaa keenay barakac haybaysan oo shacabka kudhaca oo sii kordhiya silicii ay shacabku qabeen, waana tab kale oo gumasigu ku xanuujinayo shacabka kuna doonayo inay isdhiibis kaga keenaan.





Waxaa weli ay hadal hayaan qaar ka mid ah raggii qabanqaabiyey shirkii Yemen inuu weli rajo leeyahay...
Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...