Xalay ayaa bam gacmeed lagu weeraray fariisin ay ciidamada Ethiopianka ku leeyihiin deegaanka Towfiiq ee degmada Yaaqshiid iyadoo aan la garanayn wixii khasaare ka gaaray halkaasi, waxayse saakay kusoo dhaqaaqeen degaanka Toowfiiq.
Kadib markii xalay Bamgacmeed lagu weeraray ciidamadanigumaystaha oo fariisinka ku lahaa Qeyb ka mid ah degmada Yaaqshiid gaar inta u dhexeeysa Hotel Towfiiq iyo Daarta Somali Post e ayaa waxaa halkaasi ka dhacday rasaas socotay Saaacado kooban oo u dhexeeysay Ciidamada Ethiopianka iyo Kooxihii iskacaabinta ee weerarka ku soo qaaday.
Wax qasaare ah oo soo kala gaaray labada dhinac ee uu iska hor imaadka ku dhex maray halkaasi iyo weliba dadkii rayid ahaa ee ka agdhawaa deegaanadaasi ayaan la sheegin weil ama aysan jirin cid saxaafadda usoo tabisay.
Saakay waaberigi ayaa ciidamada xabashida ay kusoo kalleheen degaankaa iyo dhismayaashii ka ag dhawaa iyagoo sida la sheegayo tiro dad ah halkaasi ka qafaashay. Ciidamada Xabashida ayaa inta badan xadgudubyo u gaysta dadka ay qafaashaan iyadoo aan la garanayn tiroda dhabta ah ee ilaa haatan uqafaalan iyo inta dhab ahaantii warkood mar danbe loo helo.
Markasta oo ciidamada xabashida la weeraro waxay iyana ka aargoostaan dadwaynaha Soomaaliyeed iyo hantidooda iyaga oo aan u kala aaboyeelin, maadaama ay tahay waxa ay ka aargoosanayaan Soomaali, damiir iyo ilbaxnimo celisaana aysan jirin, ciqaab caalami ah oo ay ka cabsanayaanna aysan jirin maadaama ugu yaraan waqtiga dhaw ay Maraykanka aamusin kaga hayaan caalamka.





Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...