Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helayno magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in madaxweynaha dalkaasi mudane Cumar Geelle uu qasrigiisa madaxtooyada galabta isugu keeni doono Garbaha Soomaalida ee la filayey in Sabtidii uu halkaasi shir uga furmo.
Warka ayaa intaa ku daraya in weli ay Isbahaysigu diiddan yihiin in fool ka fool la isku soo ho rfariisto iyadoo weli aan waqti cad loo qaban oo ay ku baxayaan, dalkana ku sugan yihiin, dil iyo barakacinna ka wadaan ciidamada Itoobiya ee sheegta inay TFG-da garab taagan yihiin balse Soomaali badan rumaysan tahay in gumaysi dadban ay halkaasi ka waddo.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa isku dayaya inuu arrinta si uun u daahfuro isaga oo maanta Qado isugu yeeray dhinacyada dalkiisa ku ballansanaaa inay ku shiraan taas oo ay isbahaysiga iyo TFG-dana ay ka aqbaleen laakiin ay weli Isbahaysiga ku adkaysanayaan inaysan wadahadal toos ah la galayn TFG-da oo ay sheegaan inaysan awood u lahayn inay Itoobiyaanka dalka ka saaraan, isla markaana ay weli gawraca Itoobiya samayso ku sheegaan isdifaac, nabi baabah iyo raad tirisna la daba joogaan.
Would Cabadalla ayaa isaga yoolkiisa koowaad uu yahay inuu isa soo hor fariisyo labada dhinac oo taasi magac weyn u tahay, haddii la doono yaananba marka danbe lagu heshiin halkaasi'e halka TFG-dana ay doonayaan inay wax qabad ka dhigtaan inay kooxdii ugu muhiimsaneed mucaaradka wada hadal la billaabeen.
Isbahaysiga ayaa doonaya in ilaa bixitaanka Itoobiya meel cad la saarayo aysan wadahadal fool ka fool ah la galin TFG-da si aysan maxlal labaad ugu noqon ciidamada Xabashida, iyadoo wada hadalkuna u baahan yahay inuu u kala dabqaad iyo waqti qaato, haatanna laga sii wada hadlo, waqtiga ay Xabashidu dalka ka baxayso iyo sidii dadka dhibaataysan gargaar insaanimo loola gaari lahaa oo dhinacyada isku haya Soomaaiya damaanad qaadaan ammaanka Samafalayaasha, beesha caalamkana marka hore looga fadhiyo in gargaar insaanimo la gaaraan dadka barakacay iyo kuwa abaaraha iyo dagaalladu gaajada iyo cudarrada badeen. Sidoo kalana caddeyaan inay tallaabo cad ka qaadayaan kuwa sida xaqdarrada ah shacabka u gawracaya.

2- waa in miiska la saaraar madaxweynimada, ra;iisuwaraaraha,guudoomiyaha baarlamaanka.
soomaalida iyo inta nabada jecel dalku halaag ayuu soomaray
yaan waxba loo dhiibin abdullhi yusuf waa dagaal ooge waa in lakeenaa wajiyo cusub oo safar ku leh caalam iyo ummada dhexdeeda,waa in la keenaa rag wax bartay oo diinta islaamaka wax ku fahamsan diiga qofka soomaaliga ah qiimihiisa yaqaan
Votes: +0




Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...