GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Wednesday
Jul 23rd
Home Wararka Siyaasadda Sh.Shariif oo Arrimo Badan ka Hadlay

Sh.Shariif oo Arrimo Badan ka Hadlay

E-mail Print PDF
Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenkii xalay ka qeybgalay Barnaamij ka baxay TV-ga afka carabiga ku hadla ee Aljazeera (Mubaashir Maca) kaasi oo su’aalo fara badan lagu weydiinayay.

Waxyaabihii ugu horreeyay oo uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa waxa loola jeedo Muqaawama maadaama iyagu ay dibad joog yihiin iyo cidda ay tahay kuwa uga dagaallamaya gudaha wadanka, wuxuuna kusheegay arrintaasi in Isbaheysiga rag kamid ah oo xubno sar sare ka ah in ay ka hawlgalayaan gudaha Wadanka isla markaana ay hoggaaminayaan dagaallada ka dhacaya daafaha dalka.

Wuxuu sheegay in qeybo fara badan oo kamid ah Dalka ay joogaan Muqaawamada oo hoos tagta Isbaheysiga dib u xoreynta sida uu hadalka u dhigay oo aysan jirin iminka goob ay si toos ah u maamusho dowladda federaalka.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay shirka lafilayo in maalinta sabtida uu ka furmi doona magaalada Jabuuti kaaso oo QM ay qaban qaabineyso, laakin waxa uu si cad u sheegay in shirkaasi ugu horreyn uusan aheyn dib u heshiisiin oo uu yahay keliya wada hadal, waxaana burburiyay wada hadalkaasi kadib dilkii loogeystay Culumaa’udiinka Masjidka Alhidaaya.

Mar la weydiiyay in ay doonayaan in ay la wareegaan maamulka dalka ayaa waxa uu sheegay in maamul ay soo dooran doonaan shacabka wadanka laakin ugu horreyn ay tahay in laga saaro dalka Ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna intaasi kusii daray in iyagu aysan diidaneyn Ciidamo Caalami ah ama kuwa Afrikan ah oo sugaya Ammaanka Dalka laakiin ugu horreyn loo baahan yahay in Itoobiyaanka ay dalka ka baxaan kadib ay Soomaalida ka tashato aayaheeda.

Wuxuu beeniyay in ay Muqaawamada gacan ka helaan dowlado carbeed sida Sudan, Masar iyo dowlado kale ayaa waxa uu sheegay Sheekh Shariif in haddii ay jiri laheyd gacansiintaasi aysan ciidamada Itoobiyaanka intani soo gaareen oo waqti hore ay dalka ka saari lahaayeen, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Adduunka in lagarab istaago Muqaawamada si wadankooda ay u xoreystaan sida uu hadalka u dhigay Sheekh Shariif.

Sicirbaraka kajira dalka ayuu sidoo kale ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay dagaalka ay dowladda federaalka kula jirta shacabkeeda oo ay dooneyso in sicir barar ay ku layso ummadda ka dib markii ay hubka kala daashay mas’uuliyadda wixii ka dhashana ay dowladda federaalka qaadeyso.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay arrinta warbaahinta xorta ah ee Soomaaliya ayaa Waxa uu sheegay in saxafiyiin fara badan ay ka barakiciyeen gudaha dalka isla markaana qaarkood ay dileen halka kuwa kalena ay dhaawaceen, waxaana intaasi u sii dheer in maalin waliba ay weeraro isdaba joog ah ku qaadaan xarumaha warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawlgala gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay ula dagaallami waayeen Ciidamada Itoobiyaanka isla markaana loo ogaan kari waayay khasaaraha Itoobiyaanka soo gaara ayuu sheegay in ay si waliba ula dagaallamaan Itoobiyaanka laakin dhibaatada jirtaa ay tahay in warbaahinta aysan awood u laheyn in ay helaan xogta dhabta ah ee khasaaraha Itoobiyanka loo geysanayo.

“Waxaad ogsoontihiin dorraad keliya in illaa 5-gaari oo ay Itoobiyaanka leeyihiin in gudaha wadanka lagu gubay, laakin dhibaatadu waxay tahay warbaahinta uma suuragaleyso in goobahaasi ay sawirro kasoo qaadaan, waayo Itoobiyaanka oo diidaya in khasaarihiisa la arko ayaa tooganaya saxafiyiinta” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu xusay xilligii Golaha Maxaakimta ay maamulayeen koonfurta Soomaaliya in Saxaafaddu ay xor aheyd oo xittaa qaarkood dacaayado fara badan ka fidiyay Golaha Maxaakimta inkastoo markii ay soo galeen dalka Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Federaalka ay noqdeen warbaahinta kuwa ugu horreeya ee la bartilmaameedsado.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa weli ku guda jira dhibaatooyinka heysta iyadoo dhowaanna warbixin uu soo saaray Xoghayaha guud ee QM uu kusheegay in cid waliba oo warbaahinta dhibaato u geysata lasoo taagi doono Maxkamad si loo marsiiyo waxa ay geysteen.

Trackback(0)
Comments (3)add comment
xAAJI jAAMAC KULANE MAM: MUWAADIN http://Sh. Hoose.com
UGU HOREYNTII XALKA SOMLIA KUMA JIRO WADA HADAL LOO SAMEEYO KOOXAHA HADDA SAFKA HORE UGA JIRA DHIBAATADA SOMALIA HA NOQDAAN KUWO DAWLAD SHEEGTEY IYO KUWO MUQAAWAMO SHEEGTEYBA, MAXAA YEELEY DHIBAATADA DALKA IYO DADKA LOO GEYSTEY 16 SANO WAXEY AHAYD MID AY IYAGU QEYB KA AHAAYEEN.

LAGA SOO BILAABO CABDULLAHI YUUSUF ILAA SH. SHARIIF KULLIGOODA BUR BURKA DALKA MAS'UUL AYEY KA YIHIIN , TUSAALE AHAAN KUWA HADDA LEYSUGU GEEYEY DJIBOUTI OO LABADA DHINAC INEY MATHALAYAAN LAGU SHEEGEY WAA KAL KAALIYEYAASHI QAB QABLEYAASHA DAGAALKA OO KA SOO WADA JEEDA USC IYO SRRC, MARKA WAX XAL AH LAGAMA SUGAAYO.

XALKA DALKA WAXAA UU KU JIRAA IN KUWII KA SOO QEYB QAATEY DAGALLADII DALKA LAGU BUR BURIYEY , DADKANA LAGU LAAYEY , LAGUNA BARA KICIYEY , XAALUFIN GUUDNA LAGU SAMEEYEY DAD IYO DALBA , XARUNA LAGA DHIGTEY DUBAI, IYO MAGAALOOYIN KALE OO AAN OGSOON NAHAY , WAA IN MAXKAMAD CAALAMI AH LA SOO TAAGO, LAGANA ABAAL MARIYO DEMBIYADA AY GALEEN.

RUNTA WAA TAAS ADEER EE DADKA KA DAAYA BEENTA IYO MARIN HABAABINTA AAD KU HAAYSEEN 16 SANO.
1

report abuse
vote down
vote up
May 09, 2008
Votes: +0
RUNLOOW: warka runtiisi
DADKU WEXEEY JECELYIHIIN IN BEEN BEEN LA ISKU SHEEGO

SOOMAALIYA AMA NIN SOOMAALI AH, AMA AAN IRAAHDO NIN MADOOW OO AFRIKAAN AH, OO DALKIISI WANAAG IYO HORMAR U HORSEEYDEY TAARIIKHDA LAGUMA HAYO

ANIGA CID BADOOW OO AFRIKAAN AH ,HABA YARAATEE WAX WANAAG AH KAMA SUGAYO,HANOQOTO CABDULAAHI YUUSUF, REE ASMAR IYO CID KASTABA OO MAGAC SAMEEYSATA
RUNTAA WAA TAA, KAN AQLIGA LEH OO DANTIISI YAQAAN WAA INUU DANTIISI GAARKA AH U KA RAACDAA, TALO KA SOO GODEY NIN MADOOW
WABILAAHI TOOFIIKH
2

report abuse
vote down
vote up
May 10, 2008
Votes: +0
XAAJI TAKFIIR: MEMBER http://TAKFIIRGROUP.COM
Xaaji Takfiir Says:

May 10, 2008 at 7:15 pm
WAA RUNTIISA NINKA LAGU MAGACAABO SHEIKH SHARIIF INAAN SOMALIA KA JIRIN WAX DAWLAD LA YIRAAHDO OO KU TIMID WADADII LOO SOO MARI JIREY DAWLADNIMADA OO AH INUU SHACBIGA SOO DOORTO UUNA SIIYO WAKAALAD GUUD.

SHARIIFKU WUXUU XOOGAA U SOO DHOWAADEY RUNTA MARKA UU YIRI DALKA DAWLAD KAMA JIRTO, KUWA SHEEGANAAYANA WAA DABA DHILIF AMXAARO, LAAKIN WUXUUSAN WELI ASIIBIN XAQIIQDA OO AH IN KOOXAHA SOMALIA KU DAGALLAMAAYEY 16 SANO OO AAMINSANAA QORIGA CAARADDIISA IN WAX LAGU MAQUUNIN KARO AY KULLIGOODA YIHIIN DEMBIILEYAAL DAGAAL OO MUTEYSTEY IN MAXKAMAD CAALAMI AH LA HORGEEYO OO ISAGA IYO KOOXDIISANA AY KU JIRAAN SI LOOGA ABAAL MARIYO DHIBKA AY DADKA IYO DALKABA U GEYSTEEN.

YAAN LOO DEYMO LA’AANIN KUWA HADDA DJIBOUTI KU SHIRAYAAN INEY YIHIIN KUWII KAALIN WEYN KA SOO QAATEY JAHO WAREERKA , DILKA, XAALUFINTA SOMALIA OO AYSAN DANNA UGU JIRIN INUU DALKAAS IYO DADKIISABA KA XUROOBAAN DULMIGA IYO DULLAALIINTA AY IYAGABA KA MIDKA YIHIIN, WAANA IN TALLABO LAGA QAADO.

MAR HADDII ARRINTU DHABTEEDA AY SIDAAS ISUGU SOO BIYO SHUBATEY AYAANU ORAN KARNAA INUU XALKA SOMALIA UU KU JIRO HADDII LA HELO LANA FULIYO HAWLAHAAN SOO SOCDA :

1) IN DALKA SOMALIA LA KEENO CIIDAMO KA SOCDA DAWLADAHA CAALAMKA KUWASOO SI KHASAB AH HUBKA UGA DHIGAAN KOOXAHA KU HUBEYSAN DALKA GUDAHIISA OO AAN KALA SOOCID LAHAYNIN MAGAC KASTA OO AY SHEEGTAANBA.

2) IN DAWLADAHA CIIDAMADAAS KEENAYA AYSAN KA MID NOQONIN KUWA DERISKA, KUWA CARABTA IYO TALYAANIGABA, MAXAA YEELEY DAWLADAHAAS AWXEY SI BUUXDA UGA MAS’UUL YIHIIN HURINTA DHIBAATADA KA TAAGAN SOMAALIA 16KAAN SANO IYAGOO SI CADDAAN AH U KALA TAAGEERSAN KOOXAHA BUR BURIYEY SOMALIA DAL AHAAN , DAD AHAAN IYO DEEGAAN AHAANBA.

3) IN XAYIRAAD CAALAMI AH LAGU SOO ROGO QAB QABLEYAASHA DAGAALKA, KUWA DAWLADDA, BAARLAMAANKA, MAXAAKIIMTA, MUQAAWAMADA, ISBAHEYSIGA DIB U XUREYNTA IYO KUWA ISKU SHEEGA INEY YIHIIN GANACSATADA SOMALIA GUUD AHAAN , GAAR AHAANA KUWA XARUNTOODA AH DUBAAI, SOUTH AFRICA, KENYA, ETHIOPIA IYO DJIBOUTI, XAYIRAADAHA LAGU SAMEYNAAYO WAXEY KALA YIHIIN :

B) IN MAGACYADOODA LAGU SHAACIYO WARGEYSYADA CAALAMKA , LANA DHIGO GAROOMADA DIYAARADAHA, DEKEDAHA IYO MEELAHA LAGA RAACO TAREENADA IYO BASASKABA, LAGANA MAMNUUCO INEY SAFRAAN LOONA JARO WARQADDA AQOONSIGA XARIGGA.

T) IN XAYIRAAD LAGU SAMEEYO , LAGANA XIRO XISAABAADKA AY KU LEEYIHIIN BANKIYADA ADDUUNKA, HANTIDOODA GUURTO AMA MA GUURTABANA LA XAYIRO, SHIRKADAHOODANA XAYIRAAD LAGU SOO ROGO LANA DACWEEYO SHIRKADIHII LA SOO GANACSAN JIREY BURCADDAAS BUR BURISEY DALKA SOMALIA, DEEGAANAKANA SOO XAALUFISEY LANA HORGEEYO DACWADDODA MAXKAMADAHA CAALAMIGA AH EE HAIG.

UGU DAMBEYNTII IN DACWAD LAGU SOO ROGO WAKIILADII UNKA U QAABILSANAA ARRIMAHA SOMALIA IYO NGOyadii AY KU SHAQEYSAN JIREEN, MARAAKIIBTII , DIYAARADHIHII AY KIREYSAN JIREEN IYO WELIBA IN LA BAARO SHIRKADIHII AY KA SOO IIBIN JIREEN RAASHIIN , DAAWOYINKA LOOGU TALO GALEY SOMALIA, LANA OGAADO XIRIIRKII AY LA LAHAAYEEN KOOXAHA BURCAD BADEEDKA SOMALIA OO LA TUHUN SANYAHAY INEY U SHAQEYN JIREEN MADAXDA GOBOLLADA SOMALIA QAARKOODA IYO UNkaba.

HADDII ARRIMAHAAS WAX LAGA RAADIYO WAXAAN FILAYAA IN CUDURRADA SOMALIA HAYSTAAN LOO HELI KARO DAAWOYIN BILOW AH OO KEENI KARA CAAFIMAAD IYO BOGSIINO INSHA ALLAH.
3

report abuse
vote down
vote up
May 10, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa?

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa? Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...

Gorfaynta Suugaanta aan la Xumayn!

Gorfaynta Suugaanta aan la Xumayn! Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...

Somali Diaspora Network (SDN) Press Release

Fairfax, Virginia, USA, 22 June 2008: The Somali Diaspora Network (SDN) has always advocated for an...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah