GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Wednesday
Jul 23rd
Home Wararka Siyaasadda Mukhtar Robow oo u Muwadiniinta Mareykanka

Mukhtar Robow oo u Muwadiniinta Mareykanka

E-mail Print PDF

Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu-mansuur) oo shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta gudaha qadka telkefoonka ayaa ka hadlay arrimo aad u fara badan.Arimaha ugu horeeyay oo uu ka hadlay ayaa wxaa kamid ah isaga oo sheegay in isaga iyo dagaalyahnnadooda ay gubeen 2-gaari oo Ural ah ayna ku gubeen inta u dhaxeysa Balidoogle iyo Tuulada Yaaqbarweyne ee G/sh/hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labadaasi gaari oo ay gubeen ay u dheereed in ay la galeen Itoobiyaanka dagaal xooggan halkaasina uu kusoo gaaray Itoobiyaanka khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida uu hadalka u dhigay Abuu-masnuur.

Dhinaca kale Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa sheegay in ay dilayaan Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meel ka mid ah dalka Soomaaliya xitaa haddii ay yihiin waa sida uu hadalka u dhigay Saxafiyiin,Samafalayaal iyo shaqsi caadi ah waayo ayuu yiri waxa ay iyaguna beegsadaan xittaa lo’deena.

Hadalkani ayaa yimid maalmo uun kadib markii Mareykanka duqeyn ku dileen ninka sida weyn Mareykanka u tuhunsan yihiin inuu xiriir la lahaa Ururka Al-Qaacida Macallin Aadan Xaashi Ceyrow. Mukhtar ayaa markii hore sheegay inaysan farsaari doonin kuwa samafalka ka shaqeeya, waxaase haatan khatarteedal leh in dadka samafalaya la sheego in la dilayo, iyadoo ay haatan dalka ka jirto gaajo aad u ballaaran, taas oo aad mooddo inaysan sidii wax looga qaban lahaa uusan ka fekerin afhayeenku.

Trackback(0)
Comments (3)add comment
HASSAN: Bro. http://xxxxx

Nin waalan hadalkiisu qiima ma lahan..... waxaan dilayaa cid kasta Diin Islaam-na waan difaacayaa... waa waalida Khawaarij ta Cusub ee ku soo korortay dunida Islam ka sanadadii u danbeeyay.... ayagaana ah codowga 1 aad ee Muslimiinta.... waana in aan loo kala harin sidii mid mid talaabo sharciga waafaqsan looga qaadi lahaa si dhibka aay umada u keeneen looga baxo... thanks
1

report abuse
vote down
vote up
May 08, 2008
Votes: +0
mr ducaale: MA HUBTAA http//xxxx
DALKA SOMALIYEED INTA BADAN QABIIL SIYAASADEYSAN AYAY ISKU DAGAALAAN. HADDANA WAXAA KU SOO BIIRAY DIIN SIYAASADEYSAN OO HADDANA KU WALAAQAN QABIIL. MUSKILLADA SOMALIA MA AHA DIINTA ISLAAMKA IYO NOOCYADEEDA. MUSKILADDA SOMALIA WAXAY TAHAY IYADOO LOO ADEEGAYO DANO DIBADEED ISLA MARKAANA LA ISKA INDHOTIRAYO DANAHA GAARKA AH EE UMADDA SOMALIYEED LEEDAHAY OO AANAY CIDINA KA HADLAYN. XATAA DAWLAD KU SHEEGAAN WAXAY DANAHA WADAMO AJNABI AH KA HORMARINAYA KUWA DADKA IYO DALKA SOMALIYEED EE AY SHEEGANAYAAN INAY MASUUL KA YIHIIN. DADKA SOMALIYEED IYO DHIBAATOYINKOODU MA DHIBAAN MASUULIYIINTA DAWLAD KU SHEEGA UGU SAREEYA. MADAXWEYNAHA WILIGIIS KAMA HADLIN DADKA BARAKACAY, KAMA HADLIN DADKA MADAAFIICDA AMXAARADU KU GARAACAYSO IYO DUMARKA SOMALIYEED EE AY KUFSADAAN. WADAADADU KHALAD WAY YEELAN KARAAN, LAAKIIN MA RABAAN INAY CID AY MAALAAYACNI KU DILAAN SIDA CIIDAMADA ETHIOPIAN-KA OO AY U MUUQATO INAY AY SOMALI OO DHAN CADOW U ARKAAN. OO AY MADAAFIIC ISKAGA MIIDAAMIYAAN MEEL KASTA OO SOMALI KA XIGTO.
MA U ARKO IN SH. REBOW IYO SAXIIBADII WAALAN YIHIIN. WAXAY RABAAN KELI AH IN CADOWGU WADANKAAN UU DHIBAATADA U GEYSTAY ISKAGA BAXO IYO IN DIINTA ISLAAMKA WADANKA DADKA SOMALIYEED LAGU DHAQO. CABDULLAHI YUSUF IYO SAAXIIBADII MAXAY RABAAN? MA U TUDHAAN SHACABKOODA? MA KA HADLAAN DHIBAATADA AMXAARADU DADKOODA UGU GEYSATO XAMAR? MISE WAXAY IS GARABTAAGAAN CADOWGA SOO JIREENKA AH? MA RABAAN INAY WADANKAAN DHIBAATADA KA SAARAAN? MA HAYAAN AJANDE AAN DAGAAL AHAYN? CABDULLAHI UMA MUUQDO QOF FAHAMSAN WAXYAABAHA LOOGA FADHIYO OO AY DADKA SOMALIYEED OO AAN QABIIL LAHAYNI AY KA SUGAYAAN. CABDULLAHI XAL AAN DAGAAL AHAYN MA HAYO.
2

report abuse
vote down
vote up
May 09, 2008
Votes: +0
soomaaliyah: amxaar iyo dabadhalif ayaa waalan
Runtii way fiicanayd in shiiqu xuso amuuraha ay ka mid yihiin abaaraha iyo rafaadka sicir baraku keenay laakiin in amxaar iyo dabadhilif dabada uga dhaco waa shaqadiisa tan ugu muhiimsan.
waxa waalan waa odayga manaxe ah iyo gaalada madowga uu wato jabkuna waa ku dambayn insha alah iayagu
wasalaam
3

report abuse
vote down
vote up
May 09, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa?

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa? Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...

Gorfaynta Suugaanta aan la Xumayn!

Gorfaynta Suugaanta aan la Xumayn! Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...

Somali Diaspora Network (SDN) Press Release

Fairfax, Virginia, USA, 22 June 2008: The Somali Diaspora Network (SDN) has always advocated for an...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah