Wararka ka imaanaya deegaanka kala bayr ee gobolka Hiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanka ee dagaankaa ku sugan kuna leh halkaasi bar Kontorool in lala beegsaday maanta hoobiyeyaal.
Hoobiyeyaashani lagu garaacay ayaa waxa ay sababeen dhibaatooyin kasoo gaaray Ciidamada itoobiyaanka iyadoo ay kajiraan halkaasi tiro dhimasho iyo dhaawacyo ah.
Madaafiicdaasi kadib ayaa Itoobiyaanka waxa ay jawaab kasoo bixiyeen iyaguna madaafiicdaasi, waxaana ay ku garaaceen Gudaha Magaalada Madaafiic kale oo aad u culus.
Weli lama soo sheegin wax khasaaro dhab ah oo halkaasi ka dhashay iyadoo ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah lagu soo waramayo in ay kasoo baxeen kontoroolka la duqeeyay isla markaana dabagal ku haya Xoogagii Hoobiyeyaasha kusoo weeraray.
Waa markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiyaanka ee kusugan kalabeyr lagu garaaco Madaafiic iyadoo arrintaasina ay walaac aad u xoogan ka muujiyeen bulshada halkaasi kudhaqan oo sheegay in ay soo wajahday cabsi aad u xoogan.





Waxaa weli ay hadal hayaan qaar ka mid ah raggii qabanqaabiyey shirkii Yemen inuu weli rajo leeyahay...
Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...