Golaha Maxaakimta ayaa ku hanjabay in kadib markii ay soo badatay diidista lacagta kunka shilin ay go’aan ku gaareen in ay tallabao adag ka qaadaan cid waliba oo diida lacagtaasi.
Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey oo ah Afhayeenka Guud ee Golaha Maxaakimta ayaa sheegay in horey ay waano iyo walaalow ka aheyd sidaasina ay ku quus qaadan waayeen ganacsatada lakin iminka ay ka dhabeyn doonaan tallaabada ay ku dhawaaqaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay suuleey in la doonayo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa lacagta birta Itoobiya iyaguna ay kasoo horjeedaan arrintaasi oo ay kudhaqaaqi doonaan tallaabo cad sidii ay uga qaadi lahaayeen cid waliba oo diida isticmaalka lacagta u soo hartay Soomaalida ee ah kunka shilin.
Doodani ka taagan lacagta kunka shilin ayaa waxa ay soo baxday kadib markii lacago been abuur ah lasoo geliyay gudaha wadanka Soomaaliya oo loo waayay qaab lagu maareeyo iyadoo ganacsatada iyo bulshada oo dhinac ah iyo dowladda tfg-da ay wada yaaban yihiin isla markaana kawada amakaagsan yihiin sida ay xaaladda ku dambeyn doono inkastoo dhinac waliba uu iska dhigayo qof amakagsan hadana lama oga waxa u wada qarsoon.





Waxaa weli ay hadal hayaan qaar ka mid ah raggii qabanqaabiyey shirkii Yemen inuu weli rajo leeyahay...
Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...