Kulan ballaaran oo la filayo in looga hadlo diidista lacagta keliya ee Soomaaliya u soo hartay ee kunka shilin
ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo suuqa bakaaraha gaar ahaan masjidka Abaa-hureyra ee magaalada Muqdisho.
Kulankaasi ayaa waxaa kasoo qeybgeli doona Ganacsatada gobolka banadir, Culumaa’udiin iyo bulshada qeybaheeda kale, waxaana si aad ah loogu falanqeyn doonaan sida loo qaadan karo lacagta duugga ah ee kunka shilin.
Iminka ayaa waxaa si aad ah u soo buuxdhaafinaya barxadda masjidkaasi dadweyne aad u fara badan kuwaasi oo ka warsugaya sida ay wax yeelli doonaan culumaa’udiinka halkaasi dadka isugu yeeray.
Horey ayaa suuqa bakaaraha waxaa loogu qabtay kulan ceynkani oo kale ah inkastoo amaro badan laga soo saaray hadana ma noqon kuwa ka hirgala isla bartamaha suuqaasi iyadoo ganacsatadu ay ku andacoonayaan in haddii ay qaataan aanan iyaguna laga qaadan doonin.
Dhibaatada maanta ka taagan magaalada Muqdisho ayaa ah tii ugu qatarsaneyd, waxaana Bulshada kasoo haray yaab aad u xoogan kadib markii lacag aanan jeexneyn xittaa la bilaabay in ay diidaan ganacsatada.





Waxaa weli ay hadal hayaan qaar ka mid ah raggii qabanqaabiyey shirkii Yemen inuu weli rajo leeyahay...
Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...