Midowga Suxufiyiinta Carabta ayaa waxa ay soo saareen warbixin dheer oo ay kusoo bandhigeen wadamada lagu dhibay warbaahinta iyo kuwa sidoo kale aanan xoriyadda kuheysan wadamada ay ka shaqeeyaan.
Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen mas’uuliyiin Soomaali ah oo ay ku sheegeen in ay udub dhexaad u yihiin caqabada lagu hayo Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho ka hawlgasha.
Waxaa kamid ahaa Magacyada ay soo bandhigeen oo ay kusheegeen in Saxaafadda Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan Guddoomiyaha Gobolka Banadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere), Madaxa Ciidamada Nabad sugidda Qaranka Maxamed Warsame Darwiish iyo Kooxda Hubeysan ee Alshabaab ee Soomaaliya ka hawlgasha sida warbixin ay soo saareen ay ku sheegeen.
Warkani ay soo saareen Midowga Saxafiyiinta Carabta ayaa kusoo beegmaya xilli Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon uu ku baaqay in Maxkamada dambiyada lasoo taago cid waliba oo lagu helo bartilmaameedka Saxaafadda Xorta ah lana soo hor fadhiisiyo Cadaaladda si wixii ay muteysteen loogu qaado. Shacabka Soomaaliyeed ayaa madaxa Qaramada Midoobay uga fadhiya in sida kuwa saxafiyinta ku xadgubay loo keenayo maxkamad sidoo kale lagy dhawaaqo in kuwa gummaadaya shacabkana Maxkamad Caalami ahla hor keeno oo ay ugu horreyaan ciidamada Itoobiya oo goobaha Muqaddaska ah shacabka ku gummaada, madaafiic iyo rasaas aan loo meel dayinna ku rida goobo shacab ku badan yahay





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...