Maleeshiyo fara badan oo ku hubeysan qoryaha ay TFG-da ugu shaqeeyaan isla markaana ku labisan dress-ka TFG-da gaar ahaan kuwa Militariga ayaa habeenkii xalay waxa ay dhac baahsan ka geysteen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
Dhacani ay ka geysteen degmada shibis ayaa waxa ay noqotay mid amakaag ah oo dadku ay si aad ah ula yaabeen iyaga oo horey dadka shaki uga qabay ayay hadana dadkii kuu sheegayaan in ay ka aamin baxeen guud ahaan Maleeshiyadii dowladda.
Goob Internet Café ah oo kuyaalla degmada shibis gaar ahaan Xaafadda Maanabooliyo ayay habeenkii xalay galeen, waxaana ay wada baarteen guud ahaan dadkii internetka isticmaalayay, waxaana ay kawada qaateen wixii lacag ahaa ee halkaasi tiillay iyaga oo sidoo kale ka qaatay macaamiishii netka isticmaaleysay wixii lacag iyo Mobilo oo ay siteen.
Sidoo kale goob sawirada lagu cadeeyo ayay isla xalay galeen iyaga oo ka qaatay halkaasi qalabkii halkaasi lagu shaqeynayay iyo mobilo, waxaana ugu dambeyntii markii ay ka dhargeen halkaasi si tartiib ah isaga laabteen saldhigyadii ay markii hore kasoo duuleen.
Majirto cid wax ka qabata arrintani lakin sida muuqata waxa ay sababi kartaa in Bulshadu ay dib isku hubeyso gaar ahaan kuwa leh goobaha ganacsi si ay isaga dhiciyaan maleeshiyaadkani ku labisan dress-ka TFG-da ee iyagu caado ka dhigtay dhaca iyo boobka shacabka.
Xiriir shabakadda GOOBJOOG ay la sameysay saraakiil TFG-da katirsan gaar ahaan kuwa Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin wax askar dowladda katirsan oo dhac geystay lakin ay yihiin keliya kuwa ku dhaca dadka dress-ka dowladda inkastoo haddii ay dhacdo in mid kamid ah la dilo dadkaasi la ogsoon yahay in ay ku andacoonayaan dadka wax dilay in ay yihiin dad dowlad diid ah.





Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...