Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa si kulul uga jawaab celiyay hadal kasoo yeeray ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda federalka ahna wasiirka warfaafinta iyo Isboortiga Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo uu ku sheegay in maamulka gobalka Banaadir is badal lagu sameyn doono.
“Horta Axmed Cabdi Salaan ma ogyahay in uu ka yimid kun kiilo mitir kakor uuna talada gobalka Banaadir sidaas uga fog yahay” ayuu si kulul u yiri gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) oo ka jawaabayay hadalkii kasoo baxay Axmed Cabdi Salaan.
“Dowladdu waa mid federal ah, Axmed Cabdi Salaana waxaa uu talada gobalka Banaadir kala mid yahay, wasiirka Daarood, kan Digil iyo Mirifle iyo midka Isaaq, waxaana maamulka gobalka mas'uulka ah dadka gobalka dagan” ayuu yiri Maxamed Cumar Xabeeb Maxmed Dheere.
Lama garanayo waxaa ay mas'uuliyiinta sar sare ee dowladda sida madaxweynaha iyo ra'isulwasaaruhu ay ka oran doonaan hadallada kul kulul oo dhex maray mas'uuliyiintan xilalka muhiimka ah haya ee ka tirsan DFS.
Waxa ay u muuqataa sidoo kale in Maxamed dheere ay soo wajahday cabsi ku aaddan in laga qaado jagada uu u hayo Dowladda TFG-da kadib markii uu warar badan oo dhinaca liddiga u badan uu kasoo yeeray Maxamed dheere.





Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...