Qarax aad u xooggan ayaa waxaa maanta lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay agagaarka Suuqa Towfiiq ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku nafwaayeen inta la ogyahay 3 ka mid ah Ciidamada Itoobiyanka waxaana sidoo kale soo gaaray dhaawac kale oo aad u culus Ciidamada Itoobiyanka.Ciidamadani ayaa lagu soo warramayaa in ay kusii jeedaan Warshaddii hore ee Baastada waxaana goobjoogeyal ay kusoo waramayaan in ay wateen gaari Booyad oo biyo ay ugu jiraan iyo gaari MarkII ah Waxaana qaraxaasi miinada ah lala haleelay Gaarigii MarkII ahaa kaasi oo ka dhashay Dhimashada iyo dhaawaca soo garay Ciidamada Itoobiyaankaasi.
Qaraxaasi ka dib ayaa waxaa goobtaasi laga maqlay Rasaas xooggan oo ay isweeydaarsadeen ciidamada Itoobiyaanka iyo xoogagga ka soo hor jeeda oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn halkii Qaraxa uu ka dhacay inkastoo illaa iyo iminka aanan weli la ogaan khasaaraha ka dhashay israsaaseyntaasi oo dhinaca dadka rayidka ah.
Uma ahan Ciidamada Itoobiyaanka Markii ugu horeeysay ee weeraro kala duwan looga qaado dhanka Booyadaha ay isticmaalayaan Itoobiyaanka ee Biyaha ay ku shubtaan iyadoo Xoogagga kasoo horjeeda Itoobiyaanka ee dagaalka kula jira ay caado ka dhigteen mar waliba in ay la beegsadaan booyadaha Biyaha u daraya Ciidamada itoobiyaanka oo ay xilliyadii dambe si toos ah u gubayeen.
Set as favorite
Bookmark
Hits: 279
Trackback(0)
Comments (0)

Write comment




Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...