Maanta ayaa waxaa lagu guuleystay in dib loo howlgeliyo dekeda weyn ee magaalada Kismaayo oo muddo 3 maalmood ah u xirnayd maleeshiyooyin aan cidna ka amar qaadan oo dekeda gantaalo ku garaacayay.Dadaallo ay sameeyeen golaha dhaqanka Kismaayo, aqoonyahanno iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka TFG-da ayaa dhaliyay in lagu guuleysto in Dekedda ay dib u hawlgasho.
Maliishiyooyinkan maalmihii lasoo dhaafayay dekeddu u xirnayd ayaa ku doodayey in maamulka dekedda ay ku leeyihiin lacago in muddo ah aan la siin oo is gaaray taasoo oo dhan 100-kun oo doolarka Mareykanka ah, hase ahaatee waxaan la garanaynin sida ay suuragal u noqotay in maleeshiyooyinkan la qanciyo dekedana la howlgeliyo, inkastoo ay muuqato wali maleeshiyooyinka sidii ay rabeen in aan loo yeelin.
Dekedda ayaa hawlaheedii maanta si caadi ah ay u socdaan iyadoo Doomo halkaasi fadhiyay lagu sii billaabay rarkii lagu hayay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lagu rarayo Dhuxul iyadoo aanay jirin cid wax ka qabaneysa arrimahaasi ku aaddan rarista dhuxusha.
Set as favorite
Bookmark
Hits: 124
Trackback(0)
Comments (0)

Write comment




Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...