GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Saturday
Jul 26th
Home Wararka Siyaasadda Rasaas Xooggan oo laga Maqlayo Carataaf iyo Towfiiq.

Rasaas Xooggan oo laga Maqlayo Carataaf iyo Towfiiq.

E-mail Print PDF

Gelinkii dambe ee shalay ayaa Ciidamada Itoobiyaanka ee kusugan garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa waxaa lagu garaacay hoobiyeyaal fara badan iyadoo halkaasina ay kasoo gaartay khasaare baaxad weyn inkastoo aanan la ogaan karin inta uu la eg yahay khasaarahaasi.

Dhanka Itoobiyaanka jawaab ay bixiyeen ayaa iyaguna waxa ay hoobiyeyaal ku garaaceen xaafado ay kamid tahay Gubta iyo kuwa ay dad rayid ah degan yihiin inkastoo weli aanan laga soo sheegin khasaaraha dadka rayidka ah soo gaaray.

Saakay ayaa rasaas culus waxaa si weyn looga maqlayaa inta u dhaxeysa Isgoyska Towfiiq illaa Xaafadda Carafaat, waxaana dadka halkaasi kusugan ay GOOBJOOG u xaqiijiyeen in Madaafiic la maqlayo saakay inkastoo aanan la ogeyn madaafiicdaasi cidda isweydaarsaneysa.

Laakin Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la xaqiijiyay in ay ridayaan madaafiicdaasi, waxana weli aanan la kala saari karin saakay in ay xasuuq kawadaan halkaasi iyo in uu jiro iska horimaad xoogan sababo la xiriira dadka halkaasi kusugan oo aad u yar isla markaana guri ku dhex xayiran.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxa ay si aad ah uga careysan yihiin weerarkii shalay lagu qaaday oo la sheegayo in uu sababay khasaare fara badan oo dhanka Itoobiyaanka soo gaaray kaasi oo iyaguna saakay ay isku dayayaan in ay ka geysteen qeybo k amid ah Muqdisho xasuuq  ba’an.

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Shirkii Yemen Ma Cayriin buu Eeday Mise Wax kale

Shirkii Yemen Ma Cayriin buu Eeday Mise Wax kale Waxaa weli ay hadal hayaan qaar ka mid ah raggii qabanqaabiyey shirkii Yemen inuu weli rajo leeyahay...

Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo Saamaynta uu ku Yeelan karo Shirka Jabuuti

Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo Saamaynta uu ku Yeelan karo Shirka Jabuuti Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ...

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...

Somali Diaspora Network (SDN) Press Release

Fairfax, Virginia, USA, 22 June 2008: The Somali Diaspora Network (SDN) has always advocated for an...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah