Degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa kajirta xaalad cabsi oo aad u xooggan kadib markii shalay halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay qoys guri kuwada jiray.Dilkaasi shalay ka dhacay Mahadaay ayaa lagu soo warramayaa in uu ku lug leeyahay aano qabiil iyadoo dadkuna ay iminka ka cabsi qabaan aanadaasi qabiil in ay kusii baahdo magaalada oo dadka kudhaqan degmada Balcad la laayo.
Odayaal ayaa saakay lagu soo waramayaa in ay isku dayayaan in ay arrintaasi kahor tagaan inkastoo weli wax natiijo ah aanu kasoo bixi kulamo ay yeesheen odayaashaasi oo lasheegay in ay doonayaan beelaha xafiiltanka uu ka dhaxeeyo in ay dhex dhexaadiyaan.
Horey ayaa degmada Balcad waxay gacanta ugu gashay Xoogagga Maxkamadaha iyaga oo sheegay in fal waliba oo amni darro keenaya ay ka hortagayaan inkastoo xaaladda iminka ka taagan weli lagu soo waramayo in aysan soo kala dhex gelin iyadoo dadku ay aaminsan yihiin haddii xoogagga Maxkamadaha ay soo dhex galaan xal dhab ah laga gaari karo dhibaatada ka taagan degmada Balcad.





Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...