Wafdi ballaaran oo ay hogaaminayaan madaxda Isbahaysiga DIb Uxoraynta Soomaaiya iyo xubno ka tirsan gudigii wadahadalka Jabuuti ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nairobi jaaliyadda Soomaaliyeed iyo diblomaasiyiin halkaasi ku sugan.
Wafdiga ayaa kulamadii uu la yeeshay diblomaasiyiinta ay isla soo qaadeen sidii loo meel marin lahaa heshiiskii dhawaan Jabuuti lagu saxiixay iyo sidii loo hubin lahaa in ciidama Itoobiya dalka ka baxaan lana helo kuwa bedela oo Qaramada Midoobay ka socda.
Wafdiga oo qaybo kala duwan oo jaaliyadda Soomaalida ee Kenya siyaabo kala duwan ula kulmayey, ayaa shalay wuxuu hotelka Hilton ee Nairobi uu kala qaatay kulan ballaaran waxgarad, ganacsato iyo dadweyne halkaasi isugu yimid oo ilaa kun qof ku dhawaa.
Kulanka ayay ugu sharxeen dadkii kasoo qaybgalay ahamiyadda heshiiska la gaaray iyagoo sidoo kalena dadka u sharxayey nuxurka heshiiska kana shaafinayey shubuhaad lagu furay qodobada heshiiska iyo sida wax u dhecee.
Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in haddii aad dadka dagaal wada iyo cagta aan marinno lagugu soo dhaweynayo. laakiin marka aad tiraahdo deganaan iyo siyaasad iyo nabad aan wax ku raadino shaki iyo buuq la billaab ayo.
Wax garad Soomalaiyeed ayaa ku dooday maadaama dhawr iyo tobankii sano ee tagay dagaal joogta ah lagu jiray in dad badani dagaalka ku kala indha qaadeen ama ku dhex koreen, ayna dadku nabaddaba uga baqayaan qaarkood si aysan colaadda iyo xabadda uga baqin taasoo ah dhalan rogan ka dhashay dagaallada dabadheeraaday.

WELIGOODNA WAX XAL AH UMA KEENI KARAAN SHACBIGA SOMALIA MAXAA YEELEY HADDII AY TAASII DHACDO WAXEY SI TOOS AH U WAAYI DOONAAN RAAXADA AY HADDA KU HELAAN MAGACA MASAAKIINTA.
Votes: +1
Votes: +1
tan labaad waa masuul saaran qofkasta oo soomaali ah,qaangaar ah,maskaxdiisu taam tahay in uuw raadiyo runta,balse waxaan jeclaan lahaa in aan idin weydiiyo markii xamar laga saaray maxkamadaha in la dilay ilmo da'doodu u dhaxeeyso 17-20 jir oo gaaraya ilaa 3000 canug,lana burburiyey koonfurta soomaaliya,dad badana la barakiciyey,guryahoodiina dab la qabadsiiyey,dumarkiina la kufsaday,in madaxdii maxkamadaha aan wax dhib ah soo gaarin,oo taas aan marqaati ka wadanahay,hadaba sabata loo diliwaayey madaxda sar sare ee maxkamadaha maxey tahay,ama loo geynwaayey Guantanama?ileen iyaga ayaa soo abaabulay,kana masuul ah in soomaaliya loogu yeero waa argagixiso.
Shiikh Hasan daahir waxa uuw saaxiib la yahay wadamo carab ah oo u xil saaran la dagaalanka argagaxisada sida masar,imaaraadka carabta,oo uuw marka uu doono soo gala,markuu doonana ka baxo,wadamadaasna waxaa degan ciidamada mareykanka.
sidoo kale Shiikh Shariif waxaa laga qabtay xuduuda kenya,waxaana la dajiyey hoteel 5 xidig leh,iyadoo islamarkaana diyaaradaha mareykanku duqeeynayaan dad iyo xoolo aan waxba galabsan.
hadaba waxaa maskaxdeyda ku soo dhaceeysa oo aan aragnaa in dadweynaha aduunka loo kala qeybiyey kuwa seeriA iyo seeriB ah,iyadoo kuwa seeriAda ah ay leeyihiin xaquuq ah in ay noolaadaan halka kuwa kalena aanan u laheyn xaquuq in ay noolaadaan,hadaba Shiiq Hasan iyo Shiiq Shariif miyeysan habooneyn in aan aad uga fiirsano hadaanu nahay seriB?
mahadsanidin
Votes: +1
Votes: +0
Maxaase loogula yaabayaa haddii eey yiraahdaan asaga iyo ragga kale ee ku ra´yiga ahi "nabad wax ka wanaagsan malahan".
Tusaale yar:Haddii dibi dad dil ahi gurigaaga oo ilmahaada iyo waalidkaa oo waayeel ahi ku jiraan kuugu soo galo ma waxaa roon in aad gacanta u dudid mase waxaa roon in aad dhaq dhaqaaqa yareysid illaa aad ilmaha iyo waalidkaa ka saartid muska?
Haddiise Ethiopia marki eey bannaanka joogtay lala dagaali waayey maxaa BM-ka dhagaxa loogu tuurayaa caqligi aan intaas garan yuu rabaa in uu hogaan ugu doodo?
Heshiis maxaa ka fiican? Nabad maxaa dhaama dagaal iyo colaadaa Islaamkase xagey uga jirtaa meesha fitnadu qofka banii aadamkaa nabadda uga qiima badan tahay? Ilaahey haddii aan laga baqeyn laakiin la aaminsan yahay in Ilaahey iyo islaamka lagu meel gaaro, waa arrin maanka gadday!
Shiikh Shariif waxaa maanta lagu heystaa maxaad nabad xal ugu raadineysaa? Dagaal qofkii khasaarihiisa yaqaan ayaa wax ka qaban kara. Maalin waxaa jirta aad loo dhaliilsanaa indha la´aanta Shiikha, laakiin hadda aad ayaan ugu rejeyneynyy in Allah ku garab galo nabada ayada oo aan dhiig marasu ku daadan.
Ciddi u aragta in eey go´odoonsantahay yeysan qafaalan qarannimada Soomaaliyeed iyo Islaamnimada oo ku andacoonin in aan nabadi ummadda u rooneyn una qaadmin.
Mar uun caqligu waa in uu shaqeeyaa muruqa iyo hunguriga oo la dhaba galo meesha eey rag dhigaan cid ka qaadi karta waxaa ka jira caqliga oo la adeegsado iyo lillaahi, dad badan ayaanan baran sida muuqata in eey Allaah iyo daacadda aaminaan.
Allaah cidna kuma xad gudbo, Baadilna xaq uma ekaado ha lagu maldaho beryo haddii la rabee.
Wassalaamu Caleykum
Votes: +1
Hadba waxuu ku shalan sheeliyoo dib uga shaacdaaba
Shilal iyo waxuu kugu xidhaa shalawgii naareede
Shareecada markuu ka anbiyee sharaf ka dheereeyay
Rag badan buu shukaanta u qabtoo shaahid loo yahaye
Maantana shariifyaa ku dhacay shabakadii buushe
Hubka lagu shufbeeliyo markay shidanto baaruuda
Dadka waa la kala shiilijiray sheeda guud simane
Safka niman ku jiray waxay noqdaan shilin qarsoonayde
Shalay fiidadowgii warkii shaaca laga qaaday
Ee sida shamsada soo ifbaxay shaafi ma ahayne
Alaylehe shirwayn buu ahaa shuushna waa dhalaye
Iyagoon la showrin ragii cadawga shiishaayay
Xabashida waxay ula shurkeen shicibka naafaysay
Waa niman shiidaal lagu shubtoo shilin u muuqdaaye
Khiyaanada kufriga soo shaqlay iyo sheeko baralayda
Sharma sheikh halkii reer xamaas lagu sharqoolay
Waa shuqul nin soo wada unkoo way is shabahayaane
Hadii aanu shakaal hore ku xidhan shax uma jeexeene
Waase shaamareer iyo umuur laga shisheeyaaye
Shakigii dad waynuhu qabaa yimid shinkiisiiye .
Votes: +0




Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...