Shir ka soconaya Caasimadda Wadanka Shiinaha ee Bakiin oo looga hadlayo Arrimaha Ganacsiga ee ka dhaxeeya Wadamada Afrikanka iyo Carabta gaar ahaan tan ay wadaagaan iyaga iyo Shiinaha ayaa Dowladda Shiinaha waxa ay sheegtay in Dhaq dhaqaaqeeda Ganacsi ee wadamadaasi ay horumar weyn ka gaareen.Shirka ka dhacay Bakiin ayaa waxaa heshiis kula galay halkaasi dowladda Shiinaha illaa 21-dowlad Carbeed marka laga reebo Soomaaliya oo aanan laheyn Wasaarad Ganacsi oo heshiisyo la geli karta Dowlado waaweyn kadib markii la waayay cid kalsooni buuxda siisa Soomaalida sida lagu soo daabacay wargeyska lagu magacaabo ALWATAN ee kasoo baxa wadanka Kuweyt.
Dowladda Shiinaha ayaa waxa ay sheegtay in sababta ay xirir ganacsi ula yeelan waayeen Soomaalida ay tahay kadib markii ay waayeen muddo kudhaw 20-sano wax xukuumad dhexe ah oo heshiisyada ay gasho ballan qaadi karta in ay kasoo baxdo.
Kuxigeenka maamulka guud ee ganacsiga wadanka Shiinaha u qaabilsan Galbeedka Aasiya iyo Afrika kana mid ah Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo LII SHIYAA WIIN ayaa sheegay in Soomaaliya haddii ay lahaan laheyd xukuumad dhexe oo waxtar leh ay heshiisyo la geli lahaayeen laakin waxa uu sheegay in aysan weli heysan Soomaaliya wax xukuumad awood leh oo fulin karta qorsheyaasha lagula heshiiyo inkastoo heshiisyada ay la galeen dowladaha Carabta uu noqday iminka kuwa horumar baaxad weyn laga sii gaaro.
Dowladda Shiinaha ayaa horey maalgelin ugu sameyn jirtay Wadanka Soomaaliya gaar ahaan dhismooyinka Xarumaha Dowladda inkastoo iminka ay ka gaabisay kadib markii sida muuqata ay weyday cid ay la macaamisho.
Set as favorite
Bookmark
Hits: 503
Trackback(0)
Comments (0)

Write comment




Waxaa weli ay hadal hayaan qaar ka mid ah raggii qabanqaabiyey shirkii Yemen inuu weli rajo leeyahay...
Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ...
Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...
Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...
The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...
Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...