Tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliyoa 1991, dalka kama jirin dawlad dhexe oo hanata maaraynta shilinka Soomaaliga. Ma jirin bangi dhexe oo soo daabaca ama loo gaysto lacagaha duugooba si ayugu badlaan dadweynaha.
Waxaa jiray lacago kala duwan oo markii muddo la joogaba dibada lagu soo daabaco, taasoo qiima dhac kusoo kordhin jirtay shilinka Soomaaliga, dadkuna aysan haysan cid ka xakamaysa arrintan mar haddii ay dawladdiiba maqan tahay.
Tan markii ay xukuumadda C/llaahi Yuusuf soo gashay Muqdisho iyada oo taangiyada Itoobiyaanka saaran, waxaa dhibaato kusoo korortay shilinka Soomaailga. Waxaa gudaha dalka la keenay makiinado lacagta soomaliga lagu daabaco, taasoo qiimo dhac wayn ku keentay shilinka Soomaaliga iyo boob qayaxan oo ay gaysanayaan kuwa lacaga soo daabacday.
DFKMG ah lacagta dhankeeda ka daabacanaysay awoodna uma yeelan inay ka joojiso kooxaha kale ee daabacanaya. Waxaa dhanka kale soo korortay in lacagti duugowday la waayo cid qaadata iyo bangi loo celiyo oo dadka u badala, kuwa daabacanayana diyaar uma ahayn inay dadka u badalaan maadaama ay iyagu haatan yihiin qoloda kaiiya ee shilinka Soomaaliga soo saarkiisa gacanta ku haysa.
Waxaa cadaadis badan la saaray ganacsata oo diiday inay kunka duugga ah qaadato ama siiso qiimaha kan cusub oo kale. waxaase la yaab leh iyadoo taas ganacsatada lagu canaanayo in hadana wasiirka Ganacsiga uu ku dhawaaqo in lacagta duugga ah ugu badalayaan shacabka mid cusub balse qiimaha tan duugga uu hoosayn doono taasoo ah wixi sarriflayaasha lagu haystay!
Waxaa arrinta uga sii daray markii kuwii canshuurta qaadayey ee dawladda hoose ay diideen ama ka maagaan qaadasha lacagta duugga ah. Waxaa sidoo kale dakadda iyo madaarka maamulkeedu aysan qaadan lacagta shilin Soomaaliga ah oo waxay wax ku canshuuraan doollar!
Intaas oo jahawareer ah; iskadaabacashada kunka shilin oo aan xadka lahayn, lacagtii oo cid kuu badalaysaa jirin isla qiimihii iyadoo leh, duuggii oo aan canshuur ahaan loo qaadanayn, ama meelaha qaar doollar la iska rabo oo kunka Somaaliga ahla iska yeeleyn intaba waxa keenayaan in shilinka Soomaaliga ah laga guuro.
Waxaa marka danbe ay duruufto qasbi doontaa in haddii aan xal loo helin dhbaatooyinkaa shilinka Soomaliga ku horgudban iyo dhaca iyo dhibka shacabku ku qabo, in looga guuro lacago kale intii isaga xal looga heli doono.





Waxaa maalamahan aad isu soo taraya hadal haynta la xiriirta khilaaf la sheegayo inuu Isbahaysiga so...
Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in m...
The assassination of a Somali al-Qaida affiliate overshadows peace talks, with Kenya vulnerable to t...
Introduction
In Part One of my assessment of the impacts of Ethiopia’s invasion of Somalia, I tr...
أعلن البنتاجون بنشوة مقتل الزعيم الشاب آدم حاشي عيرو ز...
في مشهد يعيد الي الأذهان مذبحة دير ياسين في فلسطين عام ...