GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Sunday
Nov 23rd
Home Maqaallada Soomaali Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

E-mail Print PDF
 

Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhacay magaalada Kismaayo todobaadkii la soo dhaafay (20-22/08/2008) tiro kale oo boqolaal gaaraysana  wey ku dhaawacmeen  iyadoo ay intaa dheertahay kumanaan dad ah oo ka barakacay magaalada. Dhibaatadaasna inta badan waxay gaartay dadkii rayidka ahaa ee magaalada ku noolaa.

Kismaayo waxay aheyd magaalada kaliya ee koofurt Soomaaliya ee ka badbaaday dagaalada Xabashida ay ku burburiyeen dalka, islamarkaana aysan ka jirin maamul si toos ah ugu xiran Xabashida iyo Dowaladan KMG. Inkastoo uu ka jiray maamul uu awood muuqata ku lahaa mid ka mid ah dagaal ogayaasha lagu xasuusto dilka, dhaca iyo bililiqada hantida ummada iyo ku xadgudabka shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna safka hore kaga jiray liiska xubno dhowr ah oo taariikhda Soomaalida kaga jiro baal mugdi ah, maalin maalmaha ka mid ahna la horkeeni doono cadaalada. Balse waxaa xusid mudan in  magaalada xiligaas aysan jirin colaad ka taagneyd iyo cadawga fariisin ka dhigtay.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaa lagu hoobtay  waxaa guul iyo nasri Alle ku tilmaamay kooxda Al-shabaab oo sheegatay in ay Kismaayo gacanta ku dhigeen, waxaase markiiba sheegashadaas guusha ka daba yimid Yusuf Indhacade oo ku dooday in duullaankaas ay u dhammaayeen ilaa iyo sadax kooxood oo kala ah Al-itixaad, Maxkamadaha (Indhacade) iyo Al-shabaab oo aysan cid si gaar ah u sheegan karin!! Waxaa sidoo kale barakeeyay shaacana ka qaaday in la huri waayay wixii ka dhacay Kismaayo  Sh. Xasan Daahir iyo Sh Cumar Iimaan oo ku sugan saldhigooda Asmara. Waxayna xoogagan qabsaday magaalda aad u yareeyeen wax ka dhacay inkastoo Xoghayaha xuquuqul Insaanka iyo Baarista Dembiyada Dagaalka ee kooxda Asmara uu ku tilmaamay xaalada Kismaayo mid uur ku taallo ah una baahan in dadka lala soo gaaro gargaar deg deg ah.

Dhacdadaan ayaa ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto ku noqdotay naxdin iyo fajiciso, waxaa la garan waayay si loo macneeyo colaadan sokeeye iyo sababta loo  abaabulay waqtigan iyo dabka lagu shiday magaaladan nabdoon ee looga mirodhalin waayay dadaaladii nabadeynta iyo wadahadaladii u socday labada dhinac. Iyadoo ummadu maskaxda ku hayso xaalada adag ee uu wadanku marayo iyo gumaadka iyo gowraca joogtada ah ee gumaysiga Xabashida ku wado shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan cusub ayaa u muuqdo mid ujeedo badan ah, waxaana loo micnayn karaa bilow koox cusub oo mudaba la filayay in si dhaqso ah isugu biiraan kuwaas oo ah Al-shabaab iyo Kooxda Al-itaxaad ee Asmara si ay u abuuraan xoogag hor leh, maadaama ay soo foodsaartay  cabsi weyn oo ka dhalatay fashilkooda xagga siyaasada iyo isbadalka muuqada ee xaalada dalka, waxaana meharka iyo caqdigan dhaxmaraya labada koox  Sheekh ka ah Yusuf Indhacade oo soo jeediyay in goobta ugu wanaagsan ee gogosha  la dhigayo ay noqoto Kismaayo

Waxaa muuqata in  kooxdan iyagoo ka jawaabaya dhaqdhaqaaqyada socda, rabana in ay soo bandhigaan muruqooda ay fuliyeen howshan, waxaase la is weydiiyay ma shacabkoodey u xoog leeyihiin? Mase waayeen cid kaloo cadow u ah oo ay maquuniyaan!!!  Waxaase taa ka sii daran dad Islaanimo iyo diin sheeganaya in ay xalaashaday dhiiga ummada Islaamka ah, oo guryahooda ku dumiyaan.

Waxaa xaqiiqo ah in kooxdan cusub haddii aysan ka waantoobin falalka noocaan ah ay sii murjin doonaan mushkiladda, isla markaana ay u suura galinayaan cadowga in uu helo waqti uu ku sii naf dheeraysto, iyagoo usii gogol xaaraya sida ay magaalooyin kale ka sameeyeen, in cadawgu gumaado shacabka anan hubaysnayn sidii horayba uga dhacday magaalooyin kale oo ay ka mid tahay B/weyne, taas oo ay u dheertahay inay ka xaluushaan magaalada, isagana dhax baxaan shacabka iyo cadawga ay kusoo hogaamiyeen.

Falalka kooxahaan ayaa waxay salka ku hayaan  fikradaha ay aminsan yihiin ee ku saleysan in awood iyo qoriga caaradiis xukun lagu gaaro. Waxaana taa ku dooday  todobaadkii hore Sh. Xasan Dahir Aweys oo uu yiri “Nabad wax lagu gaarayo ma jiraan ee waa inaan dagaalanno”. Halka dhinaca Al- Shabaab afhayeenkooda Abu-mansuur yiri: “Anagu dagaalka waan wadeynaa xitaa haddii Itoobiyaanku baxaan ilaa aan dastuurka ka badalno”.

Waxay shacabka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen hadalkii Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoreynta Sh. Shariif oo ay ka muuqatay masuuliyad, waxaana laga rajeynayaa Isbahaysiga iyo xoogaga kale ee wadaniyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed in wax hadal dhaafsiisan ay la yimaadaan oo ah qorshe ay ku dhowri karaan xurmada, sharafta iyo dhiiga qofka Soomaaliga ah, islamarkaana ka saari kara ummada xaaladan cakiran ee ay ku jirto iyaga oo u maraya wado kasta oo xalaal ah.

Haddaba ummada Soomaaliyeed waxaa la gudboon gaar ahaan waxgaradka in ay cambaareyn dusha uga tuuraan falkasta oo waxashnimo oo ka soo horjeeda tacaaliimta diinteena qiimaha badan iyo dhaqankeena suuban oo lagu wax yeelayo shacabkeena, laguna kala dhantaalayo awooda ummada ku howlan iska xoreynta cadowga ku soo duulay loogana mashquulinayo gaaritaanka hadafkaas muqadaska ah.

Ugu dambeyntii waxaan kula talin lahaa kooxdan cusub in ay talo dib isugu noqdaan, Jihaadka iyo xabadana ay kala hortagaan Cadowga Xabashida  ee nagu soo duulay ayna wax ka bartaan wixii ay soo mareen, gaar ahaan Odayaasha howsha horboodaya oo aan filayo inaysan aheyn markii ugu horeysay oo ay magaalooyin ku duulaan xoogna ku qabsadaan. Haddii aad isku aragtaan dad ama duul meel kale laga soo idmay oo aan ummada ka mid aheyn, waxna kala dhaxeyn, oo doonayo inay  xoog ku maamulaan, waxaa hubaal ah in aad ku  fashilmaysaan sidii horeyba u dhacday.

C/qaadir Xaaji Xuseen.

This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Show Other Articles

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan Credit crisis began 13 months ago in August 2007 when the growing payment mortgages deficit, put mil...

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac “Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah