GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Sunday
Nov 23rd
Home Maqaallada Soomaali Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

E-mail Print PDF

Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska laga raaco xaafad ku taalo London soo istaageen labo dumar oo Soomaali ah, mid ka mid ah dumarkaasi ayaa waydiisay midda kale:

 

“Inantaadii ma dhamaysay jaamacadda?” .

 

“Haa” ayay ugu jawaabtay middii su’aasha la waydiiyay.

 

“Miyaa la guursaday?”

 

“Maya!” Oo middii ka wayneed ayaa weli guriga ii joogta.”

 

“Anigaba mid baa guriga ii joogta oo calafkeeda ayay sugeysa.”

 

“Baryahaan waa yaabnoo gabdhihii Soomaliyeed waxaa ku adag in ay helaan rag fiican oo dhaqda. Waxbeey barteen, waa shaqeeyaan, balse ragbaan jirin.”

 

Haddalkii u dhaxeeyay labada dumar waxa uu istaagay markii baskii ay sugayeen yimid.

 

Haddaba su’aasha meesha taalo ayaa ah labada dumar ma waxay dhaleecaynayeen ragga mise waxay cabiraayeen dhibaato jirto oo la xariirta guurka?

 

Haddaba si aan arrintaan jawaab ugu helno bal arrimahaan aan fiirino. Tirakoobkii 2001, waxa lagu mujiyay in Soomalida ku dhaqan Ingiriiska in 46% rag yihiin halka 54% dumar yihiin. Cilmibaaris uu soo saaray Institute for Public Policy Research sanadkii 2007, waxaa lagu qiyaasay ragga Soomaliyeed in yihiin 38% halka dumarkana ka noqdeen 62%. Taa marka lagu daro raaga qayila iyo kuwa aan shaqeysan waxa ay muujinaysaa culeyska gabdhaha Soomaliyeed kala kulmi karaan inay helaan rag ay guursadaan. Gutteng and Secord oo wax ka qora kala badanaanshaha raga iyo dumarka waxa ay yirahdeen “Dumarka ku dhexnool bulsho dumarka ku badan yahay waxay dareemaan awood dari iyo qiimo daro kaga timaado bulshada.”

 

Labo arrimood ayaa sii cakiraaya culayska ka jira helitaanka qof ku haboon guursashada:

 1 – dhaqanka Soomaliyeed ma dhiiri geliyo guursashada dad qalaad, xitaa marmarka qaarkood waxaan la oggolayn kala guursashada qabiilada qaarkood. Taa waxay keenaysaa in gabdhaha ku sii adkaato sidii ay u heli lahaayeen rag isku meel ay ka soo jeedaan oo dhaqan kara;

2 – ragga Soomaliyeed oo cuqdo ka qaba gabdhaha waxbartay iyo kuwa muujiyo isku kalsoonaansho buuxda. Haddaba su’aasha waxay tahay xaas waxbaratay ma caqabad baa mise waa kaalmo dheeri ah oo ku soo biirtay qooyska?

 

Rag badan oo ka tirsan jaaliyadda ayaa dibadaha ka soo guursado taana waxay sii yaraynaysaa oo ay sii murjinaysaa xaaladdii horay u jirtay oo ay gabdhaha Soomaaliyeed ay ku heli kari lahaayeen rag si xushmad leh u dhaqdo. Ku noolaanshaha dalkaan waxuu wax badan ka beddelay dhaqanka iyo qaab ku dhaqanka guriga. Waxay raga wadamada kale u guur doonta ku doodaan inay dareemayaan inuu is-beddel ku yimid dumarka ku nool halkaan waqti dheer waxayna raggaasi sheegaan in inaysan dumarkaasi u jajabsanayn sida dumarka ku nool Afrika iyo dalalka Carbeed.

 

Bal haddaba aan u jileecsano dhinaca kale oo ah inay gabdhaha ku doodayaan inaysan heli Karin rag u qalmo oo ay guursan karaan. Peter Hector, oo ah qoraha buuga la yiraahdo Love is no Guarantee, mar uu waydiiyay gabdhaha nooca uu noqonayo ninka ay jeclaan lahayeen in ay guursadaan waxay ku jawaabeen waa in uu noqdo: “nin aan is fahmayno, deggan, dhaqaalo ku filan haysta, hal abuurleh, kaftan yaqaana, akhiyaar ah, aan ka cabsanayn inuu muujisto jeceylkiisa, diyaar u ah inuu mas’uul qaado reerna dhaqdo. Intaa waxaa dheer in uu qurxan yahay, muuqaalkiisana fiican yahay.” Gabdhaha Soomaliyeed waxa ay ku sii darsan lahayeen waa in uu yahay nin diinta ku dhaqmo. Haddaba su’aasha meesha taalo ayaa ah rag noocaan ah sidee lagu helayaa isla markaan imisa ayay qaadanaysaa in rag noocaan ah in la helo?

 

Gabdho ayaa ku dooda inaysan doonayn niman dhinac walba ka buuxa balse ay yar yahiin niman macquul ah oo dhaqda. Waagii hore waalidka ayaa isu dooni jiray labada is guursanayso balse xilliyadaan danbe labada doonaayo inay is-guursadaan iyaga ayaa iskeensada. Gaabdhaha qaar ayay ku adag tahay in ay la kulmaan rag gayaankooda ah. Goobaha waxbarashada, shaqada, iyo aroosyada ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay ku kulmaan dadka guurdoonka ah.

 

Inta badan gabdhaha diyaarka u ah inay guursadaan waa ay dhameeyeen waxbarasha sidaa daraadeed ma tagaan goobaha waxbarashada ama waxay sii wataan waxbarashadooda jamacadeed maadama mid u qalmo ayan helin taa ayaana keenaysa in jaamacadaha kula kulmaam rag sharuudo badan wato ama meelo kale u hanqal taagaya. Haddi aysan ku jirin waxbarasho waxaa dhici karto inay ka shaqeeyaan goobo ay ku yar yihiin rag Soomali ah oo guurdoon ah amaba aysan joogin. Aroosyada waxa ay ka mid ahaan jireen meelaha ugu badan oo ay ragga iyo dumarka ku kulmaan. Balse diinta oo ku sii xoogaysanaysa jaaliyadda dhaxdeeda, aroosyada hadda badanaa ragga iyo dumarka isma dhexgalaan sidii hore. Taana waxay sii yareysay in wiilasha iyo gabdhaha is bartaan.

 

Haddaba maxay qaban karaan gabdhaha Soomaliyeed marka ay ka tiro badan yihiin ragga isla markaas ay jiraan culays dhaqan?

 

Arrinta guurka ma aha arrin ku kooban gabdhaha oo qura, waa mashaakil xalkiisu sugayo jaaliyadda oo dhan. Aqoonsashada iyo ka hadalka arrintaan waa talaabada ugu horaysa ee la qaadi karo. Turxaan bixinta dhaqankeena, hagaajinta fahamka ka dhaxeeyo dumarka iyo ragga, iyo abuuris meelo ay ku kulmi karaan wiilasha iyo gabdhaha waxa ay keeni karaan xal u helidda culayska ka jira xagga guurka. Waxay ragga u baahan yihiin inay is waydiiyaan cabsida ay ka qabaan gabarta wax baratay ama isku kalsoon: Ma cabsi run ah baa mise waa mid ay iyaga aamineen? Sidoo kale, ma qasabaa in dunida dacaladeeda la aado si loo guursado? Gabdhana waxay u baahan yihiin in ay isweydiiyaan sharuudaha ay wataan in ay yihiin kuwa macquul ah? Sidoo kale diyaar ma u yihiin in meel dhexe la isugu yimaado?

 

Mohamed Mukhtar

This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Show Other Articles

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan Credit crisis began 13 months ago in August 2007 when the growing payment mortgages deficit, put mil...

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac “Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah