GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Friday
Sep 05th
Home Maqaallada Soomaali Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo Saamaynta uu ku Yeelan karo Shirka Jabuuti

Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo Saamaynta uu ku Yeelan karo Shirka Jabuuti

E-mail Print PDF
Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ahayd 18/07/2008 ayuu ku sheegay in khilaafadkii u dhaxeeyay xubnaha sarsare ee maxkamadaha ee ku saabsanaa heshiiskii Jabuuti la xaliyay. Laakiin, maalintaas maalintii ku xigtayba waxa muuqatay in aanu heshiiskaasi lugo ku taagnayn. Koooxdii isbahysiga ee ay xaruuntoodu ahayd Jabuuti waxa ay halkaas ka fureen shirkoodii golaha dhaxe kaas oo ay ku ansixiyeen heshiiskii Jabuuti. Sidoo kale qaybtii Isbahaysiga ee ay Asmari xaruunta u ahayd iyaguna waxa ay halkaas ka fureen shirkoodii golaha dhexe. Tariikhdu markay ahayd 22/07/2008 ayaana shirkaas lagu go’aamiyay in la casilay madaxdii isbahaysiga, isla markaana Asmara lagu doortay madax cusub oo Isbahaysigan hogaamisa. Dhacdooyinkani waxa ay markhaati u yihiin in uu burburay isbahysigii Asmara. Hadaba waa muhiim In la is waydiiyo maxaa sababay burburka Isbahysiga Asmara? Sidoo kale, iyana waa in la is waydiiyaa raadadka uu burburkani ku yeelan karo heshiiska Jabuuti? Jawaabaha su’aalahaas ayaan hadii Alle yidhaahdo ku eegi doonaa maqaalkan.

Qaybasanaanta Fikirka wadaada Isbahaysiga

Ururkii maxaakiimta waxa ku midoobay wadaado uu fikirkooda siyaasiga ahi kala duwanaa. Qolo ka mida qolooyinkii ku midoobay Maxkamaduhu (Al-shabaab) bilowgiiba waa ay diideen in ay ka qaybgalaan dhismaha isbahaysiga Asmara iyaga oo diidmadooda sabab uga dhigay in aanay waxba la wadaagayn dad aan aaminsanayn in xalku uu yahay diinta Islaamka - ama sida ay u dhigeen dad cilmaamiyiin ah. Wadaadadii ka qaybgalay dhismaha Isbahaysigan laftigoodu isku si umay wada fakirayn oo waxa ay kala matalayeen fikiro kala duwan. Fikiradahaasina waxa ay saamayn ku yeesheen aragtiyaha siyaasiga ah ee culimadaas. Intii ka horaysay shirkii Jabuuti lama dareemayn inta uu le’gyahay khilaafka fikirka siyaasiga ah ee wadaada isbahysiga ku jiraa, laakiin wixii ka danbeeyay shirkaas waxa soo if baxay in uu jiro khilaaf wayn oo fikriya oo u dhaxeeya wadaada xubnaha ka ahaa isbhaysigan. Arimaha ugu waaweyn ee ay isku khilaafsan yihiin waxa ugu wayn: qaabka loo saarayo ciidanka Itoobiyaanka, doorka qaramada midoobay ee xalka dhibaatada Soomaalida, wadahadalada lala galayo dawlada ku meel gaadhka ah iyo sharciyadeeda, doorka ay mustaqbalka wadaadadu ku yeelanayaan nidaamka siyaasiga ah ee Soomaalida. Hadii aad akhrido fatwooyinka iyo mawaaqifta wadaada ku jira Isbahaysiga Asmarana waxa cad in arimahaas ay wadaadadu aad ugu kala tagsan yihiin. Shirkii Yamen ujeedada laga laga lahaa waxay ahayd in arimahaas lagu xaliyo ama ugu yaraan aragtiyaha la isu soo dhaweeyo. Ma muuqato in arinkaas lagu guulaystay iyo in ay qolana ka tanaasushay fikirkeedii. Tanina waxa ay ASAAS u tahay qaybsanka ku dhacay isbahaysigii Asmara.

Dumuuxaadka Siyaasiyiinta Asmara

In badan oo ka mida xubnaha Isbahaysiga Asmari waa siyaasiyiin leh hami siyaasadeed. Qaar ka mida siyaasiyiintani waxa ay u arkeen shirkii Jabuuti mid carqalad ku noqon kara hamigooda siyaasadeed. Tani waxa ay keentay in ay aad u mucaaradaan heshiiskan iyo intii ka qaybgashay ee ka midka ahayd isbahaysigooda. Qolooyinkan, khilaafadka Ibahaysiga ee (ka dhashay ka qayb galka iyo go’aamadii) shirkii Jabuuti waxa ay u noqdeen fursad ay ku gaadhi karaan hamigoodaa siyaasadeed. Iyaga oo hadaba ka faa’idaysanaya daldaloolada go’aamadii shirkii Jabuuti ayay sii balaadhiyeen is afgarnwaagii u dhaxeeyay xubnaha isbahaysiga ee ku saabsanaa shirka Jabuuti kaas oo hadii si degan looga wada hadli lahaa xal macquul ah laga gaadhi kari lahaa. Sidoo kale qolooyinkii ka qaybgalay shirka Jabuuti ee isbahysiga ka tirsanaa qaabka ay u maamuleen ka qaybgalkooda shirkaasi waxa uu isna door ka ciyaaray khilaafka isbahaysiga.

Danaha Shisheeye

Soomaaliya Soomaali kaliyi kuma hirdamayso. Siraaca Soomaliya ka jirana waxa ku jira quwado badan oo aan Soomaali ahayn. Quwadahaas qaarkood dantoodu kuma jirto in ay ay Soomaalidu heshiis iyo nabad helaan, waxaanay markasta isku dayaan in ay hogaanka Soomaalida ka fogeeyaan kuwa ay iyagu markaas u arkayaan in aanay dantooda matalayn. Qawadahan qaarkood midnimada iyo wadashqaynta Isbahaysiga Asmara waxa ay u arkeen in ay khatar ku noqon karto dantooda khaasatan hadii hashiis ay ku midaysan yihiin la galaan dawalda ku meelgaadhka ah. Gacan ajnabi ahi kama maqana khilaafaadkan qaybiyay isbahaysiga Asmara.

Saamaynta Burburka Isbahysiga ee Shirka Jabuuti

Isbahaysigu waxa uu ka kooban yahay qayb dibada joogta oo siyaasiyiin ah iyo qayb qori sidata oo gudaha ka dagaalamaysa. Heshiiska Jabuuti mustaqbalkiisu waxa uu ku xidhanaa doonaan mawaaqifta qolooyinka gudaha ka dagaalamaya. Kala Jabka siyaasiyiinta Asmara ee dibada joogtaa saamayn wayn kuma yeelan doono heshiiska Jabuuti hadii ay qolooyinka gudaha ka daagaalamayaa taageeraan heshiiskan isla markaana uu heshiiskaasi dhaliyo in Xabashidu ay ka baxdo Soomaaliya. Hadiise qolooyinka guduhu ay diidaan heshiiskan Jabuuti amaba hadii uu heshiiskani natiijo dhakhsa ah dhalin waayo, taasi waxay ay noqon doontaa dhamaadkii heshiiskaas waxaana Soomaalida u furmi doona safxad kale oo aan la saadaalin karin sida ay u eekaan doonto. Wuxuun baase la hubaa in dagaalku uu sii socon doono iyo in wareerka (tiiha) siyaasadeed ee Soomaalidu uu sidiisa ahaan doono.

Gabagabo

Midnimada Isbahaysiga iyo in ay isbahaysigu si waaqiciya ku waajahaan siyaasada Soomaalida ee sabaynaysa waxa ku jirta danta Soomaalida. Isbahsyigan dad badan ayaa taageeray iyaga oo u arkayay in uu qayb ka noqon karo xalka mushkilada Soomaalida. Doorkaasna ma ciyaari karo isbahaysigu hadii aanay hogaamiyayaashoodu aragti dheer u yeelan waaqica muragsan ee Soomaalida isla markaasna ayna joojin isjiid jiidka dhexdooda. Shirka Jabuuti waxa uu ahaa shax siyaasadeed oo la doonayay in ay isbahaysigu is wada jir ah u ciyaaraan. Way ku fashilmeen taas laakiin waxa ay wali haystaan fursad waase hadii ay ka faa’idaystaan fursadaas dareemaan culayska iyo masuulyada saaran. Isbahaysigu waa in ay mushkiladaha daakhilkooda dhakhso u xaliyaan. Taasi waa rajada in badan oo danaynaysa xalka mushkilada Soomaalida. Taariikhdu ma ilaawi doonto hogaanka isbahaysiga hadii ay sidaa yeeli waayaan.

Siciid Cali Axmed

This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it

Trackback(0)
Comments (2)add comment
Xaq-udirir: ...
Asalaamu Caleykum.

Marka hore waa ku mahad sanyahay qoraagu maqaalkan sharafta leh, waxaanse is waydiina walaalkey waa na tusiyay himilada garabka reer Asmara iyo waliba qaladkooda. aawayse dhanka kale reer Jibuuti qaladkoodii iyo himilada ay dooyan.

Gartu alleey taqaan, Raga jooga jibuuti anigoo imxtiraamaya hogaamiyayaashas hadana waxaan is leeyahay iyagaa sal dhig u ah shidada aan maanta lugaha la galnay. sababtuna waa iyaga oo hisiis aan la ogeeyn soo qatay una qeexin xubnihii ururka ee golaha dhexe, taas ayaana keentay shakiga iyo kala fogaanshaha.

Si kastaba quluubta hogaamiyayaasheena allaha isku so duwo.

Xaq udirir.
1

report abuse
vote down
vote up
July 29, 2008
Votes: +0
Dar Alle: Asmara iyo Addis labaduba ha na dhaafeen
Xasan Daahir waa xubin Golaha Dhexe oo ka mid ah Isbaheysiga mase ka badan ayuu ahaa?
Haddii jawaabtu haa tahay xaggee ka keenay in uu shiriyo urur gudoomiya yaashiisii joogaan, In uu is magacaabo daaye?
Tusaale: Haddii xubin ka mid ah xisbiga Ingriiska u taliya uusan raali ka aheyn in Ingiriisku heshiis la galo Faransiiska, ee intuu meel fariisto yiraahdo waxaan jagadi ka qaaday Mr Brown oo "waa la eryay"(sida xishood darida ah ee BBC-du cinwaanka uga dhigtay) intee ayey la qiima egtahay? Bal isku daya in aad ka jawaabtaan.

"Amxaaradu waa baxeysaa oo waa sax laakiin waxa aan isku khilaafsannahay waxaa weeye, waxey leeyihiin ha iska baxaan oo wadan keenna hanooga tagaan, annaguna waxaan leenahay ayaga oo faajiriin jabay ah oo cararahaya ayey tegayaan" Ilaah baan idinku dhaariyey ee ma mas´uulnimaa taasi? Dhiigga mujaahidiintu ma in uu u daato macna la´aantaasbaa?
Xasan daahir haddii uu ciil qabo oo markasta uu Ethiopia ku hor carari jiray, ma ummadda ayuu doonayaa in uu tahluukeeyo, illeyn sida muuqata asaga iyo Indhacaddeeye mida safka hore kama dagaallamayo haddiise uu aaminsanyahay Ilaahey iyo Shahiidnimo muxuu hal mar ah uun u istaagi waayey oo jannada uu ku werdinayo u jalleeci waayey?
Ilaahbaan idinku dhaariyee ma waxaad rabtaan maanta in aad sheegtaan "Sheekh Shariif waa khaldanyahay maadaama uu nabad wax ku raadiyey, adinka oo aan khaladka Xasan daahir ee aan sinna u qarsooneyn gol maraya?
Beel iyo been midkoodna diin ma noqdo, waxaase ka sii daran halka eey ku socoto.
BBC London waxaan dhihi lahaa Digaagadi Bakeyle ma liqi kartee yaan sharafta leyska qaadin.

Assalaamu Caleykum

Dar Alle
2

report abuse
vote down
vote up
July 29, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Show Other Articles

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah