Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aqoontaas in uu bal wax uun ka barto. Qof wax isku falayana uma bannaana in uu ku dhex dhaco hawl aanu aqoonteeda iyo awooddeeda lahayn. Haddii uu taa yeelo qofkaasi naftiisa wuu ceebeeyaa, hawsha wuu hoosaasiyaa, dadka uu wax u qorayo wuu hafraa, cidda uu halabuurkeeda ka hadlayana wuu ku xadgudbaa.
Haddaba buuggayga sheekada ah ee ”Aanadii Negeeye” cisho dhawayd dadka ku qaaday weerarka cayda ku hubaysani waxay isku darsadeen saddex ceebood. Ta hore waa in ay yihiin dad aqoonta gorfaynta ka faro madhan. Ta labaad waa in ay xumaan keliya qoreen. Ta saddexaadna waa in aanay u dan lahayn gorfayn ayse ka gadoodeen maqaal aan dhowaan aragti kaga dhiibtay doodda dhex taal Gaarriye iyo Carraale. Haddaba sidiisaba buug aan qof iyo dad wax u dhimayn, ama aan ahayn masalo cilmiyeed ama taariikh laga beensheegay, shaki la’aan qofka colaadiya, sabab kasta iyo dan walba ha ka ahaatee, waa qof isagu xun.
Gorfaynta suugaantu in ay tahay aqoon iskeed u taagan oo u baahan in la barto aan tusaale innaga siiyo. Nin aan xushmad u hayo oo ka mid ah dadka buuggayga ”Aanadii Negeeye” ka hadlay ayaa igu eedeeyey marka aan Nebiga magaciisa soo qaado in aanan ku salliyin. Halkaa waxaad ka arkaysaa gorfeeyuhu qisada in uu ula dhaqmay sidii hadal caadi ah oo wixii la doono lagu dhex odhan karo lagana odhan karo. Saaxiibkeen bal aan weydiiyee maansoyahannadu marka maansadooda magaca Nebigu soo galo ma ku salliyaan? Maya, waayo waxaa baajinaya maansadu in ay tahay erayo kooban oo leh habdhac miisaaman kaas oo lagu khasban yahay in la ilaaliyo. Sheeko faneedduna in ay sidaas tahay ka sokow waxaa u sii dheer arrin kale oo diidaya in hadal iyada ka baxsan la soo geliyo.
Si aynu taas uga garawno aynu wax yar ka ogaanno sheeko faneed sida ay u dhisanto. Ugu horrayn waxaa jira saddex shakhsiyadood oo ay tahay in la kala barto lana kala ilaaliyo. Ta hore waa cidda halabuurka curisay oo lagu magacaabo ”qoraa”. Ta labaad waa wariyaha qisada inoo soo tebinaya oo aan marnaba ahayn qoraaga ee ah cod wariye wax-walba-oge ah oo aynu u bixin karro ”xogogaal”. Ta saddexaad waa baxaalliyo ama shakhsiyaad sheekada jilaya.
Qoraagu waxa uu ka sheekeeyo iyo sida uu u sheekeeyaa ma aha run, ma aha taariikh, ma aha aqoon, mana aha wax meel ku sugan oo xukun garaad ama sharci qabanayo. Isla markaa waa run, waa taariikh, waa aqoon waana wax sugan oo meel weyn ku leh xaqiiqada dunida, lehna xeer u gooni ah oo lagu xukumo. Wuxuu abuuraa duni dhalanteed ah oo laakiin uu ka soo shiilo dhabta uu nolosha ka og yahay. Halabuurka sidaas ah ayuu qoraagu ka dhigaa farriin uu u dhiibo wariyaha gudbiya ee aynu u bixinnay ”xogogaal”. Sidaas darteed waa in laga digtoonaadaa buug sheeko ah in loola dhaqmo ama loo xukumo sidii buug taariikh ama aqoon ah.
Wariyaha ama ”xogogaalka” sheekada tebinayaa waa awood dahsoon oo aan lahayn muuq, dabci, dhaqan iyo sife midnaba, laakiin leh cod uu inoogu warramo. Codkaasi sheekada wuxuu inoogu soo gudbiyaa sidii noole wax walba og meel walbana jooga wax ka qarsoonina aanay jirin. Wuxuu galaa oo waxa dhex yaal soo arkaa aqal xidhan ilayskuna dansan yahay. Wuxuu u dhacaa oo soo bandhigaa waxa ku jira quluubta iyo dareenka dadka. Wuxuu muujiyaa xaqiiqooyinka dahsoon, wuxuuna ina tusaa xidhiidhka ka dhexeeya shakhsiyaadka iyo dhacdooyinka.
Ta saddexaad oo ah baxaalliyada amaba shakhisyaadka sheekada jilaya, waxay noqon kartaa qof keliya, koox dad ah, bulsho dhan; amaba xitaa waxay noqon karta bahalo, dhir iyo walxo la qofeeyey oo dareen iyo garasho la geliyey oo weliba haddii la doono cod ay ku hadlaan loo yeelay. Qoraagu baxaalliga wuxuu siin karaa codad kala duwan in uu ku hadlo kii uu doono sida ”aniga”, ”adiga” iyo ”isaga”.
Dadka aan sheeko akhriska ku wanaagsanayni waxay isku qaldaan qoraaga iyo ”xogogaalka” qisada warinaya, labadaas oo ah wax aad u kala fog. Dhanka kalena ma moodaan qisada iyo jilayaashu ama baxaalliyadu in ay yihiin wax la halabuuray ee aanay ahayn taariikh iyo dad dhab u jira. Haddaba ugu horrayn ogow weligaaba cidda kuu sheekaynaysaa in aanay ahayn qoraaga. Haddii uu qoraagu ahaan lahaa codka sheekaynaya waxaasi sheeko faneed ma ay noqoteen waxayse noqon lahayd taariikh nololeed. Akhristaha iyo qoraagu marnaba sheekada kuma dhex kulmi karaan. Ceebaha ugu waaweyn ee sheeko faneed ku dhaca tayadeedana hoos u dhiga waxaaba ka mid ah iyada oo uu qoraagu ka dhex muuqdo, waayo waxaa shiiqda dunidii laga hadlayey xaqiiqadeeda.
Halkaas ayey ku jirtaa jawaabta eeddii saaxiibkeen ee ahayd in aanan Nebiga ku salliyin markii aan sheekada qorayey. Hadal sidaas ahi wuxuu meesha iman karaa haddii qaabhadalka markaa socda iyo cidda hadlaysa dhaqankoodu sidaas yahay. Tusaale ahaan Sheekh Xasan, ama Aw Faarax ama Dahabo in ay badiyaan sallig Nebiga waxay ka run sheegaysaa qofnimadooda. Laakiin ”xogogaalka” inoo sheekaynayaa, sidii aynu soo aragnay, waa awood dahsoon oo aynaan aqoon waxa uu yahay, sheekadana kuma leh kaalin aan ahayn soogudbin.
Marka ay tahay cidda qaadaysa masuuliyadda waxa ka dhacaya qiso faneed waxaa ka yaalla xeer haddii aan la qaddarin ismaandhaaf imanayo. Xeerkaas waxaa ka mid ah qoraaga in lagala xisaabtami karo baxaalliyada uu sheekadiisa u adeegsaday jiritaankooda, waayo dee isaga ayaa meesha keenay. Laakiin qoraagu masuul kama aha shakhsiyaadkaasi marka ay sheeko ku jiraan dhaqankooda. Baxaalliyadaas haddii la rabo in ay u taagnaadaan xaqiiqada dad ahaaneed ee ay yihiin markaa qoraaga xaq looguma leh in waxa ay falayaan isaga lagu eedeeyo. Waxaa la eegaa uun abuurtooda iyo dhaqankoodu in ay waafaqsan yihiin dadnimada ay u taagan yihiin dhabteeda. Tusaale ahaan marka la joogo ”Aanadii Negeeye” anigu masuul baan ka ahay akhristaha in aan u keenay dadka lagu kala magacaabo Amran iyo Negeeye, laakiin masuul kama ahi waxa ay dadkaasi faleen ama dheheen, waayo waxay jilayaan dad sidaas u dhaqmay. Tusaale ahaan Amran oo carmal ah iyo Negeeye oo ah kuray markaa baaluqay in ay isu dusaan waa wax dhaqanka dadka ka buuxa – dadka ay yihiin – dabciga dadkna anigu sidaas kama aan dhigin. Markaa waxaa hadhay oo keliya haddii la igu eedaynayo in aan qeexay runtana ka sheegay xaqiiqo bulsho, taas oo qudheedu noqonaysa eed aad u hoosaysa aadna u liidata.
Aynu ku noqonno gorfaynta buugaagta. Anigu waxaan ka mid ahay dad iyaga oo aan aqoonteeda lahayn haddana qoraallada gorfeeya. Weligayba taa waxaan ka dareemayey dembi, waxaanse kaga laabfayoobaa in tahay hawl ii bannaan mar haddii ay cid igu dhaantaa u soo bixi wayday, haddiiba ay jirto cid xirfaddan baratay. Sida aan hubo, waxgarad badanina dhab iigu sheegeen, dadaalkaas lama eedin ee waa loo aayey, waayo soomaali badan ayey ku soo xidhay akhriska af soomaaliga. Waa marka labaade, waxbaba yaanan aqoonta gorfaynta takhasus u lahaane, dadka kale qaarkood waxaan kaga duwan ahay in aanan meel cidla ah wax ka bilaabin. Waxaan kaashaday aqoon kooban oo aan taas u lee yahay gaar ahaan iyo akhriska aan caadada u lee yahay guud ahaan. Isla markaa waxaan aad ugu dadaalaa in aan daacad ka noqdo waxa aan gorfaynayo, haddii aan jeclaado iyo haddii aanan jeclaanba, aragtidana ku koobo oo keliya nuxurka qoraalka markaas i horyaalla.
Dad kale ayaa sidayda hawshaas ugu dhex jira, tayada waxa ay qoraanna waa ay kala dudduwan tahay, badankoodana waxaan ku hubaa niyadsami iyo isxilqaan. Waxaase soo korodhay kooxdii aynu soo xusnay ee maalin dhowayd mareegta ku soo jabhadaysay una dhuljiifaysay buuggayga. Gorfayn iyo aqoonteed haba dambaysee kooxdaas waxaan ku sheegi karaa ”budhcad cay ku hubaysan”.
Qof kuwaas ka mid ah baa ku taliyey”Aanadii Negeeye” in aan la akhriyin, lana dhigin guryaha, maktabadaha iyo meelaha kale ee la jecel yahay. Waa ay cad dahay, waana la wada arkay, qofkaasi run ahaantii in aanu u dan lahayn buugga in uu gorfeeyo, ayse ka ahayd ujeeddo kale oo leh sababo kale. Mar haddii ay sidaas tahay yuu la hadlayaa? Ma wuxuu la hadlayaa dad maskaxda wax ka qaba oo uu isagu u fekero? Haddiise uu la hadlayo dad aan waxba akhriyin taa darteedna aan ogaan karin buuggaasi waxa uu yahay ama aanu ahayn, dee kuwaasi awelba ma ay akhriyeen gurigoodana ma ay dhigeen, talada uu siinayaana waa hadal meel waayey.
”Aanadii Negeeye” waa qiso digo qabow oo aan ka baxsanayn ka sheekaynta wax la ahaa iyo wax la ogaa. Waa qiso suugaaneed mala’awaal ah oo ku salaysan waayoh bulsheed. Buuggaasi dadka isku diri maayo, colaad iyo nacayb aabuuri maayo, cid caayi maayo, cidna ximin maayo, waase sawir dhab ah oo laga qaaday ummad u baahnayd welina u baahan in waayaheeda la sawiro. Buuggani inta uu danaynayo ama dan u yahay dadka maanta nool in aan ka yarayn wuxuu danaynayaa danna u yahay facyada dambe ee u baahan doona in ay ogaadaan waagii uu Ibraahin-Hawd dunida joogay wixii Soomaaliya ka dhacay iyo wixii soomaalida ku dhacay iyo sidii ay noloshu ahayd. Qof walba oo waxgarad ah si walba oo aannu u kala aragti duwan nahay halkaas ayaannu ku kulannaa iskuna gacanqaadnaa.
Haddaba dadkaas wadajirka iyo abaabulka igu soo weeraray, in kasta oo ay waxgarad badani siiyeen jawaabo caqlicelin ah, waxaan u hayaa weydiin: Buuggaas haddii aad ku maagteen in aanu dhaqanka u riyaaqsanayn, maxaad ka qabtaan diiwaannada maansada abwaannada waaweyn, xilli hore iyo maantaba, ee halabuurkoodu 90% ku salaysan yahay nacaybka, dagaalka, dhaca, cayda, dirediraha, qabyaaladda iyo xinka? Miyey jirtaa dhaqanxumo waxaas ka weyni? Hadal uu bani aadan yidhaahdo, oo weliba suugaan ku yidhaahdo, waxaa ugu xun uguna hooseeya ka ku sifooba arrimahaas aynu kor ku xusnay ee bulshada ka dhex abuura balaayada iyo baaska. Haddaba marka aynu kuwaas jeclaanno ee sida Quraanka u dhunkanno, haddana isla markaa colaadinno qiso halabuur ah oo ka sheekaynaysa xaalad bulsheed, markaa meesha ay iintu ku jirto idinku inoo xukuma!
Foolxumada aynu kor ku soo sheegnay haddii ay ahayd tilmaanta ugu weyn ee maansadeenna, waa maxay wanaagga ay maansadaasi kula tartami karto ”Aanadii Negeeye”? Waase kee dhaqanka suubban ee ay maansadaasi ilaalin jirtay ee dhiganahan ka maqani? Dhaqankeenna suubban? Horta ”dhaqankeenna suubban” maxaa looga jeedaa? Run ahaantii anigu waxaan u haystaa soomaalidu in aanay lahayn dhaqan suubban oo ay dadyowga kale kaga soocan tahay, isla markaana aanay lahayn diin u gaar ah oo aan ahayn Islaamka boqollaalka ummadood wadaagaan. Soomaalidu waxay aadamiga kale kaga duwan tahay oo keliya af soomaaliga iyo suugaanta afkaas hoos timaadda.
Haddii aanay sidaas ahayn, ma waxaa dhaqan suubban ah beelo la mooroduugo oo aan dad iyo duunyo waxba laga reebin? Mise geel la dhaco oo ay maatadii iyo agoontii laga qaaday gaajo u le’daan? Mise dad iyo duunyo harraad u bakhtiyaya oo ceelka waran lagaga horjoogsado? Mise dhagarqabe faldembiyeed uu geystay aanadiisa qabiil dhan loo gumaado? Mise aflagaaddo iyo digasho gabay lagu sheego oo ciddii sidaas loo galay loo tiriyo? Mise halabuur awooddiisa oo dhan laga dhigo wax qabiil iyo qof lagu caayo? Mise gabadh miskiinad ah oo inta tuldo laga qaato nin ay bahalka wax cuna ka neceb tahay god loogu rido sidaasna uu kufsi kaga ilmodhalo? Mise haybsooca qayb dhan oo bulshada ka mid ah guur iyo gasiinba lagu takooro? Waxaas iyo wax la mid ah ayuu ku taagan yahay oo tiirar u ah dhaqanka iyo hiddaha SUUBBAN ee la sheegayo. Garashada, halabuurka iyo qaab-nololeedka oo dhamina waxaas ayey weligood ku dhisnaayeen. Iyada oo ay sidaas tahay ayaa haddana sida shimbirka dadka canjila la iskaga soo celceliyaa ”dhaqankeenna suubban”, taas oo joojinaysa in dhaqanka la suubbiyo oo intiisa xun la baabbi’iyo.
Aan soo qaado ta ugu daran ee iyada oo aan run laga sheegin loo adeegsaday maagista ”Aanadii Negeeye”. Laga soo bilaabo markii ay soomaali badani magaalowday waa dhif iyo naadir laba qof oo isguursaday oo aan guurkooda ka hor muddo soo wadin barasho iyo baashaal hoose in yar ama badan, muddo dheer ama gaaban. Ma been baa? Sidii ay bulsho badani u magaalowday waxaa la og yahay wada socodka iyo jacaylka aan guurka ku dhisnayn ee ragga iyo dumarku in uu ahaa wax caadi ah oo dhaqanka ka mid noqday. Dadka leh waxaasi ma ay jirin ma maanta ayey cirka ka soo daateen?
Wax walba oo uu Negeeye falay, ama Diiriye falay, ama Amran fashay, ama Raage falay, ama Deeqi fashay, ama Xaaji Haybe falay, ama Idil fashay, giddi waa wixii habeen iyo maalin dhici jiray, welina dhaca. Taasi ma been baa? Suugaantuna sideedaba sow ma aha adeegga ugu doorka roon uguna habboon ee qeexa bulshadeeda iyo xilligeeda iyo dhaqanka lagu nool yahay intiisa xun iyo intiisa sanba?
Qodob kalena aan soo qaado, kaas oo suugaanta door u ah haddana teenna aad ugu yar loona baahan yahay in la barto bisaylkeedana la yeesho. Qodobkaas oo adeegsigiisa aniga la igu yara dhaliilay waa sifaynta ama qeexidda ama sawiridda muuqaalka iyo dareenka suugaanta lagaga hadlayo. Ummaduhu isku si halabuurka wax uguma qeexaan oo waa run, waxayna badanaa ku xidhan tahay horumarka uu qoraalku ku kala yeeshay iyo sida loo kala bisil yahay. Ummad walbana dhexdeeda facyadeeda kala dembeeyaa taas isku mid kama aha. Innaga maansadeennu marxaladdii ay miyiga joogtay ee gabaygu boqorka u ahaa iyo marxaladdii ay magaalowday ee heestu hoggaanka u qabatay aad ayey ugu kala duwanayd qeexidda nafsadda iyo jidhkaba. Tusaale ahaan sifaynta quruxda iyo xubnaha gabadha iyo sheegista dareenka jacaylku ee labadaas xilli waxay isu jiraan cirka iyo dhulka. Isbeddelkaas maansada ku dhacay in kasta oo bilawgii laga diday haddana sida aynu wada og nahay waa la oggolaaday, waa la qabatimay, dhaqankeenna ayuuna ka mid noqday. Dibudhaca weyn ee beryahan fanka ku yimid iyo cadaadiska ay dad ku hayaan wax kale ma aha ee waa qayb ka mid ah burburka iyo dibudhaca guud ee soomaalida iyo halabuurkeeda ku yuurursaday.
Haddaba sheeko faneedda oo dhaqankeenna ku cusub sifayntu waa wax aan looga maarmin qiimigeeda, quruxdeeda, xiisaheeda, kalsooni-helisteeda iyo guud ahaan tayadeeda suugaaneed ee ay hadalka caadiga ah kaga duwan tahay. Tusaale ahaan in la sheego Jamaad iyada oo faraxsan in ay aqalkooda ka baxday oo tagtay goobtii ballanta… iyo in la qeexo Jamaad sidii ay aqalkooda uga baxday, wixii ay gashanayd, sidii ay u egayd, farxaddu sida ay uga muuqatay, waxa ay ku fekeraysay, meesha ay sii martay iyo waxa ay ku sii aragtay, goortaas iyo cimiladu sida ay ahayd, goobtii ballanta sida ay ku tagtay iyo waxa ay kala kulantay iyo sida ay ula kulantay, goobtu sida ay u ekayd… sida aynu aragno waa laba xaaladood oo aad u kala duwan. Ta hore waa muuqaal hummaag iyo sabool ah oo fan iyo farshaxan ka arradan, ta labaadna waa muuqaal iftiimaya oo hodan ah oo la mid ah kii aynu arki lahayn haddii aynu indhaheenna ku arki lahayn iyo dareenkii aynu heli lahayn. Muuqaal iyo xaalad walba oo sheeko faneed ku jiraana sidaas ayey ama hummaag iyo sabool u noqdaan ama iftiin iyo hodan, iyada oo ku xidhan ilaa heerka la qeexay iyo sida loo sifeeyey. Markaa dadka taa diidaya iyaga oo leh suugaanta dhaqankeennu sidaas wax uma ay tilmaami jirin waa ay qaldan yihiin.
Aan markhaati gashado aqoonyahanad dalka Tuunis u dhalatay laguna magacaabo Dr. Najwa ar-Rayaaxi, taas oo imika soosaartay buug ay u bixisay ”Fii Nadariyat al-Wasf ar-Riwaa’ii” (buuggaas oo ay akhriday Aamaal Muuse). Aqoonyahanaddaas oo baratay culuunta suugaanta gaar ahaan aqoonta aynu halkan kaga hadlayno ee gorfaynta, buuggaas waxay ku canaanatay sheekoyahannada carbeed oo ay ku eedaysay halabuurkooda in aanay kula dhiirran sifaynta waxa ay ka hadlayaan. Canaantaas wax badan baa innaga galay.
Qodobka ugu dambeeya aan ku xuso nin ka mid ah ”budhcadda cayda ku hubaysan” oo yidhi ”shirkadda ’Aanadii Negeeye’ daabacday ma lacag bay u xilatay?’. Xaggee buu ku arkay buug soomaaliyeed oo qoristiisa iyo daabiciddiisa lacag loogu xisho? Haddiise aan la daabicin ”Aanadii Negeeye” isagu muxuu hayaa aan ahayn xinka iyo muranka uu firdhinayo?
Aan ku taliyo halabuurka haddii aan wax lagu kordhinayn in aan wax loo dhimin, hana la ogaado caydu in ay tahay wax bilaash ah oo qofkii aan xishooniba qori karo. Warbaahintuna ha tixgeliso waxa suugaanta kale laga qorayo tayadooda. Haddii kale hoos baa la isu jiidayaa halkii kor la isu higsan lahaa.
This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it

Votes: +0
oo ileyn waxa jira Qoraa somaliyed oo casriga dadkisa ka sareeya
inkasto qoralkan ka hadleyn shekadas lakin waxan kusoo bandhigayaa sida uu mudnan u leyahay
ibraaahim hawd
Votes: +0




Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...