GOOBJOOG

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Thursday
May 22nd
Home Maqaallada Soomaali Aabbahaa Waranka Gaalaad ka Bixi! (Q 1aad)

Aabbahaa Waranka Gaalaad ka Bixi! (Q 1aad)

E-mail Print PDF
Soomalidu inta badan waxay ahayd bulsho reer miyi ah, oo nolosheedu ku xiran tahay xoolaha nool. Xaaladda nololeed waxay ahayd mid aad u adag, gaar ahaan markii abaar dhacdo. Dadku aad ayay dhexdooda uga dagaallami jireen, dagaalladaas waxaa inta badan loo gali jirey hab qabiil ama deegaan, waxayna isu dili jireen sida ay isu kala xigaan dhalasho ahaan ama deegaan ahaan. Waxyaabaha ay isaga hor imaan jireena waxaa ugu badnaa biyaha iyo daaqa oo aan ku fillayn. Waxaa kale oo keeni jirey colaadda aargoosi, dulmi iyo kibir, sida: xoolo ama gabdho la kala qaado (boobo), cay, faan, isku dir iyo jahli aysan kala garanayn waxa laga dagaalamo iyo waxa kale, cidda mudan in lala diriro iyo taan mudnayn, dhibta ka soo gaaraysa dagaalka iyo dheefta ugu jirta.


Si kastaba ha ahaatee qofka, qoyska iyo qabiilkuba waxay jeclaayeen in ay u dhashaan wiilal; maxaa yeelay waxay u baahnaayeen xoog looga haybaysto, una difaaca waxa ay haystaan, isla markaana u soo dhiciya waxa ay tabayaan gar iyo gardaraba. Tan kale arrintu ma aha wiiloow wiil ma tahay ee waxaa loo baahan yahay wiil in uu dhib gaysto mooyee aan dhib loo gaysan, haddii mar laga gacan sarreeyana deg deg uga aarguta!. Taa waxay keentay in inanka isaga oo yar lagu ababiyo sidii uu wax (cadaw) isaga celin lahaa. Hadalada uu ugu hor barto waxaa ka mid ah: ku dhufo, dil, iska celi, ka aarso, bac sii, adna ku dhufo, col iyo cadaawo, col keen … iwm.



Waxaa intaa dheer in ilmaha la isku diro iyaga oo yar yar, waxaa lagu dhahaa: labadiina kee adag, lagdama, u xaga gali, ma ka baqaysaa?, ninka iska raw. Haddii waxaas oo dhan inanku diido waxaa loo soo taagaa labo farood oo isku maran, waxaana lagu dhahaa: aabbahaa waranka gaalaad ka bixi!, (hadalkaa macnihiisu waxaa weeye: haddii aadan farahaan isku laaban kala bixin aabbahaa oo gaalo waran ku dhufatayna kama bixiseen!). Haddii taasna uu ka gabbado waxaa ku xigta in lagu yiraahdo kan kale: waryaa sanka ka taabo, haddii nin sankiis gacan lala soo aadana kolley dagaalkii bilaabay!!.



Af-xumada iyo caydu waxay ka mid tahay duruusta wiilku in uu yaraan ku qaato loo baahan yahay; si aan hadhaw markay rag is helaan aan looga af badin. Waxaa kale oo tababarka ka mid ah in wiilka la dhibo iyada oo lagu eegayo adkaysigiisa, tusaale ahaan aabbayaasha qaar ayaa aad u garaaca wiilashooda ama cuntada u diida ama meel dheer ka soo tuura ama biyo ku hafiya. Qaarkood wiilashooda waxay isugu dhiibaan ulo; si ay isugu garaacaan. Waxaas oo dhan nacayb ma aha ee waa jacayl iyo tababar, intaa waxaa sii dheer tababarkii tabaha dagaalka iyo qalabkiisa oo lagama maarmaan ah.



Nin oday ah oo ka mid ah ragga sheeggan xagga dagaalka ayaa lahaa wiilal dhaadheer oo qurqurxoon, xarragana u weheliso, maalinkii dambe ayuu gabar gaaban oo madaw ka doonay aabbeheed oo isna dagaal-yahan kale ah, markii la weydiiyay sababtana wuxuu yiri: waxaan rabaa inay ii dhasho wiilal sidiisa oo kale dagaal-yahano u ah. Arrintii sidii ayay noqotay, maalinkii dambe ayuu arkay wiil ka mid ah kuwii qurxoonaa oo xarrago la liicaya, markaas ayuu ku yiri: aabbe maxaad ugu soconaysaa: la i dil, la id il, la i dil!, maad u socotid sida hebelka walaalkaa ah: wax dilay, wax dilay, wax dilay!.



Gabdhaha laftoodu kama marna tarbiyadaan illeyn iyaguba asaaggood in ay iska dhiciyaan way u baahanyihiine!, kamana qatana badankoodu isku soo bood, xangaruufo, qaniinyo, tima iska jiid iyo af-xumo aan loo fadhiyi Karin haddii ay caroodaan. Intaa waxaa u sii dheer guubaabada, abaabulka iyo kicinta colaadaha oo ay marka dambana ku khatimaan wii wii iyo baroor-diiq!. Dhaqanka wax iska celintu wuxuu gabadha la galaa gurigeeda oo ay marka u horraysaba difaac ka xirato ninkeeda, ayna bilowdo inay ka shaqayso sidii ay u lagdan lahayd. Dariska iyo cid kasta oo la macaamishana way kula macaamishaa iska dhicinta. Waxaanse Alle ku mahadinaynaa in uu gabdhayaga badnkooda waxaas nooga badbaadiyay.



Uma baahnin wiilal ruuxa uun sida oo aan adduun iyo aakhiro midna lagaga tashanayn, lana soo taagan hooyo canjeelo isii isaga oo soddonkii wax u dheer yihiin, mana rabno wiilal la tiicaya xarrago oo hablaha ka badsada tima feerista iyo muraayad isku eegidda. Sidoo kale dani nooguma jirto in wiilasheenu noqdaan fara-baruuro ama ciyaal booc booc aan rag wax kula qeybsan Karin cod iyo cudud midna oo wixii ku yimaadaba kaga jawaaba oohin iyo hooyooy. Tarbiyada islaamkuna sidaas way diidan tahay, waxaase is weydiin mudan tarbiyadaan maxaa ka qaldan oo aynu ka saxnaa?, maxaase ka dhiman oo aynu ku kordhinaa?. Waxaynu ku eegi doonaa qeybta labaad ee qormada, haddii Alle idmo.




Axmed C/samad

This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it
Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Show Other Articles

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa?

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa? Waxaa maalamahan aad isu soo taraya hadal haynta la xiriirta khilaaf la sheegayo inuu Isbahaysiga so...

"Is-dhiib "Hilinnadii cadaabta

Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in m...

Qaranimmo iyo Islaamnimadu Ma Ka Qaalib Noqon doonaan Qabyaaladda.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed oo wadaaga dhaqan, diin, luqad, qowmiyad fara ba’an ku hayey sanadihii...

Kenya in the Somali crossfire

Kenya in the Somali crossfire The assassination of a Somali al-Qaida affiliate overshadows peace talks, with Kenya vulnerable to t...

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 2)

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 2) Introduction In Part One of my assessment of the impacts of Ethiopia’s invasion of Somalia, I tr...

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 1)

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 1) Introduction US-backed Ethiopian forces invaded Somalia in December 2006. Meles Zenawi had t...

مقتل ”عيرو“ وتداعياته على الصراع الصومالي

مقتل ”عيرو“ وتداعياته على الصراع الصومالي أعلن البنتاجون بنشوة مقتل الزعيم الشاب آدم حاشي عيرو ز...

اتحاد المحاكم الإسلامية في الصوم

اتحاد المحاكم الإسلامية في الصومال : النشأة، الت...

ذروة الإرهاب الاثيوبي في الصومال

ذروة الإرهاب الاثيوبي في الصومال في مشهد يعيد الي الأذهان مذبحة دير ياسين في فلسطين عام ...

Badeeco Rakhiis ah