Waxaa maalmahan iska soo daba dhacayey fatwooyin dhowr ah oo uu soo saaray Sh Cumar Iimaan oo ka tirsan Isbahaysiga Dib u Xoraynta. Fatwooyinka ayaa inta badan ku dul wareegaya sharci ahaan in Heshiiska Jabuuti ansaxayo, in ciidamada Itoobiya kuwa badala la aqbali karo iyo in lala heshiin karo TFG-da. Falanqaynta fatwooyinka iska soo daba dhacaya oo haatan Mas’aladii shanaad maraya ayaan laba dhinac ka eegi doonnaa midda hore waa dul mar iyo asaaska Fatwada, midda xigtana waa dul mar arrimaha fatwooyinkaa gudahooda lagu xusay.
Fatwo Maxay u baahan tahay.
Fatwada marka laga hadlayo waa jawaab diineed kasoo baxaysa Sheekha ama Mu’asasad Culimo ku aruurtay oo jawaab ka bixinaysa arrin markaa la waydiiyey waxa ay diintu ka qabto. Arrimaha la waydiinayo sheekha ama Majliska ayaa u qaybsama laba ama dhawr nooc.
Inay tahay mas’alo horey culimadii hore uga hadleen iyo dhacdo ama arrin aan ugub ahayn ee horey loo arkay caynteeda. Noocan ma dhib badna jawaabteeda waxayna culimadu eegaan Kitaabka Quraanka, Sunnada, Ijmaaca iyo wixii Culimadii hore iyo madaahibtu arrinta ka dhehen ka dibna tii la rajaxan sheegaan. Waa arrin la garan karo marka waxa laga fatwoonayo xiriir la leeyihiin arrimo Fiqhi ah oo inta badan Kutubka diinig ah loola laabanahayo.
Nooca labaad waa arrin ugub ah oo fiqhiga ama cibaadka la xiriir karta oo culimada casrigaasi joogtaahi ka ijtihaaddo. Waxase labaad ka baxsan arrimaha siyaasadda oo iyagu inta badan ijtihaad ku qotoma.
Fatwada waxaa dhanka kale sal u ah laba arrimood; Waaqica su’aashu la xiriirto ama xadaska in marka hore si sax ah loo qeexo. Marka labaadna la eego sharci ahaan wixii aayadaha iyo axaadiista iyo ugu danbayn ijtihaadka culimadu arrinta ka dheheen.
Nuqdada ama barta ugu muhiimsan halkan waxay noqonaysaa wasfiga ama tilmaanta laga bixinayo marka hore waaqica inay sax tahay iyo in kale, haddii ay sax noqon wayso qeextaanka waaqaca, wixii xujo sharci ah ee la korsaaray waaqica sida aan saxda ahayn loo qeexay waxay ka baxayaan meesha mana noqonayaan fatwo sax ah. Waa meesha laga yiraahdo sheekhii loo mas’alo xumeeyaa waa jawaab xumeeya.
Culimaduna waxay yiraahdaan Xukunka shay la saaro wuxuu farac ka yahay sida aad shaygaa u suuradaysatay, oo Haddii suuradaynta shayga qaldanto, xukunka la saarayna waa la qaldamayaa. Kasoo qabo wadaad aan juqaraafi dhigan weligii ee aaminsan in dhulka uusan kubbad oo kale ahayn ee uu fidsan yahay, markuu maqlo sida haatan ka horba dhacday dhulkaa wareegsan oo ku wareega qorraxda, wuxuu oran waa gaalnimo ama aayado oranaya dhulka ayaan fidinay bay ka hor imaan. Marka jahliga isaga ka haysta arrima qaar iyo sida uu u suuraysanayo wuxuu qiil uga raadin aayadihii iyo axaadiistii.
Arrimaha siyaasadda iyo dagaalka la xiriira marka laga hadlayo si waaqaca saxda sifaytiisa loo helo waa in tibaaxiisa kawarqab iyo aqoon dheer ku qotontaa mana ah tani mid culuumta shareecada laga dhex helayo ama culamada diinta kaligood la waydiinayo, waase mid u baahan siyaasiyiin, dagaalyahanno iyo waxgarad badan inay ka qayb qaataan wasfinta ama qeexitaanka waaqaca markii sifayn intii u khibrad roonaynd ay ka qayb qaadato oo waaqica sifayn sax ah ama ku dhow loo helo ayaa sharci ahaan la eegi karaa xukunka waaqicaas la qeexay uu yeelan karo.
Culimo badan waxay ku doodaan halkan ma aha meelo aayado iyo axaadiis in la isku garaaco u baahan waase meelaha u baahan sifayn sax oo waaqica ah iyo iskumiisaamid masaalixda iyo mafaasidda oo kala doorahsadeeda ay xaq u leeyihiin golayaasha hogaamineed ee ummada ama bulshada u dhiibatay xilkaa ee codka dadka iyo aqoonba isku darsatay.
Tusaale ahaan in Ciidamada Itoobiya daran yihiin iyo in kuwa QM shar badan yihiin sida sheikhu ku doodayo, marka labadaa la kala dooranayo waa mid aan aayad iyo xadiis noo kala dooraa lasoo helayn balse ay goloyaasha xaqqa u leh ay ka dib qeexitaan dhab ah ee labada xaalad ay ku dooranayaan ijtihaad siyaasadeed kii la qaadan lahaa.
Ama si kooban haddii la isku waafaqo inay jirto qaacida ah qaadashada laba shar tii yar oo ay tahay qaacido diinta ku qotonta waxaan shaki ku jirin in la isku qaban karo labada shar tii daran, ciddase xaq leh kala doorashada labada shar waa hogaanka iyo bulshada oo doorashadoodu ku salaysan tahay qeexis sax oo la hubo iyo cidda talada leh oo go’aanka loo ogolaado ee ma aha mid shakhsi ama sheikh si gaar looga sugayo ama uu kutubta diinta kasoo dhex saarayo.
Fatwoodaha iyo danta ku xeeran.
Fatwada cidda bixinaysaa waa in ay aqoon dhab ah u leedahay diinta, sidoo kalena sifayta ay waaqica ka haysato ama laga siiyay ay sax tahay si ay u gaari karooto fatwo sax ah. Sidoo kale waxay ka fatwoonayso waa inaysan daraf ka ahayn ama danaheedu ku milnayn.
Culimada waxay horey u caddeeyeen in culimo isla nool oo xurgufi ka dhaxayso la isu qabanaynin waxay iska sheegaan. Waxayn taa culimada u sheegeen waa in culimada qudheeda bini’aadam tahay oo rag iska celi iyo rabbi kacabso meel mawada gashadi aysan ka marnayn.
Horay ayaa loo arkay culimo waqtigii salafka joogtay oo ummaddu wada ixtiraamto balse iyaga midkood kan kale cadawgii Alle ku sheegayo! Sidoo kale waxaa la arkay casrigan iyadoo laba xisbi oo Islaami ah uu mid hogaamiyahoodii uu dadka leeyahay haddii aad hebel iyo xisbigiisa doorataan waxaad gadateen tikidkii naarta!
Waxaa haddii cidda fatwoonaysaa ay dhinac ka tahay arrimaha la isku hayo aan meesha ka marnaanaynin wixii Soomaalidu horay u tiri ama aragtay kana maahmaahday ee ay ka tiri “La jiifiyaana bannaan” iyo “ Wadaad qundul uu ku rito iyo qiil uu ku bannaysto ma waayo”
Waayahan danbe ee arrimo faracyo bateen cilmiga iyo damacana wax galeen, waxaaba loo wareegay goloyaal fatwo oo ka xoo g badan fatwa sheikh qura soo saaro.
Markaa waa fiican tahay in haddii sifayn dhab ah waaqica la raadinayo iyo waxa sharciga waaqacaa ka qabo ama cidda ka jawaabaysa arrinta la eego inay dhexdhexaad ka tahay arrinta iyo inay loollan dhan kaga jirto oo markaa qiimaha fatwada wax u dhimaya maadaama meesha rag isku garaacayo ama duur xulayo.
Fatwooyinkii Hore ee Sheekh Cumar Imaan
Sheekhu wuxu fatwadii koowaad soo saaray waagii isbahaysiga la dhisay isagoo u jawaabayey sida muuqata kooxda Shabaabka ee shirkaasi dhaleecaysay kuna diiday in waxa ay Cilmaaniga ugu yeereen wax lala qabsado ama qaybsado.
Sheekhu isagoo taa difaacaya, markaana raalli ka ahaa Isbahaysiga la amaamuday ayuu soo saaray fatwo uu ku tibaaxay dhawr qodob oo ay ka mid ahaayeen;-
- In Jihaadka lagu jiro haddii kalimadda la midayn waayo ay keeni karto guul darro iyo naftii iyo maalkii oo khasaara iyo cadawga oo ka faa’iidaysta.
- Wuxuu amakaak ku tilmaamay in nin mujaahid ah oo naftiisa alle dartii u huraya ay hadana ku adag tahay inuu u tanaasulo walaalkiis oo ay naftu markaa ka adag tahay. Wuxuuna xusay in sida Quraanku saxaabadii ugu yiri uu kuwa dagaallamayo ku jiraan rag adduunyo doonaya.
- Wuxuu sheekha aragtidiisa sabab uga dhigay xoolaha faraha badan ee dagaalayahanka gacantooda soo galaaya oo cid koontaroosha aysan jirin oo qolo walbaahi doonayso inay la gaar noqoto. Sidaa darted waxaan maqlaynaa koox hebel oo hawgal samaysay, ay dhici karto in ujeedadu tahay soo jiido indhaha iyo dhaqaale ku hel jihaadka isagoo alle ka rajeeyey inaan kuwaas safka lagu dhex arag.
- Wuxuu welwal ka muujiyey in mujaahidiintu kooxo kala socda yihiin, shacabkiina uu u qaybsamay in gumaysiga taageersan, kuwa aan iskacaabinta Karin iyo kuwa waxay cunaan u daran tahay oo ciddii xukuntaa aan dan kalahayn.
- In layeesho hogaan inay daruuri tahay laguna adeeco ra’yiyada siyaashiga kii uu rajaxo halka qaadigana masaa’ilka fiqiga lagu raacayo tii uu wax ku xukumo, khilaafka madaahibta iyo fatwaduna ay tahay mid goobaha cilmiga ku kooban.
- wuxuu hoosta ka xarriiqay in khilaafka jamaacaadka Islaamiga ah ee aan hubaysnayn ka dhexeeya yasiran yahay marka loo eego kuwa hubaysan oo khilaafkoodu u badan yahay mid awood oo aan dood iyo wadahadal loo adeegsanayn balse xoog iyo xabbad loo isticmaalo sida dhacda.
- Wuxuu tilmaamay in goobta jihaadka ee Soomaaliya ay joogaan kooxo tilmaamaha iyo tawjiiha ka qaata jihooyin gaar ah taasoo keeni karta in khilaafku sii ballaarto.
- Haatan oo guushii la gaarin haddii la is af garan waayo inay adag tahay marka guul la helo in la is afgarto arrimuhu ay dhawr mid uun ka danbayn doonaan oo ay ka md tahay in qolobo meel qabsato oo la gaar noqoto iyo in la is dagaallo sidii Afganistan ka dhacday
- Wuxuu tibaaxay in shalay saxwadu raalli ku ahayd in dalka yeesho xukuumad aan Islaamka la dagaalayn yaysanba shareecada dabaqine, waxaana loo arkayey taas inuu guul iyo faa’iido tahay marka loo eego xukuumadihii ka horreeyey.
- Waxuu kaloo tilmaamay in maamulka (isagoo sida muuqata ula jeeda kii maxakamadaha) aysan qasab ahayn inuu dhinac walba kaa raalli galiyo ama aad ka raalli noqoto hawlihiisa oo idil. Haddii tan la helo xaqana ay waafaqsan tahay waa fiican haddii la waayo waxaa ku saaran inaad adeecdo yaadanba ku qanacsaan go’aankee mana aha inaay ka baxdo illaa inaad haysato xujad cad oo ah in gaalnimo cad lagu dhacay.
- Wuxuu tibaaxay in waxa la isku khiaafsan yahay haatan inaysan ahayn wax heerkaa gaarsiisan ee ay u badan yihiin maal iyo madaxnimo cid loo dhibay muran laga qabo.
- ugu danbayn wuxuu uu kala qaaday labo majaal oo kan danbe uuku tilmaamay duhuuri ee sida jimcaha, jamacaadka, jihaadka, ciidaha ka hor tagga khatara waaweyn la isku kaalmsayo qof wanaagsan, mid caasi ah iyo mid faasiq ahba iyadoo haddii ay suurtogal tahay lagu dadaalayo in hogaanka ay dadka wanaagsan noqdaan.
Fatoowiynka Danbe ee Cusub
Markii khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigii qudhiisa uu shalay fatwada hore sheekhu ku difaacayey waxaa uu soo saaray dhawr fatwo oo iyagana lagu soo koobi karo sidan iyadoo tacliiqsan.
- Fatwadada: Wuxuu sheekhu diiday in Ciidamo QM dalka la keeno isagoo ku sheegay in ujeedadu tahay in mujahidiinta hubka la dhigo ayna noqonayso gaalo loo kaalmastay la dagaallanka muslimiinta
Tacliiqa (Ka warran hadii ciidamadani ama badankood ay muslimiin noqdaan ujeedadana aysan ahayn in garab gaar ah lala diro ee laba dhinac ee Soomalida waxay ku heshiiyeen la waardiyaynayaan). - Fatwada: Saxwadii oo codsanaysa in gaaladii gaalo kale lagusii daro wadankii oo dhan oo hadda wada xoroobay kuligiis hadana gumeysi kale gadaal loogu celiyo.
Tacliiqa: (Hadii wadankii wada xoroobay, dalkiina gumaysi lagu celinayo waa runtaa waa khalad, xaalkuse ama waaqica sidaa ma yaha?, ma sidii la jeclaan lahaa ama riyo iyo mala awaalbaa mase dalkii baa wada xoroobay oo maanta Isbahaysiga shirku qabsan karaa gudaha ama maamul ka dhisi karaa kii shalay maxkamadaha oo kala ah? Ma iskacaabintaa ku dhufoo ka dhaqaaq ka baxday oo magaaloyiin dagaal fool ka fool kaga qabsanaysa cadawga ama kaga difaacaysa magaala uu horey uga baxay ama xoog looga saray? Ma hogaanka Isbahaysiga ku tuhmaysa inay u aqbaleen ciidama QM si ay dalka gumaysi loo geliyo badalkii Itoobiya, mase waa waaqac siyaasadeed oo ay huri waayeen kalana shar yaraaday kan haatan lagu jiro?!) - Fatwada: In dad badan lagu “qalbijilicsanayo” in joogitaanka Itoobiya kuwa QM ay tahay laba shar oo tii fudud la kala dooranayo oo kuwa QM la qaatay. Sheekhu wuxuu taa kaga jawaabay in ciidamada QM daran yihiin oo sharax dheer ka bixiyey isagoo sheegay in kuwa Itoobiya ay jabeen oo si ay ku baxaan la’yihiin oo loo diidayo iyadoo qoriga daba looga wado inay baxaan halka kuwa QM ay noqon karaan Faransiiskii, Ingiriiskii iyo kuwa shalay Soomaliya qaybiyey oo haatanna caabboon. Haddii ay xataa wadamada muslimiinta ka yimaadaan waa kuwii iyana saxwada la dagaallami jirey!!!
Tacliiqa: (sheekhu sida uu xaq isu siiyey inuu sifeeyo sida ay kuwa QM ku daran yihiin xaq uma siin culimada kale ama hogaan ay is hayaan ee uu doortay inay iyana shaxri karaan sida ay kuwa QM kushar yihiin maadaama ay yihiin/yahay hogaanka uu fatwadii hore kusheegay inay xaq u leeyihiin kala rajixista arrimaha siyaasadda kala doorashada labada ciidan yaa daran ay tahay arrin siyaasadeed, balse wuxuu kasoo qaaday wax dadka lagu beer jilicsanayo ee aan ahayn ijtihaad ictibaar le!. Halka isaga uu ka qabo inay ciidamada cadawga ee Itoobiya biyihiiba la’ yihiin oo si ay ku baxaan loo sallaxayo, Sh, Xasan Daahir ama madaxda kale ee Asmara kusugan waxay qabaan baaqna dhawr jeer ku soo saareen inaysan sahal ku baxayn xabashi iyo afar bilood ee joogitaankii loo sharciyaynayo. Ciidamada QM iyo haddii ay dunida muslimka ka yimaadaanba inay kuwa gumaysi noqonayaan waa mid waaqica siyaasiga ama dibloomasiga ee caalamka maanta ka jira ka fog. Haddii aad hogaankii aad doorateen alle ka cabsi ma aha iyo waa beerjiicsi ku sheegto ijtihaadkooda, sow ma dhici karto in kaadana lagu sheego awr ku kacsi inay kaa tahay adiga iyo saaxibbadaa in ciidan QM daran ka daran yahay sida haatan xaal yahay ) - Fatwada: Saw Ingiriis iyo Faransiiska iwm ma aha kuwa dalka gumaystay oo qaybiyey hadana raba inay Puntland, Somali land sii gooyaan haddii ay yimaadaan ayuu kudooday isagoo arrintaa sii faahfaahiyey isagoo ku dooday itoobiya oo aan ka adkaanay in la yiraahdo kuwa QM oo diyaarado sidii shimbraha meel walba gaynaya ayaa ka shar yar … waa dad aan Allaah ka cabsanayn.
Tacliiqa: ( Haatan sheekhu wuxuu u dhigay in ijtihaad ahayn, beer dulucsi daaye aysan alle kacabsiba ahayn, waana wax laga xumaado ijtihaadkii kaa duwanaada in Alle ka cabsi la’aan lagu sifeeyo. Go’aanka QM Kasoo baxay waxaa lagu adkeeyey iyo shirka Jabuutiba in midnimada iyo qaranaimada Soomaaliya lama taabtaan yahay. Haddii dagaalka sii dabadheeradana ayaa qarka loo saran yahay kala qaybsamid. Diyaaradaha meel walba imaanaya sow hadaba meeshii ay doonaan ma duqeeyaan, dagaalkuse ma isagaa Itoobiya hadaba ku kooban. Dhulkoo itoobiya laga xoreyey sidaad sheegayso oo tobnnaan hawgal la samaynayo haddii ay hogaankii Isbahaysigu doonayaan in TFG-da awoodeeda la baahiyo maslaxad laguma sheegi karo, waaqicuse sidaa ma yahay ma dalkii baa xoroobay ma TFG baa dhulka lagu baahinaya mase maamul Soomalidu ku heshiiso markii la helo oo Isbahaysigu qayb ka yahay yay ciidamadani gacan ka gaysanayaan in wixii lagu heshiiyay ku kaalmeeyaan Soomaalida maadaama aysan Soomalidu is aamainayn oo qoray uun ku kala baxayaan wadaad iyo waranlaba)
- Fatwada: Wuxuu tusaale usoo qaatay wixii ciidmada QM ka sameeyey Soomaaliya 1993 isaguu sheekhu raba inuu muuiyo inaysan nabad xaalkoodu ahayn
Tacliiqa: ( Haddii la barbardhigo dhibkii ay kuwi 93 gaysteen kuwa ay haatan Itoobiya gaysteen manta yaa daran sow shaccabkoo dhan uma muuqato in tan Xabishada daran tahay ma sida maanta looga qaxay Xamar baa barigaa looga qaxay dalka.) - Fatwada: In maanta aan niraahno anaga Itoobiya ha naga baxdo ka dib ciidamo shisheeye ha noo yimaadiin iyaga ha na xukumeen, macnaha waxaa weeye haddii aan nahay shacab Soomaaliyeed oo muslim ah anaga arimahaanaga gaarka ah ma xalisan karno, shacbigii oo meel looga dhacay weeyaan, anagana waxaan leenahay war dadka mushkilada keenay waa Itoobiya, haday naga baxdo anaga ayaa arimaheena xalisanayno, shalayba markii Maxaakiimta bilowdeen sidaad arkayseen waxaa weeye wadankeenii nabad iyo barwaaqo ayuu ku soo noqday iyada oo cidna nagu saacidin….
Tacliiqa: (Sheekhow ciidamada QM ama dawladaha saaxiibka haddiiba ay yimaadaan hana xukumaan lama oran meelo badanna iyagu wax ma xukumaan xaalkii 93 haatan waa ka duwan yahay oo dawlad Soomaaliyeed ma jirin, haddiise maanta lagu heshiyo dawlad Soomali ah baa jiraysa, kuwa AMISOM-na haatan wax ma xukumaan. Haddiise xattaa Itoobiya baxda ma iyada kaligeed baa nala dagaallamaysay? mase kaa daysnaysaa qaska io faragelinta, dagaalka sokeeye ee dhawr iyo toban jirsadayse sow maanan xallin wayn cidii ladoobana eedda wax halaga saaree, yaase noo dhaafaya inay wadaada noo xalliyaan maanta? Siyaasadda Caalamkase sow ma fahmi waayin oo dabinnadii naloo dhigay lagama dabbaalan waayin? Sowse sidii aad fatwadii hore ku sheegtay wadaadu kooxa maaha waxay isku hayaan adduunyo ku jirto oo laga cabsi qabo in sidii kuwii Afganistaan isku dilaan..) - Fatwada: Maanta shacbiga oo dhan waa nasoo garab istaageen, illaahayna guul ayuu na siiyay, ummaddii oo dhana ay farxad iyo rayn rayn ay ku soo wada jeesatay itoobiyana inay iska celiso ay go’aan noqotay, dhulkeediina ay ka xoreysatay, halkii illaahay inaan ku mahdino nalaga rabay inaan niraahno gaalooy noo kaalaya oo idinka gar-gaar na siiya illaahay agtiisa noogama qalanto arintaa iyada ah.
Tacliiqa: (Sheekhow ma xaa isbadalay sow fatwadii hore kuma sheegin in shacabka badankii kala noqday kuwa ixtilaalka la jira, kuwa aan muqaawama karin iyo kuwa luqmadda u daran tahay oo ciddii xukuntaa aan kala jeclayn… ma inta shalay markii Maxkamadaha hubka iyo cidanka badnaayeen taagersanayd baa sii badatay? Mase dadkii qaxay ee gajadu haleeshay ee waxay cunaan mudnaanta koowaad u tahay baa badan oon kala doorasho mabaadiba kasho u hayn maadaama in badan baqtigu haatan xalaal u yahay) - Fatwada: Ciidamada inay ka imaanayaan wadama muslim ah wuxuu kusheegay sheekha inay “oraah” tahay, iyo khiyaano ujeedkana yahay in wadaadada talada dalka lagu barxo oo inay kaligood soo noqdaan la rabin. Sidoo kale in cidamadaasi yihin kuwa saxwooyinka la dagaallama, waxaa kaloo xusay in ciidmaa QM ay iyana hadaf noqonayaan oo kuwaa hore la mid yihiin ….
Tacliiqa: ( Markaa sheekhow ma waxaad fatwoonaysaa in kuwa muslimiinta ah iyana taargad noqonayaan oo la dilayo haddii ay yimaadaan oo dhiigooda xalaal noqonayo sida nin kastoo TFGda la shaqeeya dhiigisa horey dadka qaar u xalaalaysteen)
- Fatwada: Dawladda Alle dilay in shan sano loogu daro inay khalad tahay ayuu sheekhu sheegay oo dadkii lala jihaaday iyokuwii ku dhintay dhiigoodii bilaash noqonayo oo in la bixiyo ahayd. Waxa kaloo sheekhu sheegay …. dadkii xumaa oo lala dagaalamayay Dil uunbay mudan yihiin dagaalkiina waa lagu wadayaa ninkii ayaga ku darsoomayna ayaguu la mid yahay.
Tacliiqa: (Sheekhow shan sano aa loogu darayaa yaa yiri mase waa mala awaal? ma kaligood baa wax loogu darayaa mase waa markii la helo dawlad loo dhan yahay ama lagu heshiiyey, haddise intii dhimatay ay sabab u noqdeen in Itoobiya baxdo oo riyadeedii beenowdo maxaa qasaare ka dhigay, haddiise raga madaxda ka ah Isbahaysiga ay dawlad cusub ay ka mid noqdaan iyana ma ku xukun bay noqonayaan waxaad xukuumadda ridada ku sheegtay oo ku xukun bay noqon yacnii iyana waa la dili karaa.. taana bal sheekhow caddee haddii aan loo socon sidii aad ka digaysay iyo in sidii reer Afganistaan la isu laayo..)
- Fatwada: In jihaadkii UN oo hubka lagu warejiyo ku dhammaado sax ma aha, ninkii dawladdaa la heshiiyana wuxuu u sawiray nin wixii tolkii u badnaa raacay ama dhiiggii shuhadada jago ku doorsaday –waa sida ay Shabaabku horey isbahaysiga ugu edayn jireen’e- waxaa kaloo sheekhu ku dooday in bari laga noqon doono mujaahidinta oo argagxiso lala dagaallamayo lagu sheegi doono…
Tacliiqa: (Sheekhow yaa yiri hubka UN baa lagu wareejin mase waa mala awaal kale, yaa yiri tolkay baan raaci meeshay u badan yihiin? Yaa jaga ku doorsaday dhiigga shuhadada? Adinkuse shalay ka Isbahaysi ahaan dhiigga shudadada ma ku qaraabateen sida Shabaabku idinku eedeyeen? Raggii horey ugu shahiiday ama dhintay dagaalladi wadaadada Soomaaliyeed ka galeen gobollo badan oo dalka ah dhiggoodii yaa la waydiin ama dayac ka dhigay mase dhiigga shuhadada waa kuwa sababta u ah in Itoobiya ay baxayso ama lagu wado inay baxdo iyo in caalamka usoo istaago Isbahaysiga oo shalay halkii la inkiriyey ay maanta QM iyo Golaha Ammaanku hor fariisanayaan? Yayse shuhadada dhiiggooda u wakiisheen inuu ku talo doonto ama wakiil ka noqdo ma Shabaab mase Asmara mase raga Jabuuti jooga? Haddiise wixii la rabay barkood in lahelo sabab u noqdaan kuwa dhintay sow guul ma joogaan? Mase dhici kartaa haddii ay nool yihin inay uun adinka is khilaafay idin kala raaci lahaayeen oo ninba ra’yihiisa leeyahay? Ma ayagaase hogaan ahaa mase madax baa loo ahaa adeeca wixii talo hogaanku qaato?))
Gunaanadkii arrimahan sheekhu ka hadlay ka eegista dhinaca sharciga waxaa aad uga badan ka eegista marka hore dhanka waaqica iyo sifaysntiisa saxa ah iyo kala doorashada masalix iyo mafaasid. Natiijada uu gaarayo qofka aaminsan in dalkii xoreebay oo Itoobiya jabtay oo wadda ay ku baxday la’ dahay, nabad aan arrimaheena ku xallisan karno dagaalakana bixitaankeedu ku dhammaanayo shacabkana gabigiis na taageersan yahay iyo sidii in cadaw iyo cid xabashi ka danbaysaaba jirin oo kasii daran, iyana faraha naga qaadayso ama wax naga arbushi karin iyo inay suurta gal tahay inaad caalamka maanta adoo tabar yar aad ka dhisato dawlada ama Estate Islaami ah aan QM ka tisanayn ama cadaw u aragta iyada iyo
Maraykankana iyo reer galbeedkana dagaal sidaa ugula jirta waa sifayn fadwada lagu dul dhisaa ay caalam kale iyo maaris kaa tuurayso.
Haddiise waaqacu yahay in Itoobiya dalkii weli joogto dagaalka iyo tabtuna tahay ku dhufoo ka dhaqaaq oo aan dagaal saf ballaaran gobollada dalkoo dhan looga saari Karin ama kii ay ka baxdo aan difaac saf ballaaran ah looga celin karin, shalayna min Gaalkacyo ilaa Kismaayo laga difaaci kari waayey oo Asbuuc ka yar ku jiirtay maxkamadihii, dagaalkuna uu Itoobiya dhaafsiisan yahay, oo hawada iyo badda la iskasoo garaacayo, oo sida ku dhufoo ka dhaqaaq mashruucii TFG iyo Itoobiya loogu wiiqay ay iyana karto inay wiiqdo wixii wadaadu dhisaan ama horey u dhiseen natiijadu waa ha bannadnaato ama ha qasnaato oo yaysan weligeed salka dhigin, meel hogaankii Isbahaysiga raga gudaha ka joogaa ay asan aamin ku ahayn ama aan daganayn in Nidaam laga dhiso ama shareeca lagu xukumaana ma dhacayso xilliganna waa shubhi mustaxiil in dawlad tii Taalibaan oo kala ah oo QM iyo reer Galbeed aan aqoonsanayn colna la ah meel laga dhiso oo laga difaaco bad iyo barriba.
Taladu ma ah mid koox gaar ah leedahay oo shacabka ayaa la rabaa in wax looga ogolaado. Haddii shalay sida sheekhu sheegay ay saxwadu ku qanacysanayd dawlad aan Islaamka la diriraynin laakiin aan col la ahayn inay maksab tahay in badan baa maantana aragta in waaqaca caalamka iyo kan Geeska Afrikaba uusan sahlayn in wadaado adduunka la dirirsan ama la dirisan yahay kaligood taliyaan sidaa darteed bay qabaan hadii la helo maamul dalka hanan kara, wadaadaduna talada wax ku leeyihiin aan islaamka la dirirayn ama la faquuqayn inay taasi tahay maslaxad iyo maksab oo laba gaaray haatan ama laga cabsanayo in lagu noqdo meel ka liidata xaaladdii hore ee maksab Saxwadu u arkaysay dawlad aan islaamka la dirirayn
Sida Sheekhu horey u sheegay, in badanna la qabto waxaan la hubin in kooxaha dagaallamaya isku ajanda yihiin oo sidii Afganistan aysan shacabka isku kor dili doonin khilaafka waa soo muuqdaa wadadiisii. Shalay maxkamadaha 14 koox baa iskugu tahay. Markii Isbahaysiga la dhisay qaar baa ku gacan sayray oo handaad wax u egna kula hadlay maanta Heshiika Jabuuti kuwa kale ayaa ka baxaya Isbahaysigii oo iyana hogaankiisii fatwo iyo handadaad dadban kadaba wada, in la isgaalaysiiyo ama dhiig xalaalaystana waa suurto gal ama soo muuqataa.
Waa in sidoo kale fatwada ay fawdada ka baxdaa iyo rag is haya oo fatwo khilaafkodii isaga gar baxaya, lagana hortaagaa in xabbad tartanka awoodda lagu xasmiyo. Sidaba garsooraha ama qaadiga uu khilaafka fiqiga ah u xasminayo markuu mad-hab ka mid ah wax ku xukmiyo ayaa loo baahan yahay arrimaha siyaasiga ahna in loo helo golayaal iyo hogaan loo igmaday oo iyana xasmiya. Taa macnaheedu ma ahan in go’aanka qaadigu wax ku garsooray inuu sawaabkii yahay oo fatwooyin iyo ra’yiyadii kale waa jirayaan, Sidoo kale hogaanka loo igmaday arrimaha siyaasadda dhankuu rajaxo waxbay xasmin oo afjaraysaa, fawdadana xaddidaysaa laakin macnaheedu ma aha in mar walba ijtihadka hogaanku sax yahay ama sawaabkii yahay. Weli ra’yi ka duwan kan qaadiga ama hogaanka waa la qabi karaa waase in loo hogaansamaa waxay cidda suldada leh ay gaareen laakiin haddii ciddii ra’yi ka duwan hogaanka qabtaahi ama qaadiga ay wadadooda baadil ku sheegto iyo inay wadda kale maraysana ku dhawaaqdo ama ay ka hor timaado taasi waa fawdo iyo midda isdilka iyo jahawarerak keenaysa waana midda laga digay haddii aan kufri bawaax ah meesha oollin ee wuxu ijtihaadaad waaqica la xiriira yihiin.
Erayga riddada ee siyaasadda loo aegsanayana waa Qatar inteeda la eg, raggii TFG kasoo tagay ee kubiiray Isbahaysiga kuwa dib shahaado loogu qabtay maanaan maqal ama dib u islaamay hadana in Sheekh Cumar oo kale riddo kusheego sidii shabaabkii waa arrin qatarteeda leh ayna dhici karto in berina shariifka la gaaleysiiyo horey loo lahaa lama khilaafi karo wixii ra’yi ah ee aan kufri cad ahayn.
Waa in la ogaadaa fatwo kooxa is khilaafay isku garaacaan iyo isxalaalaysi inay fitno tahay in laga hortago ama joojiyo u baahan. Waana in la ogaadaa qaadi aan sharciyo haysan ama hogaan aan la dooran inuusan wax sharci ah uusan noqonayn Isbahaysiga, Maxkamadaha iyo TFG iyo inta Jabuuti ku heshiisay midna shacabku ma dooran, shareecadana sharciyad ayaa ka horreysa, cid ismagacawdayna waxaa maamul fulineed kaga horreya in wadadaii lagu xalaaloobayey soo marto oo is xalaaayso, haddii kale waxay noqon tuug wayn oo taladii dadka iyo dalka boobay hadana leh sharci baan ku oogayaa tuug yar oo shilimaad xaday.
Wadaadadu ha xasuusnaadaan in shalay 2006 markii dagaalka argagixiso la dirirka la galayey ee culimada la ugaarsanayay ajandaha ugama jirin kuma riyoonayn in waqti dhaw ay Xamar ama dalka qabsan karaan, dagaalladii ka horreeyey oo kaligood ay wadaadu galeen ama macnihiisa kaligood fahamsanaayeenna guul kama gaarin. Laakiin markii shacabku culimadiisi in laga ganacsado ka gadooday qabqablayaashiina quus ka istaagay baa garab iyo kacdoon lagu jabiyey qabqablyaashii la helay.
Shacabka ma filayo inuu u diyaar yahay in caalamka oo idil la cadawsado ama mashruuc caynkaas ah garab istaaga yeelayo waana muuqata sansaankeedii. TFG lama heshiinayno oo waa inay Itoobiya ay daba raacdaa, QM iyo ciidamada kalena ma ogolin oo soo badala, Haddii la isku dayana waan la dirirayanaa iyagana, caalamka dhan waa la dirirsannahay oo col bay noo yihiin marka Asmara laga reebo waxaanan dhisaynaa dawlad noo gaar ah oo Qaramada Islaamka Midoobay billaw u noqota oo aan QM ku jirin illayn waa shaydaan iyo gaalo midoobay kuwaniye, tabartuna waa ku dhufoo ka dhaqaaq oo saf ballaaran waxna kuma difaaci karno kumana sifayn karno, bad, berri iyo hawana qalab aan kudifaacno ma haysano , waa mashruuc aan shacabka Soomaaliyeed xanbaari karin, taageerina doonin wixii koox yar u gaar noqda oo baahida iyo dareenka shacabka intiisa badan ka tarjumi waaya, wax la xaqiijin karo marka asbaabta la fiiriyana aad uga fog waxay ku danbayn doonaan halkii jabhado badan oo fashilmay oo islaami iyo kuwa kaleba leh ay ku danbeeyeen, Allana haddii asbaabtii lala imaan waayo guusha soo dhawayn lahayd laguma eedi karo maxaad noo gargaari waysay sidiiba muslimiin badan haatan ka hor ku dhacday.
Waaqaca haloo soo dago Isbahaysigana khilaafkiisa ha xallisto shacabkana ha u turo, hana xasuusnaadaan in il darrrada shacabka haysata in loo tanaasulo ama ajandayaansha qaar dib loo dhigo ay ka mudan tahay mar haddii sidii ay ahdaaftooda ku dareen ay ka mid ahayd in dadka tabaalaysan la gargaaro, haddii aysan dhaqaalo ay dhibta kaga bixi karaan u heli Karin waa inay ka taliyaan sidii dhibka looga khafiifin lahaa, haddiise loollanka dhaxdooda ka aloosmay uu hilmaansiiyo tii ummadda, sidii jabhadaha iyo qabqablayaashana billaabaan isku giijin iyo is barabixin, waxay ku danbayn karaan halkii USC ku danbaysay iyagoo weliba kaga sii dhib badnaanaya marka damacii bini’aadan aan ilbax ahayn isku dilayey shaati diineed u galiyaan.
W/Q Sh. C/qaadir Cabdi Warsame
Fatwooyinka Sheekha waa kuwan ciddii inay si buuxda u daalacato doonaysa

Salaan kadib ,, aad ayaan kaaga mahadinayaa ,, QORAAL KAAGA allena miisanka ha kuu saro. ILAAHOW EEXNA HA NOOGA TAGIN AQOON DARANNA HANAGU CADAABIN. Runtii ciddii maanta garaneysaa taarikhda xarakadka islaamiga ah iyo wixii ka dhashay qilaaf kooda WELIBA FATWO sheekh kaliya soo saaro ,,, way u muuqataa waxad meesha ku qortey ,,, alle ayaan ka baryeynaa in uu ummadda bad baadiyo ,,, RIJAALNA U SOO SAARO.
Somaalia maanta waxay taalla meel halis ah ,,,,,, in badan oo dadka QURBAHA joogana umma muuqato ,, waayo ,,, isaggu waxa uu dhex fadhiyaa dhul cagaaran iyo guri QABOW oo uusan laheyn ,,,, ADUUNKII dowladaha lahaa ayaa manta ka QEYLINYA QAALI IYO SICIR BARAR ,,,, tolow yaa u maqan ,,, MARYOOLEY ,,, alle uunbay sugayan .
Abdul kadirow ,,, adkayso in badan oo XAMAASAD IYO DREAM ku jirta ayaa kuu soo qori doona haddalo AD-ADAG ,,, Waxaase alle mahadii ah in aad wax XAQ AH sheegtey. alle hakaa abaal mariyo .
ILAAHOW SOOMAALI ,,, MAS KAXDA U SOO CELI ,, OO GARAN SII WANAAGA !!! aamiin
Votes: +0
MAR WAXAAN AHAYNI USC, SSDF, SPM, RRA IYO KUWO KALE OO KA SOO FARACMEEN KUWAANI IAYAGOO DHALIYEY QOWLEYSATAYAAL AMA ISBAAROOLEY OO DARIIQ KASTA DADKA KU BAADI JIREY.
HADANA DAWLAD IYO MAXAAKIIM IYO MUJAAHIDIIN AYAA SHAARKA AAN U BEDDELENY , LAAKIN WAXAAD MOODAA IN HADDA NAL AY NAGU SHIDEEN SAWLADIHII HA SOO ABUUREY OO AY UGU HOREYSO ETHIOPIA IYO MAREYKANKABA TAASOO HAKAD GELISEY JIRITAANKA MUJAAHIDIINTEYNA MOORAYAANATA AHAA IYO CULIMADEYNA OO MAALIN KASTA INOO JIDEYN JIREY XARAANTA.
WAXAAN LEEYAHAY WAA INAAN ISKA DHAAFNO FATWOOYINKA IYO KA BEEN SHEEGIDDA KITAABKA KARIIMKA AH MAXAA YEELEY HADDII AAN NAHAY DAD MUSLIMIIN AH OO IMAAN LEH DADBA MA DILI LAHEYN, DULMINA MA GELI LAHAYNIN .
Votes: +0
Votes: +0
waxa ay ka sameyneyso soomaaliya waa wax aan waafaqsaneyn shuruudaha aduunka,waxa ayna si kalinimo ah u aaday wadan ay ka jirto colaad sokeeyey.
soomaaliya ma la diidana in caalamku wax ka qabto,balse waxaa la doonayaa in si jamac ah wax looga qabto,haddii aan taas la helina waxaa lagu xadgudbayaa sharuucda u dejisan golaha midowga aduunka.
haddaba umada soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay ka cabsadaan illaah oo kaliya,oo aysan fiirin waxa ay heystaan xabashidu,haddii ay ahaan laheyd hub.caawino mareykanka ah,sabata oo ah waxa aad ku dhimaneysaan ujeedo.
hadaba dadka wadaada ah waxaan leeyahay ogaada in ruuxii qalda taariikhda waxa uu qalda siyaasada.
Votes: +1
Salaantaas kor kuxusan kadib waxaa mahad weeyn iska leh ilaah , kadib waxaan rabaa inaan inta ka iraah dhawr arimood walaalkeey sh.c/qaadir cabdi warsame. ugu horeeyn waxaan ku leeyahay qoraalka aad qortay hadii uu yahay mid xaqa ah ilaah ha na waafajiyo qeeyrkiisa hadii uu yahay mid baadil ahna ala ayaan ka magan galnay shartiisa.
Walaal waxaan aad u aqriyay qoraalkii dheeraa oo aad qortay kuna saabsanaa(FALAQEEYNTA FATWOOYINKA SHIRKA JABUUTI) waxaan kaloo waqti fiican siiyay fatwadii uu qoray shiiq cumar iimaan isgoo faahfaahin ka bixiyay qatarta dhaw iyo tan fog ee nagu soo food leh.
waxaan horta ilaah uga mahad celinayaa fatwada shiiqa qoray in uu yahay nin u leh cilmi xaga fatwada. siiyay ilaah daganaasho ala kacbsi iyo xoog ogaal badan waxyaalaha aduunka iyo soomaaliya ka dhacaayo intaba, islamarkaana aan cabsi uga qabin inuu qolo u janjeersado runtiina ah qof goobjoog u ah waxii soomaaliya ka dhacay sanadihii danbe isla markaana ka mid ahaa madaxdii halganka la soo gashay qabqablayaashii, shiiq cumar iimaan waxaan is dhihi karaa waa wadaadka labaad oo maanta soomaalida aay ku faani karto xaga cilmiga qofkii aqoon u leh ayaana u maleeynayaa inuu marqaati iiga noqon karo hadii aan intaas uga baxo arimaha shiiqa.
sh.c/qaadir waxaan ugu horeeyn ku weeydiinayaa su aal ah tacliiqa aad adiga bixisay ma mid aqoon diineed ku saabsanaa mise waa mid aad fikrad ka dhiibaneeyso fatwada uu shiiqa soo jeediyay? jawaabtaas waxaan jeclaan lahaa inaad ayadoo qoraal ah ku soo jawaabto si aan u ogaano hadii aay suurto gal tahay,
mida kale ma dhihi karaa qoraalkaada waxuu u janjeera qolooyinka qabo (kitaabka alle hadii uu siyaasada maanta socoto ama caalamkaba aan dhahee hadii uu la jaanqaadiwaayo ma socon karo) anigoo hadalkaas ka tusaalo qaadanayo qoraalkaadii ahaa dawlad muslim ah oo kitaabkeeta isku xukunto ineey waqtiga xaadirka ah dhalato waa mustixiil. hadii aad arintaas qabto ilaah agtiisa mustaxiil kama aha bal iska daaye waa ka fududahay, intaas ka dib aan u soo noqdo tacliiqaadii
tacliiqa ah no 1: ka waran hadii ciidamada ama badankood aay yihiin muslimiin ujeedadana aysan aheeyn in garab gaar ah lala diriro ee labada dhinac ee soomalida waxeey ku hishiinaayaan la waardiyeeyo> bal hadii aan jawaab yar kaasiiyo tacliiqaas aad qortay waa dowladee dawlada aad is leedahay arimaha soomaliya oo muslin ah ayeey ka shaqeeynee mida labaad waxa ugu weeyn oo horta la waardiyeeynayo hadii aay yimaadaan ba ciidamada QM waa sharciga u dagan qaramada midoobay ee taas ku tasho , waxaa ku xigto arintaas in dhalinyarada alshabaab la yiraahdo sida mareekankaba yiri waxeey ku jiraan liiska argagixisada ee waa in meel ala meeshii lagu arko la ugaarsadaa. maxaa ka dhahee misa hadaaad wadahadalada soo socdo ku dareeysaa alshabaab lama ugaarsan karo?
tacliiqaada 5: waxaad rabtaa in la keeno QM bal sheeg wadan aay tageen oo nabad laga dhaliyay oo dantooda ka baxsan,
mida kale waxaad leedahay laba arimood waa inaan mid dooranaa oo ah in QM la keeno iyo CIIDANKA etoobiyaanka ineey saan ku joogaan, maxaa labadaan arin oo kaliya u soo qaadatay oo uga dhigtay ineey noo furan yihiin labo arimood oo kaliya miyeeysan noo furneeyn mid sadaxaad oo ah itoobiya ha baxdo QM lama keeni karo, adigana ha saxiixin arintaas ,
tacliiqaada 7: waxaad leedahay ma taageeradii aay dad noo qabeen ayaa yaraatay, walaal taageeradii aay umada noo qabeen waa badnaatay waxaana guul ah ineey dawladii shaqeeyn weeysay.
waxaan intaas ku soo gabagabeeynaa fikradii aan dhiibtay kana soo horjeeday waaqica sh c/qaadir
waxaanse dhalin yarada dhihi lahaa horta aqriya fatwada shiiqa markaas ayaad fahmi doontiin hadalka shiiq c/qaadir, waxaan ku soo gabagabeeynayaa c/qaadir hadii dhinaca shariifka uu hogaaminaayo c/raxmaan oo ah walaalkaa hiilo ma gasho cadaalada
wabilaahi towfiiq
waxii danbi ah ilaah ha iga cafiyo
Votes: -1
salaan kadib walaal waxaan u arkaa hadalkaada oo aad wadaadka fitwadiisa ku falanqeeyneeysid, hadaladii ISLAAXA aay ku hadli jireen oo aay isku moodaan ineey ayaga yihiin kuwa kaliya wax hogaamin karo c/qaadir ilaah ka baq. waan aqaan hadalka waa hadalkii islaaxa oo dhihi jireen waqtigaan jihaad ma soconayo ee waa in maslaxo la raadiyaa, waa in umada loo naxaa. waxaan idin leeyahay marka horte diinta ilaah ha loo naxo dadkaan ilaah ayaa uumay ilaah ayaana kaa og maslaxadooda.laakiin waxaan kiuu sheegaa hadii aad rabtiin qaramada midoobay iyo dawlada dabadhilifka in la la hishiiyo , anaga inteey tuugada wadanka ka baxayaan waa jihaad fiisabiililaah oo qoray ayaan uga saareeynaa,
mida kale hadaladaada waxaa laga dhadhansanaa inaad leedahay shiiqa cumar iimaan dhinac ayuu u jan jeeraa, shiiqa walaal waa nin ilaah cilmi daganaasho xoog ogaalnimo intaba isku darsaday ee ilaah u toowbad keen ooculumada haka daba qorin fawdo hadii kale is cadee oo dheh islaax hadii aan nahay ma dooneeyno jihaad.
mida kale hadii shiiqa uu dhinac u janjeersaday anaga ma ba ku heeynee adiga walaalkaa c/raxmaan cabdi warsame oo islaax ah jihaadkana ka soo horjeedo ayaa la safan tahay.
ee walaal umada ka daaya fasahaada
wabilaahi towfiiq
Votes: -2
Anigu waxaan ahay walaalkin oo reer Somaliland ah,waxaana iska cad inaad badidiinnu iswada garanaysaan
dadkiina faallada soo qoray , macal shiika fatwada bixiyay , sh cabdulqadir iyo intiina kaleba,aniguse idinma kala aqaan, ilaahay dartii wixii aan wanaag moodo ayuunbaan sooqori , MIDNA OGAADA ! walaalahayga reer Somaliyoow
haddii aanu ahayn REERWOQOOYI fudayd iyo hubsiimo la,aan ayaad nagu xaman jirteen,dhab ayayna ahayd.
Laakiin hadda waqtiyadan danbe idinka ayuu fudaydkii ,hubsiimo la,aantii iyo taloxumadiiba idinkusoo wareegay..
Haddaan usoo noqdo arrinka FATWADA sheekha ,horta sheekha waa caalimkeennii ilaahay khayr ha siiyo,
macsuumna maaha oo wuu zimbiriirixankaraa ,wax ka sheegga culimaduna ma bannaana,hilibkooduna waa sun siduu nebigu CSW uu sheegay , Laakiin caalimkuna , dadka kale ama culimada kale ee aan siduu isagu u fekerayo ,u fekerin ama aan siduu wax u jecelyahay u jeclaan , yaanu ku sifayn dad diinta ka fogaaday,dad aan cabsi alle lahayn ama dad jihaadka diidan, waa arrin khatar ah , wixii aayaad,axaadiis iyo ijmaac qeexayaan waa meeshooda. Walaalahayga aan jecelahay ee soomaaliyeedoow maanta geyiga soomaaliyeed inuu JIHAAD xaq ahi ka socdo hooyada waayeelka ah ee baadiyaha adhigeeda la joogta ayaa og Fatwa kaleba uma baahna meelkasta cadowga waddanka soo galay halagaga rido xabbadda iyo wixii kalee la awoodoba,mar keliya yaan laga kala joojin weerarka, gaadaha , jidgooyada,miina u aasidda,hoobiye ku garaacidda,miridda habeenkii,cuntada iyo biyaha udiididda iyo isku qarxinta haddii ay bannaantahay illaa ay ka baxayaan waddanka si kastoo heshiis loola galo allaahuma haddii ay meelo cayiman isugu tagaan oo magaaloonka iyo meelaha shicibku deganyihiin ka baxaan una diyaar garoobaan inay baxaan sidaana lagu heshiiyo markaasuun xabbadda halaga joojiyo hana loo banneeyo meelay ka baxaan ilaahayna waan ka rajaynayaa inay sidaas u dhacdo aamiin.
Laakiin walaalahayga muslimka ah ee soomaaliyeedoow JIHAADKAAS iyo DAGAALKAAS iyo CADAAWADDAAS iyo MASHAQADAAS aad ku jirtaan macneheedu maaha inaad iska xidhaan ALBAABKA WADAHADALKA !! waakan haddaba fudaydkaan idinku aflagaadeeyey raallina iga ahaada wallaahi waan idin jeclahay ilaahay dartii inaad ka guulaysataan gaalada madow iyo ta cad dirkaba ayaan rabaa.waar haddii ay idin dhahaan waxaan rabnaa inaan wada hadalno kooxda Imbaghati, Etoobiya ,Maraykan iyo dhammaan xulafaduba
waar haddidina ee la hadla idinkoo dagaalkiina kuwada ,waar gacanna qoriga ku rida gacanta kalena ku salaama
ilkaha qaar ugu qamuunyaysta qaarna ugu qosla ,taa macneheedu waxa waaye qaarkiinna dagaalka haku wadeen oo ALLAAHU AKBAR dhufaysyada hakaga saareen , qaarkiinna debedaha iyo meeshay doonaanba hakula shireen oo qosol aan niyo ahayn HOW ARE YOU haku salaameen sida sh. shariif waar dee waaqica adduunka ka jira dhug u yeesha oo ku maalqaybsada bal in ilaahay dhibkan idinka khafiifiyo isku duubnidana ogaada iyadaa muhiimadda 1aad leh yaan laydinkala jejebin,caawa waxaan maqlaayay sh.shariif waxaa lagu beddelay sh.Xasan d. Aweys maxaysoo kordhinaysaa wallaahi waan ka naxay ,xabashidu way ku farxaysaa
sii joogitaankaa loosii jadiidinayaa waxaa la oranayaa meeshiiba waxaa la wareegay kuwoodii xagjirka ahaa
cadowga allaah sidaasay odhan waar maantooo kale inaad SHEEKH SHARIIF dhammaantiin kuwada daba tukataan yaa idiin roon. Waar matabarbaad u haysaan duqayn cusub oo cirka ,badda iyo dhulkaba idinkaga timaadda oo maatadiinna iminka baaba,asan isasii dabaraaciya waar diinta yaan qalad laga fahmin ,waar xabashi in mujaahidintu xanuunjiyeen waa run laakiin inlaga adkaaday oo meelay ka baxaan ay la,a yihiin waa been.
xabashida dawladaha adduunka u qawadda wayn ayaa ku haya meesha ilaahay ayaa quwad iska lehe.
SH.cabdulqaadirkii tacliiqa soo qorayna inkastoo aanan idin oranayn qoraalkiisoo dhan wuxuu ahaa OK
Haddana waxaan runtii dhihi kara qoraalkiisu 85-90 % wuxuu ahaa MAASHA ALLAAH,runtuna ragga waa kaga nixisaa waxse ma yeesho.haduu sh.qadir aaminsan yahay sida qaarkin hadalka u dhigay inaan lala jihaadin cadow , kuma raacsani use malaynmaayoba inuu sidaa qabo.Gebegabadii waxaan siinayaaa libta halganka socda
guud ahaan idinkoo dhan intinna ficilka iyo niyaddaba ka tagersan.Gaar ahaanna laba qolo 1) MUJAAHIDIINTA
gudaha ka dagaalamaya ee u diiday cadowgu inuu harsado ama nasto 2) Qolyaha wada hadalada kula jira UN ku sheegga iyo Caalam ku sheegga iyo Dawladku sheegga. waan badiyay raalli iga ahaada salaamu calaykum wr wb
Votes: +0
aan usoo noqdo sheekhaan kale ee ka daba qaatay akhii yeyna kula tagin oo aadan isku qaadan inaad adigu saxsan tahay, allaha kaa badbaadsho sharta sheydaanka, waad saxi kartaa axad khaldamay balse aadaabta islaamka meelna ugama taalo in meel bublic ah aad ka kheyla dhaamisid.
waxaa meesha kusoo bandhigtay inuu sheekhu dana qaasa ka leeyahay fadwada waa hadalkaadu sida uu u qoran yahay, yaan la ijaafeyn culumada, oo qofwalba sida uu wax u suuradeysto yuuna culmada ku xukmin... allaaha naga cafiyo wxii xumaan ah ee naga dhacay.... aamiin
Votes: -2
waxaa mahad leh allaah naxariis iyo nabad galyo ha ahaato rasuulkii alle
walaalayaal waxaa muhiim ah of walba oo naga mida wax uun baa la quman waxaanse oran lahaa labada qof ee kala ah sh cumar iimaan iyo C/qaadir Cabdi Warsame ... ma yahiin dad isku darajo ah xaga cilmiga iyowax qabadka jawaabtu waa wax cad oo waa maya
marka waxaan leeyahay walaalkeey C/qaadir Cabdi Warsame alle ka baq carabka lagu adkeeyo culumada waa wax xun hadaad ismooday warkaaga lagu qoro interneet in aadba la dooday culimadii tahayna caalim waa wax laga xumaado waxaana taas cadeeyn u ah mustawahaaga waxaan ku leeyahay ala ka baq oo wax walba ood leedahay ka fiirso saasna shiiqnimo iyo culumanimo darajadeed laguma gaaro ee waxaa lagu gaaraa in {cilmiga oo la barto dadkana la gaarsiiyo si loo faro wanaaga xumaantana loo reebo alle dartiis}
as/war/wab
Votes: -1




Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...