GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Friday
Sep 05th
Home Islaamka Alqaacida iyo Alshabaab oo Warbaahinta Erayo Isku Dhaafsaday

Alqaacida iyo Alshabaab oo Warbaahinta Erayo Isku Dhaafsaday

E-mail Print PDF

Uururka Al shabaab ee kajira Somaaliya iyo ururka Alqaacica ayaa khudbado la duubay isku dhaafsaday warbaahinta taasoo ay kaga wada hadalayaan sida ay uarkaan waxa Soomaaliya ka socda iyo sida ay rabaan in arinta Soomaaliya ku danbayso iyadoo labada khudbo ee ugu danbeeyay ay kala jeeciyeen hogaamiyaha Alshabaab Abu Zubayr iyo Abuu Yaxya Alliibi.

Khudba hore ee hogaamiyaha al Shabaab oo bogga kataa'ib.net saaran ahna khudbadi labaad ee hogaamiye Abu zubayr jeediyo ayaa ku baxaysay afka carabiga iyadoo uu salaan diirran halkaasi kaga drayo hogaamiyayaasha Alqaacida ee uu ka magacaabay Madaxa Daalibaan, Usaama Bin Laadin, Ayman Dawaahiri iyo Abuyaxya Allibi.

Waxaa gudomiyaha Alshabaab ku koobnayd nuxurka khudbadiis inuu raggaasi uga mahad noqo gaar ahaanna Abuyaxya kalmadaha dhirra gelinta leh ee ay la garab taagan yihiin iyo xagga warbaahinta oo ay ka kaalmeeyaan, isagoo dhanka kalena sheegay in hadafka dagaalka ama jihaada ay wadaan uusan ahayn Itoobiya oo dalka ka baxda ee uu yahay in halkaasi laga dhiso dawlad Islaami ah oo caalami ah. Wuxuu sidoo kale war bixinta ku sheegayaa tabaha dagaalka ee ay adeegsanayaan ee ah kudhugoo ka dhaqaaq, miino duugis..iwm isagoo sheegtay sidoo kale in shacabku aad u taageersan yahay.

Maalmo ka dib ayaa khdbadda Abu Yaxya alliibi soo baxday oo u muuqata mid taa hore jawaab u ah uu uu ku cnabaareynayo shrka Jabuuti, kuna tibaaxayo tabaha dagaal ee ay tahay in mujaahidinta Soomaaliya maraan iyo hadafka dagaalkooda waxa ay tahay inuu noqdo oo ah in la dhiso dawlad Islaami ah oo aan beesha caalamka aqoonsanayn, tabaha lagu gaarayana ay tahay dagaalka ku dhufoo ka dhaqaaqa iyo qarixinta iyo isqarxintaba leh waa sida uu khudbadiisa la shaaciyey ku tibaaxy'e.

Dagaalka laba lixaadsaday ee Soomalaiya ka dillaacay ee Xabashidana loo adeegsaday ka dib markii Qabqablayaashii Argagxisa la dirirku fashilmeen ayaa ah mid ay quwada Caalami ah ku lug leeyihiin gaar ahaanna Maraykank, isaga oo sheegtay inuu daba taagan yahay xoogagga Alqaacida inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig ay afkartooda iyo dagaalkoodada ka hawl galiyaan.

Cabsi weyn ayaa dhanka kale wax garad badani ka qabaan in dagaalka Soomaaliya ka socdaahi meelo badan uga ekaado kan haatan ka taagan Ciraaq, oo kooxa Islaami sheeganaya ay dagaal iyo khaarajin kula kacaan cid kasta oo kasoo hor jeedda fikirkooda, kaasoo galaaftay culimo, aqoonyahanno, waxgarad iyo qaybo kale oo bulshada ka tirsan iyadoo mararka qaarna qarxin lagula kaco masaajida iyo goobaha lagu dibaadaysto. Heerkan ma gaarin dagaalka Soomaaliya ka taagan waxaase isa so taraya dad badan oo tuhmo loo dio oo mararka qaarna masaajidda iyagoo kasoo baxay la dilo iyadoo aysan cadday cidda dishay iyo sababta loo dilay, marar badanna dadka loo dilo tuhmo iyo iyadoo aysan jirin cid xaq u leh oo maxkamad soo saartay.

Shacabka Soomaaliyeed ayay tahay in la waydiiyo nooca dagaal ee ay galayaan ama taagerayaan inuu yahay mid ay xornimadooda ku dooanayaan guamaysiga Itoobiyana isaga saarayaan oo qarannimadoodii kusoo ceshanayaan iyo inay taageerayaan dagaal caalami ah oo loala galo beesha caalamka, laguna dhisaao dawlad tan Taalibaan oo kala ah, kaasoo ay mustaxiil ku dhawdahay in dagaal kudhufoo ka dhaqaaq ah nidaam lagu dul dhiso. Kudhufoo ka dhaqaaq waa dagaal wax lagu wiiqo ama carqaladeeyo mase aha dagaal kaligiiis nidaam lagu dul dhiso karo ama lagu waardiyayn karo.

Tabaha iyo nooca dagaal ee la galayo iyo ujeedada laga leeyahay haddii aysan noqon mid hesha taageerada inta badan shacabka Soomaaliyeed, waxay ku danbayn doontaa meel aan fiicnayn oo ummada dhibaato uun ku jiiidda sidoo kale haddii uusan noqon dagaalku mid sharci ahaan ixalaal ah ama tabar ahaan lagu gaari karin hadafka loo jeexayna wuxuu ku danbayn doonaa khasaaro badan iyo guul la'aan sidaba ka dhacday goobo iyo goor kala duwan caalamka aan ku nool nahay.

 

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah