GOOBJOOG

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Thursday
May 22nd
Home Islaamka Sharciyo Siyaasadeed Mase Siyaasad Shareeco?

Sharciyo Siyaasadeed Mase Siyaasad Shareeco?

E-mail Print PDF

Sharciyadda Siyaasadda iyo Siyaasadda Shareecada waa laba arrin oo Islaam ahaan aad u muhiim ah marka laga hadlahyo fekerka Islaamka. Mushkiladdii ugu horreysay ee Muslimiintay qabsatay waqti haatan laga joogo kun iyo dhawr boqol oo sano waxay ahayd haatanna taagan mushkiladda Sharciyada Siyaasadda .

 

Qarnigii tagay dhammaadkiisana waxaa kusoo biirray mushkiladda ah in siyaasad Shareecada Islaamka  ku salaysan la waamey, oo markii ay duntay khaliifadii cusmaaniyiinta, inta  badan wadamada muslimiinta ay gacanta u galeen gumaysigii reer galbeedka, kuwaasoo muddo ka dib uga tagay in la asaaso dawlad Qaran oo ku salaysan hannaanka cilmaaniga ee diinta iyo siyaasadda kala saaraya taasoo keentay wixii waqtigaa ka danbeeyey in shareecada Islaamka aysan noqon waxa lagu xukumo degaannaadii Muslimiinta ee lakala qoqobay ee noqday dalalka aan haatan naqaanno.

Hadaba maxay kala yihiin siyaasadda shareecada iyo sharciyadda siyaasadda aan ka hadlayno? Siyaasadda Shareecada waxaa loola jeeda  siyaasad ku salaysan ku dhaqanka shareeca Islaamka, halka sharciyadda siyaasadda loola jeedo siyaasadda sida ay xalaal kunoqonayso oo ka dhigaysa cidda umadda xukumayso inay si xalaal ah oo looga raalli yahay dadka ku xukumayso.

Maxamed Mukhtar Shanqidi oo ah qoraa Islaami ah oo u dhashay dalka Muraatinaya ayaa maqaal uu qoray ku muujiyay ahamiyadda ay leedahay sharciyadda siyaasadda iyo inay ka horreyso shareecada. Si marka loo fiiriyo shareecada ayay ka mid tahay in cidda wax xukumaysaa ay sharciyad leedahay oo waddo xalaal ah ay xukunka ku qabato ugana dagto, waxaase keenaya in si gaar ah loo xuso ahamiyadda ay leedahay iyo dhibka muslimiinta kasoo gaaray markii sharciyaddaa la waayey amaba aysan dhab ahaantii jirin hannaan shareecada Islaamka ama caqliga wanaagsan ee shareecada islaamka ka hor imaanayn laga soo dhiraandhiriyey oo keenaya in hogaanka muslimiintu si nabad ah ugu kala wareegaan.

 Tan iyo markii ay billaabatay boqortooyadii Umawiyiinta muddo haatan laga joogo kun iyo dhowr boqol oo sano, Nabiga tagistiisan ay kasoo wargay wax ka yar nus qarni ayaa waxaa muslimiintu lumiyeen sharciyadda Siyaasadda inkastoo aysan shareecada si guud ahaaneed looga wada tagin.

Xooggii ay Umawiyiinta xukunka ku qabsadeen waxaa ka hor yimid dhawr isku day lagu diidan yahay, waxaase markii ay xoogaysteen, kacaanno badan oo ka hor yimidna afka ciidda u dareen, dad badanna ku laayeen ayaa culimada qaar u badan Ahlusunna ay go'aansadeen in la ogolaado xukunka ciddii xoog ku qabsata oo boobta talada Ummadda intaba ay danihii kale ee ummadda Islaamka oogayaan sidaa darteedna aan laga hor imaan!

Tani waxay keentay in halkaasi Muslimiintu ku waayaan hannaan sharciyad siyaasadeed oo qeexaya ama xadidaya sida talada dalka lagula kala wareegayo si raalli la isaga yahay iyadoo aan la isxoogin ama la gumaadin. Go'aanka culimada xal ma keenin, wuxuuse nin kastoo damac siyaasadeed lahaa ka fahmay in haddii uu isna xoog ku qabsado loo xalaaleyn doono, waana tii keentay in kooxiba koox talada muslimiinta ka xoogto.

 Lama helin gaar ahaanna Ahlu sunnada dhexdeeda Culimo iyo waxgarad badan oo u taagan sidii loo sugi lahaa sharciyad siyaasadeed oo looga soo dhiraandhirin lahaa  Kitaabka, Sunnada iyo habdhaqankii Khulufada raashidiinta hannaan cad oo qeexaya sharciyadda siyaasadeed ama sida xalaasha ah ee xukunka lagu imaan karo laguna joogi karo ama looga dagayo.

Xukunkii kunka iyo dhawrka boqol soo jiray ee muslimiinta ku habsaday, inkastoo salkiisa uu shareecada Islaamka ahaa hadana wuxuu Muslimiinta ka curyaamiyey dhinacyo badan oo ka timid nidaamyadii kali taliska ahaa.

 Markii Qanigii hore ay soo baxeen dhaqdhaqaaqyada Islaamka waxay xoogga saareen halkudhigaa ah soo celinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka, iyadoo qaarkoodna taladii dalkooda afganbi meleteri ku qabsadeen! Waxa aan bareerahooda ama khidaabkooda aan marna ka muuqan ama aan ku caddayn sharciyadda siyaasadeed ee shacabka ku dhaqmi karo, ama ay tahay in xukunka iyo talada dalku ku socoto.

Habka xalaasha ah ee talada dalka lagu kala qaato ama sharciyadda siyaasadda  waa mid Muslimiinta iyo dhaqdhaqaaqyada Islaamkaba ka maqan. Halka ay reer galbeedku ay leeyihin hannaan sal dhigtay oo talada dalka lagu kala qaato oo aan xoog ku jirin (Sharciya siyasiyah), Muslimiinta waxaa weli ka dhex jiraa hannaankii xoogga lagu imaanayey talada, laguna waardiyaysanayey intii karaan ah taasoo burbur iyo dib u dhac badan u gaystay Muslimiinta.

Xarakaadka Islaamku qudhooda ma leh hannaan sal dhigtay oo sharciya siyaasiya ka tarujumaya taasina waxay keentay in khilaaf iyo buuq  markii muddo la joogaba uu dhexdooda ka dillaaco ama la waayo si kuwa wax tarka iyo hal abuurka leh ay talada ugu hayn karaan.

 Sidoo kale waxay  dad badani u fahmeen in ugu yeeristooda shareecada Islaamka ay ku hoos qarsoon tahay inay iyaga wax xukumaan mar haddii aysan sharciyad siyaasadeed oo cad keenin. Waxaa kale oo qaarkood ka dhigeen in ku dhaqanka shareecada Islaamka uu yahay mid ay xoog ku meel marinayaan iyadoo aan lagala tashan shcuubta Islaamka.

Muhimadda Rasuulku waxay ahayd gaarsiin risaalada Eebbe ee  ma ahayn ku qasbid, waxa Xarakaadka Islaamka saaranna waa gaarsiin iyo in haddii inta badan mashruucooda ku qancaan ay si sharciyad siyaasadeed leh talada ku yimaadaan ugana dagaan.

Marna waxaan la aqbali karin in nin ama koox talada dalka ama shacabka boobtay ay hadana ku doodaan inay shareecada Islaamka u danaynayeen ama ay fulinayaan iyadoo barnaamijkooda iyo sida ay talada dalka ku qabten aysan shacabku raalli ka ahayn.

Waana wax lala yaabo in tuugga wayn ee taladii dalka boobay uu yiraahdo waxaan shareecada ku fulinayaa oo aan gacanta ka jarayaa tuugga yar ee aan tabarta lahayn. Nin talo ummad dhan boobay ba nin tulud geel ah dhacay gacanta ka jaraya!

Way xanuun badan tahay in nin talada dalka boobay, balaayiin lacagtii shacabkana isaga tagri falaya oo iyagoo gaajaysan lacagtaa kula saaxiibaya ama ku shubanaya qasanadaha reer galbeedka uu maskiin baahan gacmaha ka guro.

Haddii aan la hor marin mudnaanta la siin sharciyadda siyaasadeed ee wadaadadu xoogga saaraan shareecada Islaamka, waxaan shaki ku jirin  in iyaga qudhooda ama ciddii inay la tartanto damacda ay dhiig iska daadin doonaan, waana tii ka dhacday Afgaanistaan in dhawr kooxood oo mujaahidin markii ay Ruushkii saareen iyagaii shareecaa Islaamka wada watay ay dhagta dhiigga isu daraan, waana midda Soomaaliya laga filan karo iyo wadan kasta oo aysan waxgaradka iyo shacabku fahmin ahamiyadda ay sharciyadda siyaasadeed leedahay, waana ti khilaafadii Islaamka dumisay ee keentay in kooxo kursi ku suux ah ama u waashay ay cadawgii ummadda soo maciinsadaan waana tan maanta keentay in kooxo Soomaali ah Itoobiya ku kursi doontaan.

Haddii ay jiri lahayd ama haatan mudnaanta la siiyo oo la jiriyo sharciyad siyaasadeed oo xalaal ah waxaa laga nasan doonaa dhiig badan oo daata, waxayna noo horseedi doontaa horumar mustaqbalka ah.

 Abdulkadir Warsame
This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it

 

 

 

Trackback(0)
Comments (1)add comment
Shariif Sheekh: Waa maqaal wanaagsan
Mahadsanid Walaal C/qaadir

Waa maqaal fiican

kaliya waxa uu u baahnaa inaad fikradaha usoo dajiso heerka fahanka dadwaynaha, waxuu u muuqdaa qoraal ay fahmi karaan oo kaliya dadka ku fogaaday aqoonta diinta islaamka.

Shariif Sheekh
1

report abuse
vote down
vote up
May 07, 2008
Votes: +1

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa?

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa? Waxaa maalamahan aad isu soo taraya hadal haynta la xiriirta khilaaf la sheegayo inuu Isbahaysiga so...

"Is-dhiib "Hilinnadii cadaabta

Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in m...

Qaranimmo iyo Islaamnimadu Ma Ka Qaalib Noqon doonaan Qabyaaladda.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed oo wadaaga dhaqan, diin, luqad, qowmiyad fara ba’an ku hayey sanadihii...

Kenya in the Somali crossfire

Kenya in the Somali crossfire The assassination of a Somali al-Qaida affiliate overshadows peace talks, with Kenya vulnerable to t...

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 2)

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 2) Introduction In Part One of my assessment of the impacts of Ethiopia’s invasion of Somalia, I tr...

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 1)

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 1) Introduction US-backed Ethiopian forces invaded Somalia in December 2006. Meles Zenawi had t...

مقتل ”عيرو“ وتداعياته على الصراع الصومالي

مقتل ”عيرو“ وتداعياته على الصراع الصومالي أعلن البنتاجون بنشوة مقتل الزعيم الشاب آدم حاشي عيرو ز...

اتحاد المحاكم الإسلامية في الصوم

اتحاد المحاكم الإسلامية في الصومال : النشأة، الت...

ذروة الإرهاب الاثيوبي في الصومال

ذروة الإرهاب الاثيوبي في الصومال في مشهد يعيد الي الأذهان مذبحة دير ياسين في فلسطين عام ...

Badeeco Rakhiis ah