Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho, maalmahii lasoo dhaafaynam ka gaystay magaalada garaacis, gubis iyo gawricis ay kula kacayeen shacabka Soomaaliyeed iyo hantidoodii ayaa maanta la arkay dhibaato hor leh oo ay ka gaysten Isbialka SOS.
Ciidamadan oo maanta isaga baxay xaafadaha SOS iyo Waxaracadde ayaa lagu arkay goobihii ay ka baxeen dad dhawr maalin maydkooda meesha yaallay. Isbittalka SOS ayey ku dileen madaxii qaybta agoonta iyagoo dhanka kalana jajabiyey qaybo isbitaalka ka mid ah dhacna u gaystay. Sidoo kale waxaa dad halkaasi ku sugnaa sheegeen inay haweeney dhimirka la'ayd ay halkaasi ku kufsadeen dka dibna isla halkaasi ku dileen. Waxaa weli aan war loo hayn wixii ay ka yeeleen carruur ay dugsiga masjidka Alhidaaya ka kaxaysteen.
Masaajidda, isbitaallada, carruurta iyo dadka waalan oo falal waxashnimo lagula kaco waa sumadaha lagu yaqaan quwadaha gumaysiga iyadoo dhanka kalana ay astaan u tahay naf la caarinimo ay tahay ciddii la dul dhigay inay si xooggan isaga caabiso si silica gumaysiga cimrigiisu usoo gaabto.





Waxaa maalamahan aad isu soo taraya hadal haynta la xiriirta khilaaf la sheegayo inuu Isbahaysiga so...
Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in m...
The assassination of a Somali al-Qaida affiliate overshadows peace talks, with Kenya vulnerable to t...
Introduction
In Part One of my assessment of the impacts of Ethiopia’s invasion of Somalia, I tr...
أعلن البنتاجون بنشوة مقتل الزعيم الشاب آدم حاشي عيرو ز...
في مشهد يعيد الي الأذهان مذبحة دير ياسين في فلسطين عام ...