GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Friday
Sep 05th
Home Faallada GJ Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa?

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa?

E-mail Print PDF

Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dhabarka u ah Isbahaysiga ayaa rajo lagu muujiyey iyadoo dhanka kalana ay yar yihiin wararka laga helayo oo warbaahinta aad looga fogeeyey iyadoo aysan jirin ilaa hadda wax la shaaciyey oo shirkaasi kasoo baxay.

Khilaafka Isabahaysiga oo meel kulul gaaray, warbaahintana lagu baafiyey taasoo ay xigsatay is dacaayadayn iyo niyad jab dhex qaaday intii taageersanayd Isbahaysiga iyo madaxdiisiiba ayaa ay haatan shanqartii yaraatay iyadoo lagawada warsugayo shirka Yemen. Hadaba maxaa la filan karaa?

Waxa laga filan karaa waa dhawr arrimmood; Tan hore in lagu heshiiyo oo arrimaha la isku hayey meel la isla dhigo, taasoo aad u farax gelin karta inta Isbahaysiga taagersanayd waxayse ku xiran tahay waxa lagu heshiis karo oo seddex mid noqonaysa

1. In Shirka Jabuuti la meel mariyo taasoo haddii ay isku raacaan Soomaalii badan oo xataa taageerayaashoodii hore ka baxsan soo jiidan karta, xallinta khllaafka Soomaalidana soo dhawayn karta, waxaase tani u eg tahay mid aan sahlanayn, gaar ahaan ragga Asmara saldhigga u yahay mar haddii mawqifka noocaan ah uusan raalli galinayn taliska Asmara oo ku adkaysana in Isbahaysigu dagaalka wado wax wadahadal ahna uusan gelin inta askarta Itoobiya oo idil dalka laga saarayo, TFG-na aan lala hadal.

2. In lagu heshiiyo in heshiisyadii Jabuuti laga laabto, oo loo noqdo mawqifkii ahaa inaan wax wadahadal ah la galin inta ciidmada cadawgu dalka ka baxayaan, TFG-na khiyaano qaran galeen oo ay tahay inay gumasiga baxaya daba galaan. Tani iyana sidoo kale waa culus tahay oo madaxdii heshiiska gashay uma sahlana in wixii ay saxiixeen ka laabtaan iyadoo dhanka kalana aysan cadayn waxa lagu gaari karo ka laabashada heshiiska aan ka ahayn in dagaalka iyo dhibaatadu halkeedii kasii socoto. Isbahaysigu waa karaa, kuna guulaystay inuu ciideeyo mashruucii Xabashida iyo Maraykanka iyana waa ku guulaaysteen inay kala tuuraan maamulkii Maxkamadaha laakiin sida muuqata dhinacna ma karo inuu maamulka uu rabo si nabad ah dalka uga dhisto una shaqeeyo, markaa wadahadal iyo xal dhexe waa lama huraan meel looga laabtaana ma cadda ee waa uun laab lakac iyo dhibaatada oo shacabka kusii badata.

3. In lagu kala dareero ama waxaan buurnayn ama aan caddayn lagu heshiiyo, taasoo keeni karta niyad jab iyo in mushkiladdu halkeedii kasii socoto.

 

Si looga gudbo khilaafka iyo dhibka uu xanbaarsan yahay ayaa ilo ku dhaw Isbahaysiga ku talinayaan in madaxda labada garab ee taladu ka go'do ay gudaha dalka ku laabtaan si ay uga xoroobaan saamaynta iyo cadaadiska uga imaan kara wadamada ay martida u yihiin ee danaha iyo mawaaqifta gaarka ah ka leh arrinta taagan ee la isku hayo.

Waxa ugu wanaagsan ee la xaqiijin karo ee shirka laga filan karo ayaa ah in madaxda iyo xubnaha muhiimka ah ama khilaafka salka u ah ee Isbahaisga ay gudaha dalka ku laabtaan taasoo u sahli karta inay khilaafkooda wadahadal ku xalllistaan aysanna ka walwalin dawlad marti loo yahay iyo cadaadiskeeda. Sidoo kalena waxay noqonayaan kuwa shacabkii ku dhex nool oo dhibkii iyo guusha la gaari karaba arkaya, dadkana la wadaagaya waxa ay ku nool yiihiin oo aan lagu xamanayn inay ilmahoodii dibadda geesteen oo nabadgelyo iyo waxbaasho u haystaan halka inta kale ay dhibta haysataa ka naxayn.

 

Trackback(0)
Comments (1)add comment
Cigaal: Faallo fiican
Asalaamu calaykum

Waa faallo fiican oo dhexdhexaad ah. Aniga waxaan ku talin lahaa arrinta seddexaad ee ah in madaxda maxkamaduhu ku noqdaan waddankii oo iyagoo xor ah ay arrimaha ka hadlaan.
1

report abuse
vote down
vote up
July 16, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah