Tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska Jabuuti, 11 kii qodob uu ka koobnaana ay soo gaareen warbaahinta waxaa soo baxay aragtiyo kala duwan iyo faaqidaad la saaray qodobadaasi iyadoo dhanka kalana aysan meesha ka marnayn mawqifkii ay horey u qabeen dadka qaar wax faaqidaya iyo xog yari ku gadaaman falanqayntaasi.
Inta diiddan iyo tafsiirkeeda
Dadka qaar waxay kolkii horeba sheegayeen inaan shirka wax wanaag ah kasoo baxayn qoloda Isbahaysiga ka aaddayna ay sharci darro ku aadday halkaasi, wixii kasoo baxana aysan sharci ahayn. Mawqifkan oo ragga Isbahaysiga ee Asmaro ku sugan qabaan iyo inta taageertaba waxay uun heshiiska ka raadiyeen wax taageeraya dareenkoodii hore ee diidmada ahaa iyagoo inta aadka u diidan usii kala qaybsan yihiin laba garab; Kooxda Asmara oo qabta in meesha qalad lagu aaday iyo talo aan loo dhammayn isla markaana aan la keeni nwax cad oo ciidamada Itoobiya dalka kaga baxayaan iyagoo dhanka kalena kusii giijinaya in xitaa aan ciidamada QM looba baahnayn hadday xattaa Itoobiya badalayaan oo taasi ay tahay jallaafo loo dhigayo guul ay aaminsan yihiin inay faraqa usoo gashay Iskacaabinta.
Garab kale oo kasii xag jira ayaa jira oo iyagu aaminsan inaanba cid lala hadlaaba jirin oo mujaahidiinta kaliya ay intay ku qaadataba dagaalka wadaan ilaa ay guul buuxda ku xaqiijiyaan xabadda, wax ayna aaminsan yihiin in heshiiska oo mira dhal noqdaa uu halis ku yahay mashruucii Islaamiga ahaa ee ay iyagu wadeen oo ay doonayeen inay siday u fahmeen mashruucaa kaligood dalka ugu xukumaan iyadoo cid kale aysan shaqo ku yeelan karin talada dalk , marka laga reebo Islaamiyiin Caalami ah oo ay talo wadaag yihiin iyo in iyaga u hogaansanta.
Labada garab ee heshiiska markii horeba sii diidanaa waxay heshiiskii ku fasireen inaysan ku cadayn bixitaan Itoobiya balse loo sharciyeey inay dalka joogto, madaxdii Isbahaysigana ay qadiyaddii khiyaaneen, heshiikana muqaawamadii lagu dhabar jabiyey sidaa darteedna ay madax cusub samaysan doonaan. Shabaabku iyana waa kasii xag jiraan oo waxay taagan yihiin kooxda Asmara qudheeda ee hoteellada iska dagtay ee isku jirka ahayd ama qawmiyiinta ahayd in jihaadkoodii dhammaaday oo kii Islaamka oo ragooda wadaan uu haatan soo haray.
Marka laga yimaado qolyahaa mawqif cadba markii hore shirka kasii lahaa wax wanaag ahna aan ka sugayn balse u taagnaa sidii ay uga fal celin lahaayeen unasoo bandhigi lahaayeen ceebahiisa amaba u fashilin lahaayeen waxaa jira qaybo kale oo aragtiiyo kala duwan ka qaba.
Sug oo Arag (Wait and See ) iyo Xog dheeri ah
Waxgarad badan iyo shacabba waxay ku jiraan u dhimrin iyo ka warsugid maalmaha soo socda waxa heshiisku ku danbayn karo. In badan waxay qabaan haddii heshiska ay ka dhalanayso ciidamada Itoobiya oo dalka ka baxa muddo afar bilood iy waqti ku dhawba iyo ciidamo QM oo bedalaya la helo inuu heshiisku guul yahay iyo tallaabo xagga wanaagga loo qaaday. dadkani waxay isugu jiraan kuwo raji badan ka qaba inay taasi xaqiiqowdo iyo kuwa shaki ku jiro oo sugaya waxa kasoo naaso cadaada heshiiskan.
Madaxda Isbahaysiga ee heshiiska saxiixday oo aan qaarkood la xariirnay heshiiska ka dib waxna ka waydiinay qodobada la saxiixay iyo muranka ka dhashay iyana waxay na siiyeen mawqif ka duwan waxa ay saaxiibadoodii ay is khilaafeen ka faafinayaan aad uga duwan.
Ugu horreyn raggan waxaan weydiinay tafsiirka qodobka 7aad ee uu buuqa ka dhashay kaasoo in badani leedahay in kastoo lagu xusay faqradihiisa a) iyo b) in muddo 120 habeen gudahood dhacayo isbedel ah in ciidamo QM la doonayo iyo in kuwa Itoobiy baxyaan isla mudadadaa hadana uusan cadayn. oo faqrada A) waxa loo fasiray inuu codsi uun yahay muddo 120 habeen gudahood balse aysan ahayn in mudadadaa gudaheeda ay ku dhacayso ansixinta iyo keenista, halka faqrada B) ay tan ku xiran tahay oo haddii aysan markaa imaan ciidamada QM 120 habeen gudahood ay markaa Itoobiyaanku si joogi doonaan.
Xubnaha shirka ka qayb galay ee aan waraysannay waxay innoo sheegeen in qodobka 7aad ay ku cadahay in ciidamada QM ay ku imaanayaan mudada 120 gudahood ee codsi uusan 120 habeen u baahnayn oo saxibaba codsiga lagu sameeyey isla saacaddaa. Macnaha iyo tafsiirka luqadeed ee la isku qatay ka sokow waxay innoo sheegen in si fiican looga dooday arrimaha oo markii hore xataa uu qoraalka ahaa in 60 habeen gudahood lagu ansixiyho keenista, lixdanka kalana lagu keeno ciidamada, balse markii danbe loo dhigay in ansixinta iyo keenistaba isla noqoto muddo 120 habeen gudahood, iyadoo QM ku doodeen in ansixinta ay ku xiran tahay markii la helo ciidamadii aadi lahaa oo taa la kariyo, markaa anxisinta waqti uma baahnaa laakiin qalqaalinta ciidamada ayaa waqti u baahan markaa sidaa la iskugu furay labada lixdan.
Cumar Idris oo ka mid ahaa madaxda aan waraysanay ayaa sheegay in haddiiba ay dhacdo in la isaga baxo heshiska ama muran tafsiir la damco in dib loogu dhigo fulintiisa ay markaasi halkii kasii wadi doonaan dagaalka ay ciidamada Itoobiya kula jiraan. Waxa lagu dhawaaqay waa xabbad joojin ee hub dhigis ama dhiibis ma aha. Haddii 90-ka habeen ee xabbad joojinta billawgeeda horeba ay muuqan wayso iimaanshaha ama jadwalka bixitaanka Xabashida, markaasi waxaa hakanaysa xabbad joojintii waxaana halkeedii kasii socon doonta iska caabintii meleteri maadaama heshiiskii iyo sababtii xabadda loo joojiyayba ay meesha ka baxday. sidaana waxaan kasoo xiganay mas'uul kale oo aan waraysanay.
Waxa kale uu innoo sheegeen in heshiiska markii hore uu u qornaa in 45 cisho gudohood kuwa Itoobiyana ku baxaan kuwa QM-na ku yimaadaan, waxayse qubaro shirka joogtay sheegeen inay adag tahay in ciidamada QM ee laga keenayo dunida muslimka ay adag tahay in waqtigaa lagu helo sidaa darteen waxaa laga dhigay 120 habeen oo ah mudada ugu danbaysa ee la rabo inay ku yimaadaan cidamada QM, kuwa Itoobiyankana ku baxaan, waxaase dhici karta kala wareegga labada ciidan inuuba dhoco intii aysan afar bil buuxsamin. Waxay noo xaqiijiyeen xubnaha aan waraysanay in jawiga guud ee wadahdalku ahaa in ciidamadaa la helo mudadadaa gudaheeda, kuwa Itoobiyana waqtigaa ku baxaan oo marka qoraalka qofba si u fahmi karo marka laga yimaado ay jawiga wadahadlka aad ugu caddayd haddii aan ciidamada QM la helin, kuwa Itoobiyana bixin mudadaa gudaheeda aysan jirin heshiis meel mar noqon kara ama miro dhal ah.
War jiraaba cakaaruu iman, haddii asbuucyada soo socda la arko sansaan muujinaysa sida madaxda aan waraysanay wax u dhigeen waxaan shaki ku jirin in Soomaali badan ay qorshahan taageeri doonto, madaxda Isabahaysgia ee heshiiska saxiisadayna loo arki doono geesiyaal marka ay arrintu u hirgasho sida ay u dhigeen macanaha heshiiska, inkastoy jiri doonaan kooxo mar walba diidanaan doona in nabad lagaaro haddii aysan waxa ay rabeen oo dhan xoog kuwada helin. Haddiise sida dabacsan ee mugdigu ku jiro ee ay qolyaha awalba diidanaa ama shaki inta qabtaahi u dhigtay ay arrintu noqoto, waxaa markaa mugdi soo wajihi doonaa mustaqbalka siyaasadeed ragga Isbahaysiga u saxiixay heshiiska, haddii aysan is daba qaban oo aysan qiran in wixii ay ka filayeen heshiiska looga baxay, soona hungoobeen, isla markaana ay halkii kasii wadaan iska caabinta iyo dagaalka ay hakadka geliyeen.
Ugu danbayn waxaa quman in la ogaado cid walba oo marka horeba horey ka diiddan ama horey rajo ka qabtaahi la ogaado halka ay ka imaanayso xog badanna la raadiyo waxa soo socdaana la arko ee aan degdeg iyo caadifad lagu salayn taageero iama diidmab.

Waxaan ku faraxsanahay maamulka goob-joog ay ogoolaadaan in la saafo (la taxliiliyo) sida loo arkay, sida uu noqon karo ama sida uu yahayba.
Ugu horreyntii anigu waxaan qabaa in shirka Jabuuti iyo kuwo la mid ah loo baahnaa laakiin mushkiladdu ay ka timid ragga meesha aaday qaarkood inay doonaayeen inay isk reebaan qaar ka mid ah isbahaysiga, kuwaasoo ay u arkaan inay calaamad u yihiin asal raac. taasna waxaa daliil u ah qoraalka website-kaan ku soo baxay, iyadoo la ogyahay inuu yahay af-hyeenka kaliya ee ku hadla afka ragga shirka waday . fadlan akhri qoraalkaan: http://www.goobjoog.com/index....faalo-rajo
Waxay ila tahay in kala tagguu uu ahaa mid ay u qasdeen walaaleeheenn shirka tegay..
Haddii ay walaalaheen ku fekereen inay sumcad u noqonayso inay yihiin qun-yar socod, ha ogaadeen in kuwa ay maanta raalli gelinayaan aysan u hayn doonin wax ixtiraam ah.. loona arki doono dad in laga danaysto ku eg.. oo aan qiimo lahayn. taariikhduna uma naxariisan doonto..
Qoraalka heshiiska Fallaari gil-gilasho kaagama go'do.
Sida la ogyahay marka la qoraayo heshiis xasaasi ah oo wax badani ka dhalan karaan, waxaa loo baahan yahay in xitaa laga baaraan dego luqadda wax lagu qoraayo lana hubiyo inay caddahay!! Maxaa marka heshiiso la kala saxiixanaayo loola tashadaa sharci yaqaannada?? waxaa ka mid ah in dhinac ka mid ah kuwa heshiinaaya uusan ku hodmin heshiiska.. illeen hadii lays qabto waxa loo noqonaayo waa waxa qoran... maha wixii lugu sheekeystay.. ama maskaxda lagu haayay.!!!!
Waxa kaliya ee ay walaalaheen soo noqoteen waa qodobkaan:
"b. Within a period of 120 days of the signing of this agreement the TFG will act in accordance with the decision that has already been taken by the Ethiopian Government to withdraw its troops from Somalia after the deployment of a sufficient number of UN Forces"
Heshiiskaan waxaa ku cad in Itoobiya ay ciidankeeda la baxayso marka ay dowladdu tiraahdo.. haaaaahhhh allaylehe waa haystaa ciidan igu filan..!!! goorma ayay taasi dhacaysaa???? waakee masuulka ka mid ah dowladda Federaalka oo kala hadli kara Gabre... inuu iska baxo?????
Haddaba heshiiku:
Sida loo arko: waa sidii aad sheegteen oo qolaba sidii ay jecleyd ayey u fasiratey.
Sida uu yahay: waa sidii ay Itoobbiya waligeed ku hadli jirey.
Sida uu noqon karo: wuxuu ku xiranthay sida ay itoobiya ka yeesho, hadii ay la noqotana waxay ka shaqeyn inay baxdo, hadii kalena, ma jirto dowlad baxa dhihi kara!!!
Maqaalka anigu waxaan u arkaa uun inuu yahay is difaacid iyo caro lagala kor dhacay dadkii ay fikirka isku haayeen, wax bana kama taraayo iftiiminta mugdiga ku jira heshiiska.
Walaalyaal rag noqda... geesiyaal noqda..... qirta khaladkiinna.. heshiikaas waa laydinku dhagray!!
Ilaa iyo hadda wax naga hallaabay ma jiraan.. laakiin waxay wax badani hallaabi doonaan marka aad ku adkaysatan inaad dadku qasabtaan in waxaad qorteen ta'wiil (mala awaal ) loo raadiyo!!!
Fadlan u noqda raggiinnii aad ka timideen.. una bandhiga heshiiska aad gaarteen golihiinni iyo wax garadkiinii... haddii uu wanaagsan yahay waxaa isku raaci doonta inta badan.. hadii uu dhib yahayna... adinka ka hari doona..
Taasi waa fikraddayda.. waxaan rejeynayaa
Oday Soomaalyeed!!
Votes: -1
Heshiiska Jibuutina aragtidan dambe ayaan u maleynayaa in uu salka ku hayo. Waxay ila tahay in Madaxda Isbahaysiga qaybta ku dhaqaaqday hubinta rabitaanka Bulshada Caalamka, ay san qaldaneyn. Waxay igula fiicnaan lahayd in qaybta kale ay waqti siiyaan hishiiska, dalbadaanna in lagu dhaqmo Dastuurka Isbahaysiga.
Waxaan dareemayaa in joogitaanka ama xarun ka yeelashada Dalka Eritreya ay Culeys tahay. Waxay ku fiicnaan lahayd in la raadiyo xarun ka duwan Eritreya. In si deg-deg ah heshiiska loo horgeeyo Golaha Ururka, ama Golaha Fulinta ( sida uu qorayo Dastuurka), go'aanka inta badanna la raaco. U maleyn maayo in qaybta wadda heshiiska ay diidanyihiin in lagu dhaqmo aragtiyada Dastuurka Isbaheysiga.
Waxa kale oo iyana lagama maarmaan ah in Xubnaha Isbahaysiga ay xil weyn iska saaraan sidii loogu kala bixi lahaa qaab waafaqsan Dastuurka Isbahaysiga, taas oo u baahan in inta badan Xubnaha ay dalbadaan Shirweyne aan caadi ahayn oo deg.deg ah. Maadaama aan arkay in Xarunta Rasmiga ah ee Isbahaysiga ay Xamar tahay, waxay ila tahay in Xubnaha caadiga (ee aan ka mid ahayn Guddiga Fulinta) ay dalabkooda ku cadeeyaan meesha lagu shirayo, una gudbiyaan Guddiga Fulinta, ogeysiiyaanna Guddoomiyaha Golaha dhexe .Ilama aha in Shirweyne la isugu yeerikaro haddii la maro sharciga waxa uu qabo wax ka duwan.Tusaale ahaan ma qabo in ay sharci tahay in Guddoomiye Xigeen uu Shirweyne iclaamin karo iyada oo uu Guddoomiyihii Joogo.
Marka aan aragtiyadeyda soo koobo waxay igula qumantahay in Iagu dadaalo in Isbahaysiga uu san kala jabin. Maanta Soomaaliya rajadeeda waa Isbahaysiga. Wixii qaladaad ah ee jirana lagu saxo is dhegeysi is qancin.In la wada jiro wax ay kaga fiican tahay ma jirto.
Nin isku dayay in la wada jiro.
Votes: -1
1. waxaa uu lamid noqon karaa kii ay isla saxiixdeen cali mahdi iyo caydiid ee uu U Nka hor jooge u ahaa, kadibna nin walbo qabiil ula noqday oo la ogyahay dhibaatadii uu soomaalida u soo hooyay sidaa daraadeed hadii heshiiska yahay noocaas oo kale waa waxba mataraan
2. waxaa kaloo ay ila tahay in aduunka u soo jeestay soomaaliya sda uu warbixintiisa ku xusay walaalkey waa hadii ay aragti katahay balse ay ka ahayn fadhi ku dirir , oo ay wax walbo oo keeni karo in soomaaliya dib ugu istaagto lugaheeda ay ka yeeli doonin niman dagaal oogayaal cusub in ay inoo bilaabaan dagaalo hor leh ayagoo adeegsanayo in isticmaalaan magacyo diimeed iyo magacyo wadaninimo waxaan rajaynayaa in ilaahey tawfiiqda na waafajo aamiin.
Votes: +1
Waxaan aqriyay warbixintan qodabada shirkana waa intii fursad u heshay way aragtay, ee waxaan waydiinaya qoraha maqaakan, ugu horeyn waxa uu bilabay in uu adeegsado erayadii bilaashka ahaa loogu caga jugleyay raga hishiiska la galay Amxarada iyo inta ay wadato, ee aha Xag jir. waxanse waydiin lahaa hal su'aal waan aragnay tanaasulka aadka u badan ay u sameeyeen Amxaarada oo ah mida ugu horeysa ee ka faa'ideysa hishiiskan si jabkeeda loogu dado' ee walaaloow hogaamiyaashii halkaa noo aaday miyeey keeneen xitaa haba yaraatee hal taasul oo shacabkeena ama garabkii ay hogaaminayeen u daneynayay, ha noqoto in ciimadaba Amxarada laga saaro Xamar oo kale ama damanad qaad cad oo Amxaradu bixineyso in aysan wax dhib ah u geysaneyn Shacabka oo guryahooda ku soo noqon karaa. Maxeey taasul ah oo nimankaa soo qateen badalka ay sameeyen dartii. Yaan waxaba la isku meer meerin Amxara baxeysa meel ay ku cadahay ma jirto, hishiisku waa qoran yahay sida uu u qoran yahay ayaana loo wada fahmamsanayn walaal. MAHAD SANID.
Votes: -1
Laba Shariif ee Asmara tegay hadana ka soo carooday ee Jabuuti tagay, anigu way ila khaldanyihiin. sabatuna waxaa weeye marka hore soow ma haboon in labadii shalay Kitaabka Alle dartiis u heshiis in ay dadka war lordskii duleeystay ka dul qadaan
Alle(S:W:T) na uu guushii siiyey, inay iayaga oo wada jira go`aan ka garaan xal u raadinta Soomaalida? hadaba Ninnka shalay Kitaabka Alle kugula heshiis inuu isticmaalo kaar kale oo cusub waa camalada beryahan dambe lagu bartay dadka soomaliyeed. hadaba waxaan leeyahay Labada Shariif Alle u noqda oo garabka kale ee ay ka mid yihinn Xssan Daahir Aweeys, Indha Cade iyo Xassan Turki, dib ugu noda oo la heshiis.
Wa Bilaahi Towfiiq
Y. Ogle
Germany
Votes: -1
Votes: +2
Votes: +0
Votes: +0




Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...