GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Sunday
Nov 23rd
Home Faallada GJ Maxaa Kordhiyey Qaylada Warbaahinta ee Isbahaysiga?

Maxaa Kordhiyey Qaylada Warbaahinta ee Isbahaysiga?

E-mail Print PDF

Ilaa hadda dhinaca Jabuuti waxaa u hadlay oo mawqifkooda cadeeyey gudoomiyahada gudiga wadahadalka C/raxman C/shakuur, Afhayeenka gudiga Daahir Calasow, Sheekh C/raxman Janaqow oo ah Xoghayaha ururka ahna gudoomiye ku xigeen ururkii Maxkamadaha Islaamiga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah gudoomiyaha Isabhaysiga iyo gudoomiyihii Maxkamadaha iyadoo sidoo kalena uu ku mawqif yahay Shariif Xasanka Baarlamaanka.

Qaybtan Jabuuti oo madaxdi ururku u badan waxay ku doodayaan in waxa ay meesha u joogan ay tahay wadahadal ay la galaan QM, ilaa hadana aysan ogolayn inay TFG hor faristaan mar haddii aysan gacantooda wax ku jirin, waxayna ku doodayaan in QM lala hadlo inay ahayd arrin ka dhalatay shirkii Nairobi kadibna la horgeeyey labadii gole ee markaasi kulmi karayey ee kala ahaa golaha Fulinta iyo kan jogtada an intanaba ay aqlabiyad ku ansixiyeen in wadahadalka lala furo QM, iyadoo dhanka kalana ay ballan qaadeen inay wixii ay isla soo gaaraan aysan kama danbays u saxiixi doonin ee ay golaha Dhexe kusoo celin doonaan.

Dhanka kale waxaa ilaa haatan u hadlay Yusuf Indhacadde xoghayiha Isbhaysiga ee difaaca ahna xoghayihii difaaca ee Maxkamadaha , Sh Xasan Daahir Aweyns oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Shuurada ee Maxkamadaha ahan xubin golaha dhexe ee Isbahaysiga, Xuseen Caydiid Gudomiyaha kuxigen Glaha dhexe, Fawsiyo xubin gudiga fulinta iyo golaha dhexe iyo Jaamac yare xubin goalah dhexe iyo gudoomiye ku xigeen golaha fulinta. Intuba waxay ku doodayaan in aan lala ogayn ragga Jabuuti aaday waxa ay halkaasi u joogaan, nidaamkiina ay khilaafeen, waxaana hadalka ay saxaafadda siinayaan oo ka badan dhanka kale kusoo biiray hadalkii Afawarki oo uu ku eedeeyey shirka Jabuuti kaasoo gadaalkiisna ay inta badan hadleen.

Rag labada dhanba la xiriirey oo Isbahaysiga ka tirsan iskuna dayey xallinta arrinka ayaa noo sheegay in wax wayn oo la isku hayaa aysan jirin oo in shirka QM lala furo la ansixiyey, balse dadka qaar ay dhalilayaan sida gudiga loo xulay, in shirka dib loo dhigo inay ahayd iyo inaan iyaga lagala tashan tafaasiil hoose.

Waxaa doodda warbaahinta oo ay ugu danbaysay war ay sheegtay Alcarabiya inuu siiyey Sh Xasan ka mid ahaa in Sh Sharif ay xilkaba ka qaadi doonaan maadaama uu Nidaamkii Asaasiga ahaa khilafay, Maamuka xukuumadda Asmara uu dhaliilay. Waxaa soo baxday laba kulan oo golaha dhexe looga kala baaqay oo kasoo kala yeeray xlabad gudoomiye oo codsday in Jabuuti la isugu yimaado iyo xubnaha ururka ee Asmara jooga qaarkood uu codsaday in Asmara la isugu yimaado.

Sida xeerka ururka oo website-yada horey loogu baahiyey haatanna ku jira bogga Isbahaysiga ku qoran waa in Gudiga fulinta uu xaq u leeyahay wixii wadahadal caalami ah ee la galayo, markii lasoo afjarana golaha dhexe la horkeenayo ee aysan ahayn cagsiga ku muuqda doodda ragga Asmara. Waxaa sidoo kale ku qoran wadada dib u xoraynta inay ka mid tahay wadahadalku iiyo in beesha Caalamkaba laga dhaadhicyo qadiyada dulman ee Soomaaliya, Waana mid loo baahan yahay in sida guul meleteri loo raadinayo loo helo mid diblomasiyadeed ama siyaasadeed.

Warbaahinta Soomaalida oo dhinacyada qaar ku liidata ma waydiiso ragga waraysiyada ay ka qaadayaan qodobka la jabiyo ama kuwa kale midka ay jabiyeen iyagoo xeerka Isbahaysiga oo daabacan kula xujaytamaya.

Sidoo kale waxaa xeerka Isbahaysiga ku qoran in Gudoomiyaha golaha dhexe, ama kan fulinta ay xaq u leeyihiin iskugu yeerka golaha dhexe sidoo kale 3 qaybood qayb ka mid ah golaha dhexe. Markii labada shariif oo xaq uleh u yeerka kulanka ay ku baaqeen oo  ay codasadeen kulanka waxaa durbaba kooxda Asmara kasoo yeertay inay diidan yihiin kulankaa iyagoo sababta kaliya ay sheegenna ay tahay in kulanku uun ka dhici karo xarunta dhexe ee ururka.

Sida ku cad Xeerka Isbahayiga oo xaqiiqdana ka yara durugsan waa in xarunta Isbahaysiga ee Rasmiga ah ay tahay Muqdisho, meelo kalana laamo looga furo. Kuma cadda xeerka ama dastuurka in Asmara Xarun tahay sidoo kalana kuma qorna in ay Qasab tahay in shirarku Asmara ka dhacaan waxaase qoran Cidda kaliya ee xaq u leh isugu yeerka kulanka.

Waxaa loo qaatay in xubnaha Isbahaysiga ee ka biyo diidsan mubaadarada labada Shariif ama shakiga qaba haddii ay xeerka dhawrayaan ku adkaystaan inaysan qolada Jabuuti wax kama danbays ah soo qaadin wixi lasoo qaadana golaha dhexe lagu soo celiyo, halkaasina wixii aysan inta badan golaha raalli ka ahayn lagu diidi karo.

Waxaa muuqda isku dhimrin la'aan Isbahsyiga dhaawacaysa iyo xisaabtan la'aan, Waxaa muuqata xoghaye ama wasiir-udhigme ku war noqoya madaxii golaha fulinta ee "isaga soo magaacaabay" ee ay ahayd inuu ama kula shaqeeyo sida uu kusoo magacawday ama xilka iska casilo haddii usan la shaqayn karin laakiin u hadlaya sidi inuu isaga madaxba u yahay, waxayna tani ka imaanaysaa dabeecadda shaqsiyaadka, tan ururka ee aan kala danbaynta lahayn ama lia isku qasbayo cidda xil loo magacaabayo ama garab ka imaanaysa ee madaxa uu la shaqaynayo xor u ahayn doorashada golahiisa fulinta.

Waxaa weliba suuqa la isku sii galinayaa sumcad iska dil iyo inay qoladii Jabuuti heshisyo qarsoon saxiixeen, lacag la siiyey iwm iyadoo dhanka kalana aan la caddayn karin wax muuqda oo ay isku khillfeen, marka laga yimaado wax u muuqda awood ku tartan iyo kursi kala tuurashana, aysan jirin wax cad oo xaga la tacaamulka TFG ay k kala aragti duwan yihiin, waxayse u badan tahay ku giijin aan maslaxad ugu jirin labada dhinac iyo taageerayaashooda.

Kolley labada dhinac wixii xikmad leh waa og yihiin in wadahadal lama huraan yahay, sidoo kalana wixii ay rabaan ee riyo u ahna aysan wadahadal haddii ay galaan aysan 100% wada heli karin isla markaana xoog kuwada xaqiiji karin waxaadse mooddaa in shaydaan iyo naf iyo awoode kale ee Isbahaysiga ka baxsan ay hawsha qasayaan, qayladana kordhinayaan. Geeddi socodka ummadana waa faanoole fari kama qodna niyad iyo turaanturro badanna wa na sugayaan haddi aan bulshada laga dhex helin sifaha ummaduhu kaga tillaabaan dhul yaalka iyo dib u dhaca.

 

Trackback(0)
Comments (6)add comment
abu xafsa: !!
marka jihaadkii laga tegey
qadiyadiina lagatay
cilmaaniyiina lala taxaalufay
xaggee khilaaf lagu hurahayaa
1

report abuse
vote down
vote up
May 28, 2008
Votes: +0
Omar Ali: Marka cad la sheego ayaa wax la fahmaa
Aduunka maanta waxaa wax lagu maamulaa wax qoran o horay loogu heshiiyay. Ururada waxaa lagu hogaamiyaa "Dastuur" horay loo ansixiyay. marka khilaaf iyo fikir isku qabasho timaado waa in isagaas lagu kala baxaa. Waa in la iska daayaa in dadka taageerayaasha ah loo sheego wax aan jirin, taageerayaashana waa in ay raadsadaan ogaashaha runta cidda ku hadleysahalka.
2

report abuse
vote down
vote up
May 28, 2008
Votes: +1
caaqil: ...
Walaal hadal run ah baad sheegtay, mujahidiinta alshabaab way ku saxsanaayeen in eey ka go'aan nimankan dhaafi l'a hudheelada asmara.

Mujaahideentu waa in eey tashadaan, si kuud, kuna midoobaan jihaadka, kana tashadaan nimaanka fadhi ku dirirka ah.
3

report abuse
vote down
vote up
May 28, 2008
Votes: +0
Mohamed Hussein: Heshiiska Nairobi Maa Shacabka Loo Sheego Maxaa Loo Qarinayaa?
Websitekaan wuxuu ku hadlayaa afka C/raxman C/shakuur. Garabka Sheekh Shariif markii la waydiiyay maxaad xaflada shirka lagu furayo oo ay ka dhex qudbeenayeen Kooxda Mbegathi uga qayb kasheen waxay yiraahdeen C/raxman C/shakuur ayaa ku fududaaday.

Tan kale Nairobi "Tafaahum" baa dhacay ayuu yiri Sheekh Shariif, maa shacabka loo cadeeyo waxaa Nairobi lagu soo aqbalay?? UN-ka ayaan la hadlaynaa ayay leeyihiin Walad Cabdalla oo UN-ka ka socda waxuu soo saaray dhowr warsaxaafadeed u ku sheegayo in Jabuuti ka socdo shir Somaalida lagu wadahadalsiinayo. Dowlada ku meel gaarka la shiri maayo laakiin warsaxaafadeed wadajir ah ayaan la soo saarayaa macnaheeda waa Doofar ma cuno laakiin maraqiisa waan cabaa!
4

report abuse
vote down
vote up
May 28, 2008
Votes: +1
Noor: waa la yaab http://www.goobjoog.com
Daahir Aweys Muddo dheer ayaan aqaan. Nin Talo haya maahan waana nin xukun jecel inkastuu qariyo (sida markii guruceel u cararay asagoo raggiisa u ishaaray in golihii dhexe oo maxkamadaha loo magacaabo. Kadibna aamus laga waayey asagoo hadalkastaa oo u ku hadlo uu maxkamadda dhabar jab ku ahaa) Inta uu doodayo waligiis kama maqleysid asagoo ka hadlaya dhibaatada dadweynaha Somalia heysata. Sababtuna waxaa weeye dan kama laha waxa dadka somaaliyeed ku dhacaya. Dadka Daahir ku talada ah waxay fashiliyeen Maxakamadiihii islaamka, waxay ku fashilmeen ururkii al itixaad. wuxuu ku fashilmay luuq, wuxuu ku fashilmay bari, waxay ku fashilmeen Araare, waxay ku fashilmeen Marka 1992gii. Waxna kama bartaan khidad cusubna lama yimaadaan. Asagoo sidaas ah ayuu hadana wuxuu chance ka helay Afewerki oo nin dictator arxan laawe ah. oo danta kaliya uu leeyahay ay tahay dagaalka ethiopia somalia ka waddo uu dabo dheeraado si aysan ethiopia fursad u helin ay eriteria ku hujuunto. Aferwerki waxoo kaloo u haystaa somalida inuu ethiopia kula gorgortamo. haddii somalia heshiis ka dhaco somalidu waa ka tegayaan. Waa sida Syria ay Xisbullaahi iyo xamaas u taageerto. Berri haddi Israel oga baxdo buurah Goolan, Syria dan kama laha xamaas iyo Xisbullaahi midna. Sidoo kale haddii Ethiopia tiraah Badme waa akaaga baxayaa ee nimanka somalida ceyri. halsaac gadahood ayuu inta ceyriyo maahee uu ayankoo dhan xirxirayaa. Wuxuu rabaa inuu somalida hostage u haysto.
Waxaa meesha fakar ku hayo waaqicana lasocdo waa qolada shariif, Aniga qabiil ahaan waxbadan waxaa ii dhow Xassan Daahir. Laakiin 100% waxaan taageersanahay Shariif sababtoo ah xassan daahir qoladiisa waxa la sugaa waa un fashil kale.
w/a
5

report abuse
vote down
vote up
May 28, 2008
Votes: +0
Mahad: Teacher http://Goobjoog
Waxaan dhihi lahaa waxaa shacabka iyo isbahaysigaba u roon inay yareeyaan saxaafadda.

Qolada Shariifku hogaaminayo waxaan leeyahay, Nairobi baad shir u timaadeen, heshiis baad la saxiixateen UN-ka sida aad sheegteen, Umadda Soomaaliyeed uma aadan soo bandhigin, maalin kasta marka uu hadlo wakiilka Un=ka waxuu lee yahay Dawladda Soomaaliya iyo Mucaaradka ayaa heshiis uga furmayaa Jabuuti, adinka marka aad hadashiin Ma beeninaysiin si toos ah warka ka soo yeeraya Wakiilka UN-ka. Un-ku waxuu aqoonsan yahay TFG, weliba hadda lacag ayuu siinaya xakuumada, sideed u aaminaysaan niman taageersan TFG-da itoobiyaanka wadata, UN-ku ka hadlimaayo xasuuqa itoobiyaanka iyio sharci darada ay ku joogaan Soomaaliya, Un-ku waa nimanka ku hadla cunaqabataynta Hubka Soomaaliya ayaa la jabiyay, waxaan leeyahay qolada Shariifka iyo Cabdiraxmaan Dheere hogaaminayaan sidey ku aamineen UN-ka aaminsan in Soomaaliya cunaqabatayn saaran tahay oo dad jabiyeen, iyadoo la og yahay Taangiyada itoobiya iyo Madaafiicda waaweyn in lagu garaacayo muddo Hal sano iyo Bar ah Caasimadii Dalka Soomaaliya Muqdisho.

Qolada Xasan Daahir waxaan leeyahay War saxaafadeedka badan yareeya oo muujinaaya inaad aad u dananaysaan kala jabka isbahaysiga, warkiinu ha ahaado nimankaan warka ay sheegeen oo ah in Itoobiyaanka dalka laga saaro ayaa UN-ka kala hadlaynaa ha ilaaliyaan, warkiini ha ahaado qolada shariifku maxay ugu ordaysaa Heshiis ku sheeg UN oo hadda lacag siinaya TFG-da, warkiinu ha ahaado Soomaaliyey bal nimankaas nala eega, warkiini ha ahaado TFG yaysan la kulmin, Warkiinu ha ahaado UN ciidan ah ma ogolin, warkiinu ha ahaado muqaawamadu waa soconaysaa, warkiinu ha ahaado go'aan ha gaarina ee nagu soo warceliya, War saxaafadeedkiina badan yuusan keenin inuu muqaawamada kala jabiyo ama inaad u dhaqantaan sidii hogaamiye kooxeedyadii, Indhacade hal baan leeyahay Saxaafada aad la hadlayso jooji, wanaagu waxuu ku jiraa mideynta isbahaysiga, Yaan loo ekaanin niman Ereteriya u shaqeeya oon danta umadda Soomaaliyeed fiirin karin.

Nabadgelyo, Intaas waa iga waano, waxaan taageersanahay in Midnimada isbahaysiga la ilaaliyo, waxaan kula talinayaa qolada shariifku hogaamiyo inaysan meesha ka dhigan meel ay iyaga leeyihiin, waa in ay talada dadka iyo isbahaysiga xubnaha muhiimka ah ka tali geliyaan.

Cabdiramaan Dheere hal baan leeyahay, siyaasada waa ku cusub tahaye ha taraarixin oo ha noqon nin u eg in loo soo adeegsaday inuu isbahaysiga kala jabiyo, waxaan ku leeyahay ereteriya la'aanteed maanta qiimaha aad leedahay ma yeelateene, ha ku caasiyoobin oo afkaaga ka ilaali inaad Ereteriya wax ka sheegto, afkaaga ka ilaali inaad dadka sii kala fogayso, afkaaga ka ilaali inaad u ekaaato nin boos jaris ah, afkaaga ka ilaali war umadda Somaaliyeed dhibaya.

Waxaan leeyahay Xubnaha isbahaysiga ee Jabuuti joogoow ha noqonina madaxdii Falastiin ee Maxamuud Cabaas hogaaminayay ee uun ku guulaystay in iyaga iyo Xamaas dagaal dhex maro, Westbank iyo Qudusna yuhuudu guryo cusub ka sii samayso, heshiiskii beenta ahaa ee loo sheegayna uun uu ahaado Xamaas iska celiya lacagtaana qaata, aduunka ayaa dib idiin dhisayee, walaahi taariikhda ayaa idin xusi doonta haddii aad noocaas noqotaan, adinkoo Itoobiya dalka ka saarin marka aad la fariisataan dabadhilifyada ee la idinku xujeeyo Itoobiya waa baxaysaa ee xabad joojin sameeya, markii xabadu joogsan waysana la idin dhaho lacag waa tanaaye la dagaalama Shabaabka iyo isbahaysiga inta idin diidan. waxaa ii muuqata arrin u eg arrintii falastiin laakiin haddii aad keentaan in aad itoobiya dalka ka saartaan taariikda ayaa idin xusaysa, madax qaran ayaadna noqon doontaan ilaah idinkiis.
6

report abuse
vote down
vote up
June 02, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah

Dhibaatada Badda Waxay u Baahan Tahay Xal Barriga ah Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan Credit crisis began 13 months ago in August 2007 when the growing payment mortgages deficit, put mil...

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac “Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah