GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Wednesday
Jul 23rd
Home Faallada GJ Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa?

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa?

E-mail Print PDF

Waxaa maalamahan aad isu soo taraya hadal haynta la xiriirta khilaaf la sheegayo inuu Isbahaysiga soo kala dhex galay. Khilaafka ayaa inta badan dadku kala socdaan warbaahinta waraysiyo kala duwan oo ay siiyaan qaybo kamid ah madaxda Isbahaysiga taas oo muuinaysa inay ku kala aragti duwan yihiin shirka Jabuuti ka socda.

Labada aragti ee soo gaartay warbaahinta waxay qolo walbaahi ku dadaalaysaa inay shacabka ka iibiso taladeeda iyadoo muujinaysa inay iyadu nidaamkii Isbahaysiga ku taagan tahay. Dad ka tirsan ama ku dhawdhaw Isbahaysiga ayaa tilmaamaya inay jiraan waxyaalo labada dhinac mid kasta si gaar ah loogu garaabi karo iyadoo dhnaka kalana la muujinayo culays mid walbaahi ka haysta dhinac ka mid ah awoodaha shisheeye ee arrinta Soomaliya ku lug leh.

Waxaa dhanka kale labada dhinac saaran culays ay Soomaalida kasoo horjeedda gumaysiga Itoobiya saarayso kaasoo ah in kala aragti duwanaanshahooda uusan wiiqin halgankii cadawga lagula jiray oo markaasi laga sugayo inay dib waraaqahooda isugu dubba ridaan, samirna kaashadaan iyadoo danta guud mar walba ka hor marinaya ra'yiga ama danta gaarka ah, waxaana jira rag ku mashquulsan inay u kala dab qaadaan ama gacan ka gaystan xal u helidda arrinta taagan oo sina u sahlan sina aan u sahlanayn.

Waa in siyaasadda "Ku giiji" iyo "Looma dhamma" oo Soomaalida soo daashatay xal badana ka fogeeyey laga fogaadaa. Ku Giiji waa siyaasad nin walbaa oo garab hogaaminaya uu kala hoos kacay mid ku xigay oo xag jirnimo lasoo baxay si uu taageerayaasha kaga kasbado ninkii ka sarreeyey isagoo arrinta ka fogaynaya wax xal ama wadahadal in wax lagu gaaro.  Looma dhamma oo iyana arrinta ka dhigaysa in mar walba Ijmaac la raadiyo oo aqlabiyad shaqayn wayso, waa iyana siyaasad faashil ah oo Soomaalidu dhibkeeda soo aragtay inta badanna salka ku haysa dan gaar ah.

Sida ka muuqata Isbahaysiga iskuma didana wadahadal lala galo QM, waxaase khilaafku ka taagan yahay waqtiga iyo qaabka loo agaasimayo iyo cidda wadaysa iyo QM wakiilkeeda  oo qudhiisu  la soo baxay  salfudayd iyo inuu wadahadallo toos ah ku riixo raggii Isbahaysiga matalayey inkastoo iyana ay taas ka diideen.

Hadaba waxaa inta badan dhacda in urur kastaahi yeesho rag ku mayal adag iyo kuwa ku dabacsan arrinta markaa la isku hayo. Khilaafka dhacay waxaa sal u ah iyadoo ay tani tahay markii ugu horreysay ee la aado meel aan ahayn diidmadii iyo dagaal xal ku doonkii. Iskhilaafka waa mid in badan oo taageerayaasha Isbahaysiga iyo gumaysi diidka niyad jab u keenay, hadana waa in la isku dayaa in la daaweeyo, haddii ay suurto gal tahayna laga faa'iideeyo.

Si looga faa'ideeyo khiaafka -inta xal laga helayo ama laga gacan taagayo- waa in qolada wadahadalkana keenaan wax culus oo u cuntami kara shacabka, cadaadiska ka imaanaya ra'yiga kalena uu unoqdaa culays kordhiya wixii ay usoo qaadi lahaayeen bulshada diidan gumaysiga Itoobiya. waana inaysan iska fogayn ragga kale ee Isbahaysiga, isna taagin meel cidla ah oo ku riixi karta inay soor quureed qaataan. Waxay wax usoo qaadayaan waa Isbahaysiga iyo shacabka. Waa in marka wax  ka gadmi kara usoo qaadan ama kasoo tagaan, halista ugu daranna waa marka ay qaataan wax la liita, oo  taageero aysan uga heli karin dadkii ay matalayeen.

 

Qolada diiddan shirka Jabuuti iyo ragga ugu maqanna waa inay ku giijinta yareeyaan si aysan mawqifka Isbahaysiga ee wadahadallada u daciifin, sidoo kalana aysan u waayin isku haynta Isbahaysiga haddii shirka lagu fashilmo, taasoo waxa ugu yar ee Isbahaysiga shirka ka faa'iido karo -haddii  aysan ragoodu soor quureed oo kalajab keena soo qaadin oo iyagoo gacmo maran soo laabtaan- ay tahay inay dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo isku day sameeyeen oo aysan ahayn rag uun ka dhegan halkii ay joogeen maalinti Maxkamaduhu ay inta badan gobollada koonfurta ka talinayeen oo aan lagu shaabadayn rag aan dhaqdhaqaaq siyaasadeed lahayn ama mubaadaro ee falcalis uun ah.

Trackback(0)
Comments (11)add comment
Ismaaciil: Ilaahbaan idinku dhaarshee is qabdha!!
sideedaba waxaa soo madow daruur shar xambaarsan, oo niyadda ka jebisay intii ixtiraamka ku haysay isbahaysiga dib-u xoraynta iyo intii ku royoonaysa in dib loo helo qaran sharaf leh oo la ixtiraamo.


Waxaa soo hilaacaaya roob murugo iyo niyad jab xambaarsan. waxaa muuqata in raggu ay rag ku ahaayeen guushii sahlanayd ee ay ka heleen isbahaysigii argaggaxa, ee haddii uu halganku dheeraado ay xuurtoonaayaan oo u midba mar soo dhacaayo. waxay u muuqdaab inay u dagaallamaayeen mab'da aysan aad u aaminsanayn oo (ku day) ah. hadii uu toosana waa si daan rabay, hadii uu toosi waayana u hawl la'aa maayo!!

reer asmarow!! hadii aad ra'yi xumadiinna raggii dagaallamaayay aad kala didiseen oo aad weydeen xigmad aad inti muddo ah aad ku baajisaan kala jabka garabka milateriga, haddana ma waxaad yeeli weydeen inaad ilaali weydaan xeer-dhaqankii aad dejisateen???

Rabbigeeyaan ku dhaartee alshabaab waa idinka run sheegeen.. markii ay lahaayeen waa dad aan shaqo isku lahayn oo uu midna ay dhab ka tahay howshu, midna ay dabayshu meesha keentay (ama ay baddu meesha kula soo caarisay) isagoo daba jooga hadaf aan nadiif ahay!!!


reer Asamarow!!! Ilaah baan idin ku dhaarshee miyeydaan fahmi karin, waraysiyada (qeyru-masuulnimada ah) ee aad idaacadaha la tegeysaan saamaynta ay ku leeyihiin dadka idin taageersan gaar ahaan ragga hubka sida ee dagaallamaaya??


Haddii aydaan fahmi kartaan (oo aad u qasaddeen), waxaa baas leh cilmigiinna iyo shahaadoonyinkiinnaa.. hadii aydaan fahmi karinna kaba sii daran oo in qof garaadkiisu intaas la egyahay lugu aamino mustaqbalka ummadda waa musiibo qaran oo u dhiganta gumaysiga laftiisa hadii aysan ka darnayn..

Ilaahbaan idinku dhaarshee usbuucaan gudihiisa na maqashiiya inaad heshiiseen oo ra'yi mid ah yeelateen oo aad ku taagantihiin ballankii aad umadda u qaaddeen, hadii kale waxaan Alle ka baryaa inuu idinku sallado qolo aan idiin naxariisan oo idin xanuunjisa ilaa ay idinka ciilgooyaan!! iyo inuu idiin yeelo maalin madow oo lugu maadsado!!!!!
1

report abuse
vote down
vote up
May 20, 2008
Votes: +0
Shariifoow: Horta aan is weydiinee H/gidir kaliya miyaa xaaraan ku naax ah oo malkii ummada boobtay
Dekedii berbera Isaaq ayaa heysta nin la hadlo ma jiro.
Dekedii yo kaluunkii bari reer majeerteen ayaa heysta oo cid la hadasha ma leh
Dekedii kismaayo mareexaan ayaa heysta oo cid la hadasho ma leh
Dekadii ceel macaana abgaal ayaa heysatay oo wax la hadla ma leh
H/gidirna gow iyo gash ma leh sidee isu dhahaayeen ayey wax qabsan waayeen wiilalna iska dhameeyeen
Marka Mudulood iyo majeertoonow dulmiga ka daaya H/gidir waa difaaca umadee.
Mida kale H/gidireey markaad xoog heysay waad is maqli weysay cid kalena in aad wax siiso waad diiday ee wacdiga adiga iska bilaab.
rayigeygana wuxuu yahay talaad soomaali ha laga ilaaliyo Majeerteen, H/gidir, Mudulood, Isaaq, Marriixaan iyo raxan weyn. inta kale hadii loo dhiibo waan hubaa way hagaagi masiirka umada.
2

report abuse
vote down
vote up
May 20, 2008
Votes: +0
jabriil abgaaloow: isma ogin xaqaan ika qabnoon u kala hari lanahay http://goobjoog
abgaaloow: waxaan aad uga xumhay in aan wali inkirayno xaqiiqda jirto e ku salaysan dulmiga ay isu gaysteen soomaalida gaar ahaan qabiilka la yiraah hawiyaha oo aad moodo in ka degi ladahay koofurta soomaaliya, waxaana taas u daliila laga soo bilaabo burburkii siyaad barre ilaa iyo hadda waxa dagaalamaayo waa qolooyinka hawiyaha magac kasto ha huwanaadee, gaar ahaan labada qabiil ee siyaasadoodu isu imaan karin ee kala ah Muddulood iyo habargidir . Waa arin mucjiso leh in aan is xagxagano hadana umada been u sheegno angoo is diidan in aan ku wada noolaano nabad kulan noolaano umadda kale ee soomaaliyeed. tusaalaha waxaa idinku filan kadib siyaad baree shaxda siyaasad is haysashada waxay aheed sidatan

Cali Mahdi Vs Caydiid.
cabdi qaasin Vs Muuse iyo Maxed dheere
wadaado Vs worlord
dowlda oo mudulood taageero Vs habar gidir oo diiday
shiiqshariif Vs sheeqxasan daahir.
maka ilaah baan idinku dhaar shee maxay tahay beenta aan isu sheegayno wadankii anagaa xayuubsanoo dadkeenii baaba,shaye ethoibia malaga yaabo in ay ku soo dhiiran lahayd hadii aan nahay dad isu naxaayo oo rabo in ay nabad kuwada nolaadaan waxba yaanan diinta ku mar mrsiyoonine aan ilaahaey u towba keeno dadka soomaaliyeedna cafis waydiisano xaqeenana aan isa siino.
3

report abuse
vote down
vote up
May 20, 2008
Votes: +0
Shiikhaaloow: Sheikhuna Shariif iyo Sheekh xasan waa dad sharfan
Khilafka la sheegi waa wax aan weyneyn oo ah habka wax loo raacaya uun. Labada sheekhba waa hogaankeena toosan oo wanaag inala jecel.
waxaan ku waanin in ay arimahooda si hoose ku xalistaan oo mediyaha isu marin.
Sheikh shariif asiga ayaa executive powers haysta asigaana laga rabaa inuu barnaamij keeno..golaha talo uun ayuu ku leeyahay laakiin maaha in wax kasta qalinka ku duugaan.
Tusaale Australia markii dagaalka Iraq ka qeyb qaadaneysay Ra'iisul wasaaraha baarlamanka ma hor keenin motion., laakiin waxaa qaraarka qaatay golaha wasiirada.
Sheikh xasan waa xubin muhiim ah oo ka mid ah isbaheysiga iyo ICU..laakiin doesn't have a veto power.
Dadka diidan la fariisashada cawaanta beydhaba joogta (275 xil-laawayasha iyo dadka raacsan) waan garan meesha ay ka iman waayo damiir lagula fariisto ma jiro dad u damqan waayey dalkooda, dadkooda iyo diintooda uu fara xumeenayo amxaar cadow ah.
misna cadowgaaga waa lala hadlaa adoo ku dhegan maqaankaaga, ilaalinayana danta dadkaaga (soomaaliyeed).
Marka rabow ina waafaji wanaag iyo gabonimo
4

report abuse
vote down
vote up
May 20, 2008
Votes: +0
shire: qaybsanku waa qasaare
qaybsanka usbahaysigu khatar wayn ay ku tahay dadka Soomaaliyeed..
waxaa dhaawacmaa qadiyadda
kooxihii muqaawamada oo ayako isku jeesta
burburka maamulka kooxaha muqaawamada oo maleeshiyadooddii ka dhiga qawlaysato danahooda raacda, xoogna ku raacda.. taasina waa jidkii maleeshiyadii USC u noqotay mooryaan
USC wuxuu ahaa urur siyaasadeed oo hubaysan oo qadiyad wata (qadiyada waa la dhaliili karaa)
markii hogaanka USC kala jajabay, maleeshiyadoodiina danahooda ayay raacdeen oo dhac hubaysan caadaysteen.
arintan ifafaalaheedu waxay ka muuqdaan Muqdisho, waxaa bilowday in maleeshiyada muqaawadu dhacaan baabuurta 4WD ee cusub.
markaas qaybsanka hogaanku waa dhibaato umadda soomaali u soo hoyatay, qofkii ka naxa iyo qofkii ku farxaba..
5

report abuse
vote down
vote up
May 20, 2008
Votes: +0
geeljire: c/raxman dheerow caqli makuu siyaaday
waxaan aad uga helay qoralka wana fikrad fiican lakiin c/raxman dheere caqligaan mesha ku qoran isaga muu isiyaaday mase saxiibkiisaa qoray?

waxaan aad uhubaa tafararuqa yar ee dhacay saxiib c/raxman adiga aka masuula maxaa yelay mowjad kaa weyn ayaa lagu dhaxgeeyey adigoo la ogtahay in caqliga kugu jiraa uusan badneyn hada aaminsan fikirka MI5 kuu dhiibtay masaajidka marka ninkadanow nijaasada kala dhexbax muqaawamada adeerka xasan dahir aweyka kuu dhibay booskan koley waa eedee iska haku barto.

qoralkan qorana waa fikir fiican lakiin maahsanaha suudan ee al islaaxa ah caqloigan ma isaguu usiyaaday mase igaarka barawaa qoray
6

report abuse
vote down
vote up
May 21, 2008
Votes: +0
wUR kOOY eENOW: member http://hiiraan.com
WAXAA LA GAAREY WAQTIGII IS-EED EEDKA OO WELIGIBA SOO KALA DHEX GALI JIREY KOOXAHA KU HESHIIYA WAX AAN KU SALEYSNEYN CADDALAD IYO IIMAN DHAB AH.

KULLIGEYNA WAA OGANAHAY SIDA AY KU DHASHEEN MAXAAKIIMTA OO JAB KA DIBNA MAGACYADA AY BAXSADEEN , TAASAANA TUSAALE INAGU FILAN NOQON KARTA INUU KALA JABKA KA SOO BILOWDEY DHISMAHA URURKA OO AHAA MID XALAALEYNAAYEY KHALDAADKII AY HORE U SOO GALEEN USCda , QAB QABLEYAASHA DGAALKA , KOOXDII CABDI QAASIM IYO CALI MAHDI, CEYDIID, HADDANA XASSAN DAAHIR, INDHOCADDE IYO SH. SHARIIF AAN DAAWNEYNO.

KALA JABKAAS OO KALE WAXAA HUBANTI AH INUU SOO KALA DHEX GALEY DAWLAD KU SHEEGTA CABDULLAHI YUUSUF IYO NUUR CADDE IYO BAARLAAM KU SHEEGGA AADAN MADOOWE OO KULLIGOODA DULMIGA KU HESHIIYEY, WAANA INEY ISKA TAKHALLUSAAN SIDA UGU DHAKHSIYAHA BADAN SIDA AAN KA SOO BARANEY TAXANAHA TAARIIKHDA AADANAHA SOO JIREENKA AH.
7

report abuse
vote down
vote up
May 21, 2008
Votes: -1
yariisow: dhiigyacabyada
nimankan mujaahidiinta la leeyahay, waa run waxay dileen Itoobiyaan
laakiin waxaa ka badan Soomaalida ay dileen. ayakoo murtadiin dhahaayo
ma kasaayo dilka qofka muslimka ah ajarka laga helaayo
ama meesha ay jihaad ku noqoto
1991 waxaa muqdisho soo galay mujaahidiinta USC, oo wax kasta burburiyay
ayagoo dhahaaya faqash ayaan ceerineenaa
2006 (15 sano ka dib) waxaa Muqdisho la wareegay ilmihii mujaahidiinta USC oo la baxay mujaahidiinta islaamiga ah
iyagana wax kasta burburinaya dhacayana ayagoo dhahaaya waxaan dilaynaa murtadiin
waxaan dhacaynaa hantida murtadiinta
Ilaahoow naga qabo!!!!
Shaatiga soo socdaana muxuu noqon doonaa?
8

report abuse
vote down
vote up
May 24, 2008
Votes: +0
amiin: Biyaha ha sii gado
Waa la fahamsan yahay sirta Yuusuf Indhacadde
wuxuu rabaa inuu sii gato biyaha webiga shabeelle ee uu masaakiinta ka gado.
waxaase la yaabay lacagta uu ku gado xaguu ku dhisaa? ma guriceel mise ?
Cabdiraxmaan waa mahadsanyahay haduu adeerkiis dadka ka xoreeyo
labadooduba taariikhda ayay gelayaan, mid xun iyo mid fiican.....
Baraawo cabdiraxmaan
9

report abuse
vote down
vote up
May 24, 2008
Votes: +0
c yare: dhiigyacabyada Shabaab
talaabadaan shirka jabuuti sax waaye
waxee naga qabaneesaa dhiigyacabyada Al-shabaab iyo dabadhilifyadooda maxaakimta,
oo dadkoo dhan murtadiin ku xukumay ayaka maahaane
naka qabta dhiigyacabka shabaab ee dadka laayay, hantidii bakaaro dhacay, hadana us oo jeestay hantida dadka muqdisho
tallaabo kastoo wanaagsan ma weeneeeso cid ka buuqdo
yaanse dan loo gelin
10

report abuse
vote down
vote up
May 24, 2008
Votes: +0
Nuur: ...
Puntaland ayaa markaani Xaliineisaa khilaafka konfurta,waayo usc iyo maxkamadaaha wax mataraan bay noqdeen.
11

report abuse
vote down
vote up
May 25, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa?

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa? Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...

Gorfaynta Suugaanta aan la Xumayn!

Gorfaynta Suugaanta aan la Xumayn! Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...

Somali Diaspora Network (SDN) Press Release

Fairfax, Virginia, USA, 22 June 2008: The Somali Diaspora Network (SDN) has always advocated for an...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah