GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Wednesday
Jul 23rd
Home Faallada GJ Isbahaysiga Asmara oo Turraanturro soo Wajahday

Isbahaysiga Asmara oo Turraanturro soo Wajahday

E-mail Print PDF

Tan iyo markii uu billaabanayey shirka Jabuuti ee arrimaha Soomaaliya waxa soo baxay khilaaf kasoo dhex yeerayey Isbahaysiga Saldhiggiisu yahay Asmara kaasoo isa soo tarayey. Khilaafka oo si kale duwan ay uga hadleen madax kala duwan oo Isbahaysiga ka tirsan ayaa dhanka kalena waxaa ku wiirsanaya kooxaha kale ee kasoo horjeeday Isbahaysiga.

 

 

 

Isbahaysiga waxa kaliya ee la hubo inay ku midaysan yihiin waa kasoo horjeedka iyo la dagaallanka lagula jiro Xabishida iyo sidii looga saari lahaa Soomaaliya. Marka ay timaaddo aragtida siyaasadeed iyo sida xal lagu gaari karo marka dagaalka laga yimaado waxaa muuqata in Isbahaysigu isku aragti ahayn. Marka laga yimaado xeerka iyo nidaamkii Isbahaysiga; in la khilaafay iyo in kale, iyo damaca siyaasadeed ee hogaanka kala duwan ee Isbaysiga oo khilaafka qayb ka noqon kara waxaa jira ilaa laba aragti oo dhex taalla Isbahaysiga.

Garab aaminsan in dagaalka la wado ilaa Itoobiya ay dalka ka baxdo, wax wada hadal ahna aan TFG lala gelin iyadoo dhanka kalana ay ka cararayaan in Shabaabka uu kala hoos baxo magacii hogaaminta muqaawamada. Qoladan waxay ka cabsanayaan oo shaki ka qabaan beesha caalamka iyo QM, waxayna dhanka kale aan kamarnayn saamaynta ay ku leedahay dawladda siisay saldhigga. Waxaysan wax mujaamalo ah ama xeerin u ahayn danaha iyo awoodaha ay leeyihiin Quwadaha Caalamka ugu waaweyn ee lugta kula jira arrimaha Soomaaliya, waxayse aad u tixgelinayaan xamaasadda shabaabka iyo xoogagga qoriga aminsan. Khidaabkooda sida laga fahmayo waa "1. Itoobiya oo aan bixin wada hadal galimayno oo xabbad baa naga dhaxaysa. 2. TFG-da waa caimiil oo wax lala heshiiyo ma aha." Waxa nuxurka khidaabkooda ku kooban yahay Itoobiya hanala ka saaro, TFG-na waa camiil ee yaysan ka harin, kadibna talada dalka hanala kusoo wareejiyo ama lixdii bilood hanaloo soo celiyo. Ma muuqato cid ka tirsan hay'adaha iyo dawladaha maanta jira marka laga reebo Asmara oo taa ku taageeraysa isbahaysiga, mana muuqato mudada dhaw awood uu Isbahaysigu leeyahay oo Itoobiya iyo ciidamada kale dalka xoog uga saari karo. Natiijada fikradani waa in dagaalka iyo dhibatadu si daba dheeraato ama laga yaabo in xaaladdu kasii darto sidaba laga bartay isbadalladii ay siyaasada Soomaaliya soo martay sanadahii ugu danbeeyey.

 

Garab kale ayaa aaminsan iskacaabinta meleteri mid siyaasadeed in lagu daro, waaqicana aan la iska indha tirin. Ma muuqata awoodo caalami ah oo iskacaabinta maanta garab taagan. Awoodda iskacaabintuna ma dhama heer ay khilaafka iyo gumaysiga xabbad kaligeed kusoo afjari karto. Haddii markaa la helayo in Itoobiya dalka ka baxdo oo ciidamo QM lagu soo badalayo, Soomaalidana la isu daynayo waxay qabaan in taa laqaato. itoobiya oo dhibta ugu wayn ah dalka ha kabaxdo TFG-da iyo Isbahsyiga si uun ha ku heshiiyeen, Soomaaliyana dib ha u hesho madaxbannaanideedii.

 

Lama oga in Isbahaysiga oo saxaafadda waayahan ku wada hadlayey uu kasoo kabsan doono khilaafkan iyo inuu ku kala jabi doono, waxaase muuqata in arrinta Soomaaliya aysan weli far ka qodnayn. Kooxda Shabaabka ayaa iyagu ku faraxsan khilaafka soo kala dhex galay Isbahaysiga, sheegayna inay horey u saadaaliyeen inaysan wada socon karin, mujaahidinta gudahana ay dagaalka ku wada jiraan oo dhibkii Isbahaysiga iyo siyaasadahooda ay ka nasanayaan. Waxaa sidoo kale khilaafka ku wiirsanayaa kooxaha kale ee Soomaalida ah ee Isbahaysiga kasoo horjeeday iyo cadawga ku farxaya mar kasta oo Soomaaliyi isa sii khilaafto.

Gunaanadkii TFG waxay ku jirtaa gacanta Itoobiya karti, daacadnimo iyo madaxbannaanina loogama fadhiyo. Kooxda Asmara khilaaf xooggan ayaa soo kala dhax galay lamana oga halka u khillaafkani ku danbayn doono, waase mid la daba qaban karo haddii rageedii la helo. Shabaabka iyana ilaa hadda sooma bandhigin barnaamij siyaasadeed iyo sida iska daa qowmiyiinta soomaaliyeed'e, ay talo kula wadaagi karaan shacabka ama kooxaha kale ee muqaawamada kula jira. Haddaan barnaamij iyo dood siyaasadeed la helin oo afkaarta Soomaalida isku soo dhawaysa, waxay noqon doontaa in khilaafkani cadawga Soomaaliyeed ka faa;iidaysto iyo in xattaa haddii Itoobiya baxdo aan la ogayn sida Soomaalida kooxaheeda ku heshiin doonaan, nagama foga wixii laga bartay Jabhadii Siyaad Barre riday ama mujaahidiintii Afganistan ee qoray isu qaatay markii Ruushku ka baxay oo isku dhigay, shacabkiina baday tii ugu darnayd oo aan ka duwanayn tii Qabqablayaasha Soomaalida dhex martay haddiiba aysan ka darnayn. Rajada Eebbe lagama quusto dadaal badanna waa looga fadhiyaaa waxgaradka Soomaaliyeed, iyo ciddii gacal u ah Soomaali haddiiba ay jirto, waana inaan la niyad jabin oo markasta oo dhibka sii bato la ogaado in farajkiina soo dhaw yahay. Dhibaatadana middii aan dhabarka kaa jabin adkaysi baa laga qaadaa, Alle Soomaali haka hayo dhibaato dhabarka ka jabiso oo dalkoodii sidaa ku dhaafsiisa.

 

Trackback(0)
Comments (18)add comment
Horuujeed: BAADIDA NIN BAA KULA DADAYI DAALNA KAA BADANE!!!!!!!!!
Ilaahay ha naga haayo dhib, laakiin waxay ila tahay web-site-ka goob joog waa meeshii ugu horreysay oo lugu soo bandhigay luguna iftiimiyey khilaafka u dhaxeeya kooxaha iska caabbinta. Waxay Ilahay tahay hadii ay hore u iftiimin jireen cawrada Muslimiinta, ee misana loo wakiishay inay dadkii metelaan, waxay ila tahay inay taasii kor u qaadday shahwadoodii, kala qeybinta iyo ka aargoosiga dadka ay fikirka ku kala duwan yihiin.

Baadi loo direy nin jecel inaan la helin... waa tii aan la helin!!

Baadida nin baa kula dadayi daalna kaa badane
inaad heshana doonahayn daa'in abidkaaye!!!!!!!



Hambalyo C/raxmaan dheere... riyadiisii waa rumowday!!!!!!!!

Laakiin sida ay u il xuntahay uma Ilaah la'a.
1

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: -1
Jibriil: HORUSOCDAAY
halgan kasta waxaa ku jira kooxo awrkooda ku kacsada, oo dano kale hoos ku wata.
markii goaanno adag la gaaro ayaa la kala baxaa.
shirkaan Jabuuti waa guul umadda Soomaaliyeed, waa bilowgii bixidda Itoobiyaanka,
marmarsiinyahoodii waa soo afjarmaayaa.
Isbahaysiga dibuxoraynta waxaa looga baahan yahay dhabar adayg iyo wacyigelin siyaasadeed inay xubnahooda siiyaan.
yayna cabsi gelin hadalada takfiiriyiinta iyo danaystayaasha dhaqankii jabhadaha wata.
guul kastaa ilaalin iyo geesinimo ay rabtaa
2

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +1
caasho: hala hubsado
hala sugo warka labada shariif uyakaa ah madaxdiiye
3

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +1
Aliyoos: Jihaadku mansab waa ka wayn yahay
Durbaan qofkii xada meeshuu ku tumi lahaa aa laga rabaa..
Qurbujoog soo qaatay tarbiyo gaalo iyo lacagteedaba heshiis ma u geli karaan mujaahidiinta.
jihaadku waa ka ween yahay wax la gadan karo.
shirqoolka gaaladana umada soomaali maku hodmeeso.
shabaab waa diiday
Sheekh Yuusuf Indhacade waa diiday
Sheekh Xasan Daahir waa diiday
qurbojoog hala aadaano qurbaha
4

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +0
Cadde: Miisaanka xagee jiraa?
Ugaaska beesha Cayr ee barakaysan xaggee ayuu raacay?
Meeshaas ayaa xaq ah xoogna badan
5

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: -1
waasuge: ...
Waxa dhan shax beeleed waaye,
mid aa yiri shirkaan joogay oo heshiis ayaan keenay
adeerkiisna maku jiro ayuu yiri
halkoona ugaaskayna ha laga warsugo uu leeyahay
hal kalena webi shabeelle biyihiisa uu weli gadaa
aseendooyinkiina waa heestaa
hal kalena nuur cadde uu ka dhex hadlaa
ar xay is qaybiyeen
Suumaali dhib aan uyaka ahayn ma qabto
dadka faraha haka qaadaan
6

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: -1
cabdi: Shabaabaku waa ayo?
Shirkan intuu socday
iyo dadka diidan iyo fikradahooda
waxay i xasuusiyeen maqaalkii goobjoog ee ahaa "alshabaab waa ayo"
dad dagaal raba oo aan maamul rabin.
dad dhalinta qori bara oo aan wacyi siyaasadeed u sheegin
waa mahadsanyahay isbahaysigu
waa inuu kuwaas naga xoreeyaa
geedigana la wado
khilaafka isbahaysiga dhexdiisana isafgarad lagu dhameeyo
7

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +1
xirsi yare: la yaab maaha
isbahaysi ka kooban kooxo kala duwan
oo ka shaqaynaya hawlo murugsan oo adag
inuu iskhilaafo layaab maaha
inuu ka gudbo waa dhici kartaa
hadduu ku kala tagana, hawsho waa sii soconeesaa
marka khilaafkan yaan lala murgin
8

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +1
xirsi yare: ...
madaxa wafdiga isbahaysiga waraysiyadiisa waxaa ku jiray qodobo mudan in dahab lagu qodo
waxaa i taabtay waa in madaxda isbahaysigu xeerisaa sadexdan:
dadka la barakiciyay ee geedaha hoostooda jiifa
kuwa dhibaatadu ku socoto ee qaxa qarka u saaran
dhalinta halganka hubaysan ee taangigaga la dagaalaya
waa hadal wayn oo ka turjumaaya xeeldheeri siyaasadeed
shirkaan jabuuti sadexdaas ayuu xeerinayaa.
nimanka shirkaas qaadacay sadexdaas midna ma xeerin
weligeen dagaal iyo burbur ma ku jir karno
dagaalku geesinimo ayuu u baahan yahay
nabadduna sidoo kale geesinimo ayay u baahan tahay
geesinimada nabaddu waa doqoni ma garatay
9

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +1
weris: ASmara ka soo guura
Isbahaysiga dibuxoraynta Soomaaliyeed waa inuu Asmara isaga soo guuraa, oo Jabuuti
xarun ka dhigtaa.
Eritereya go`doon bay ku jirtaa, cid go`doon la gasha ayay rabtaa
Eritereya in Itoobiya wiiqdo iyadoo Soomaali adeegsanaysa ayay rabtaa
Soomaalida waxay dani ugu jirtaa inay Itoobiyaanku dalkeena nooga baaxaaan xoog iyo xeelba
in Baadhame nalaku difaacdo dan ma noogu jirto
Eritereya maalin dhow iyadoo qadiyadda Soomaali gadanaysa ayaa la arki doonaa
waa tallaabo geesinimo leh shirkan Jabuuti
10

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +1
xandulle: ...
Waa la yaabanahay reer Muqdisho
wax kasta waa isku khilaafayaan
xaggee ayay u socdaan
Khilaafkoogii wuxuu ku dambeeyay inay is gaaleeyaan, oo labadii is khilaafaaba
ay murtad isku xukumaan.
Reer Muqdisho haku daydaan Hargeysa iyo nabadda ay ku noolaanayso
Wadahadal iyo isfaham hawshooda hakui wataan
Ciidamada Itoobiya ha iska saaraan si xeelad ah
Ilaahay ha hanuuniyo
aamiin
11

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +1
Shiikhaalow: Khilaaf waa caadi - libintana waxaa leh dadka dalkooda iyo diintooda difaacaya
La iskuma heysto Ethiopia iyo TFG (daba-dhilif) in cadaw soo jireen yihiin ayna jabi doonaan xili aan dheereyn:
**Shabaab waan taageersanahy oo waa kuwa dhabarka ka jebiyey USA iyo Ethiopia una diiday inay harsadaan habeen iyo dharaar- walaalayaal dhegta jalaq ha u siinina oo jihaadka wada (laakiin dantiina ha ku koobnaato ilaa cadawga ka saartaan dalka, qofkii dulmi wadana qoorta u dheereeya)
** Hogaamiyeyaasheena fadhiya Asmarana talada iyadoon la gorfeen cidna ha la hadlina una naxa shacabkiina, kana nixiya cadowgiina, ciqaabana kuwa idinka tirsan ee khilaafka dhalinaya waayo hadii la kala dambeeyn horumar ma jiro.
** 275 members iyo dadka la shaqeeyey ethiopia markii baxdo u diyaar garooba maxkamad.
** Allow janada ka waraabi dhamaan mujaahidiinta soomaaliyeed.
12

report abuse
vote down
vote up
May 16, 2008
Votes: +0
sahra: ...
khilaaf ma fiicno
markiin dhegeestay hadalka oo idaacadaha leesu marinaayo
waxaa ii soo baxday kuwa diidan wax ku diidaan qodob la taaban karo ma sheegaayaaan
waxaan u maleeyay guddiga la soo diray ayay iska dhex arki waayeen
dadkaas waa in sharciga isbahaysiga lagu qaadaa, lana ciqaabaa
13

report abuse
vote down
vote up
May 17, 2008
Votes: +1
shire: ...
goobta dagaalku ka socdo ee dhibaatadu ku dhacaysaa waa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Itoobiyaanka caruurtoodu wax bay u barataa dalkoodna waa u dhismayaa
Waa in Soomaalidu ogolaan inay noqoto goob ay ku hardamaan Itoobiya iyo Erteraya..
Askari Kaare wata laguma bixin karo bambo iyo bastoolad
Xoog iyo xeeladba waa loo baahan yahay
shirkaan Jabuuti waa tallaabo wanaagsan oo bogaadin mudan
kuwa diidan ma dagaal aan dhamaad lahayn ay naga rabaan
taasi caqli maaha
14

report abuse
vote down
vote up
May 17, 2008
Votes: +2
This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it : ebow http://gobgoog.com
Walaalayaal -

Shirka jabuti uma arko wax faaido ah uu somaliya u leeyahay. Waxaan qabaa in la iska dhaafo laguna shiro Muqdishu ..Shariifyada and awes ay xarun ka dhigteen Miqdishu lana heshiiyaan walaalkood Cabdullahi Yusuf ...Reer Muqdishu, inta qaxday maahee inta kale aad iyo aad bay ula dhacsan yihiin dowlad ...waxaana soo jeedin lahaa in Cabdullahi 5 sanno kale loogu daro lana heshiiyo ..Cabdullahi waa nin da'a ah hadana wadani ah jecelna in uu soo celiya dowlad iyo kale dambayn...Muqdishu, and somaliya dhibaatada ka taagan hal group baa ka masuul ah ...oo sanooyin badan ku noolaa xaaran iskuna horseeday xaaran ....Runti ..haday arintu ku socoto sidan...waxaa idin balan qaadayaa in isbahaysi iyo awes and indhacade, xaaraankunaah in la iswaydiin doono ...xalkay ka baxeen ,,,waxaan u baahan nahay another 24 month oo carar iyo dagaal ku socoto..si aan isku xoojina dhaqaalahan lagu wareegiya dadki iska lahaa ...businesskiina lagu wareegiya soomaalida oo dhan - Bishaaro waa ay soo carfaysaa.....anigaa xamar ku nool kuna dhasay ...walaahi dowladnimo baa soo carfaysa ,,,nabadeeyyy
15

report abuse
vote down
vote up
May 19, 2008
Votes: +0
sakariye yare: Dhalinyaro
Shirka Jabouti waxa uu nagu keenay isfaham daro weyn taas oo ay ka faaideysan karaan cadowga Ummada Soomaaliyeed iyo kuwa u adeega Danaha Gumeysi Shirkan aragtida ayaan wali cabri karin waayo qof waliba waxa uu leeyahay Halbeeg siyaasadeed, Balse 2 dhinac ee isku radinaya dhinacaca Warbaahinta ayaan oran karaa Sadaal siyaasadeed ma laha waayo qof waliba waxa uu shaagaya wax uu aaminsan yahay Allah ayaa garan kara meesha xaqiiqdu taal balse anigoo soo koobaya Fikirkeyga waxaan is leeyahay oo haboon Xubanaha Isbaheysiga ee Soomaaliyeed inay ka fiirsadaan hadalka niyad jabka ku keeni kara Taageerayaashooda Dunida Daafaheeda ku nool waxaan aamin sanahay inuu Ururku ka buuxo dad badan oo dano shaqsi leh taas oo Ummadu wada ogyihiin kuwaas oo mar waliba Jilaafo u dhiagaya Hano qaadka Ummada, ugu danbeyn Baaq ayaan u jeedinayaa Ururka hadii Mowqifkuunu sida uu hada yahay ahaado ogaado waxaad ahaydeen kuwa aan awalba hishiis iyo Mowqif ka dhaxeyn oo lahaa dano shaqsi ah, Hadii aysan Jawaabtu sidaa ahayn waa inaad ogaataan dhagarta cadowga amase Khiyaanada Cadowga oo ku saleysan kala qeybi oo Xukun, Ogaada waxaad faleysaan Masiirka Ummada ayaa ku Wan Qalan ha ku ciyaarina Fursada iyo Mustaqbalka Ummada
16

report abuse
vote down
vote up
May 19, 2008
Votes: +0
suuban: Aan midoowno somalieyeey
walalaha aragtidooda ka dhibtey waxaan u arkaa in qof walbaa uu ka hadley sideey la tahay lakin aniga weligeey rajada somaliya ma dhigaayo oo mar uun nabad alle waa u keeni donaan insha ALLAAAAAAAAAAAAAH.
soomalida hore ayeey u tiri dagaal wiil kuma dhasho ee wiil aayaan ku dhinto,marka anaga waan iska leeyney dadkeenii iyo dalkeenii waa ay dhamaadeen marka hadii aad soomali tihiin oo aad islaam sheegtaan meel walboo hishiis ka bilowanayo haka deyrinina oo ilaah u barya in natiijo wanagsan ka soo bixiyo sababtoo ah markii malin walbaa uu dadkaaga isbitalada ku uraayo ama gaajo u dhimanayo qaarna ay qurbaha ama badaha ku dhamanayaan ma saas ayaa xal ah .
ANIIGOO KU HADLAYA MAGACA HAWEENKA SOMALIYEED waxaan dhaliyarada wayeelka culuma u diinka somaliyeed ka codsan lahaa in ay ku dadalaan sidii wadankeena uga bixi lahaa dhibatada waan daalney ilaa intee aayaan suganaa hadane markii aan qurbaha ku gaboowno .
17

report abuse
vote down
vote up
May 19, 2008
Votes: +0
Shariifoow: Horta aan is weydiinee H/gidir kaliya miyaa xaaraan ku naax ah oo malkii ummada boobtay.
Dekedii berbera Isaaq ayaa heysta nin la hadlo ma jiro.
Dekedii yo kaluunkii bari reer majeerteen ayaa heysta oo cid la hadasha ma leh
Dekedii kismaayo mareexaan ayaa heysta oo cid la hadasho ma leh
Dekadii ceel macaana abgaal ayaa heysatay oo wax la hadla ma leh
H/gidirna gow iyo gash ma leh sidee isu dhahaayeen ayey wax qabsan waayeen wiilalna iska dhameeyeen
Marka Mudulood iyo majeertoonow dulmiga ka daaya H/gidir waa difaaca umadee.
Mida kale H/gidireey markaad xoog heysay waad is maqli weysay cid kalena in aad wax siiso waad diiday ee wacdiga adiga iska bilaab.
rayigeygana wuxuu yahay talaad soomaali ha laga ilaaliyo Majeerteen, H/gidir, Mudulood, Isaaq, Marriixaan iyo raxan weyn. inta kale hadii loo dhiibo waan hubaa way hagaagi masiirka umada.
18

report abuse
vote down
vote up
May 19, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa?

Shirka Yemen ee Maxkamadaha Maxaa laga Filan Karaa? Shirka Yemen uga socda garbaha Isbahaysiga ee is khilaafay gaara ahaanna kuwa Maxkamadaha ee laf dha...

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya

30 July; Wadahadalada Makka iyo xalka siyaasada Soomaaliya Wadahadalada la filayo in ay dhamaadka bishan July 30-keeda ku dhexmaraan magaalada barakeysan ee Ma...

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo

Heshiiska Jabuuti Waddo Siyaasadeed oo Gumaysiga Lagu Saarayo Waxaa 9 June Jabuuti lagu saxiixay heshiis dhex maray Isbahaysiga Dib Uxoraynta iyo DFKMG ah, kaasoo...

Gorfaynta Suugaanta aan la Xumayn!

Gorfaynta Suugaanta aan la Xumayn! Gorfaynta suugaantu waa aqoon iskeed u taagan, qofka gelayana waxaa habboon, oo weliba waajib ah, aq...

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia

End of Differences for ARS, and Bright Perspectives for Somalia The recent piece of news offered the expected relief and consolation to millions of Somalis; followi...

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu

Rejected Somali asylum seekers sent to Mogadishu Between April 2007 and December 2007, the Home Office removed 1999 individuals from the United Kingd...

Somali Diaspora Network (SDN) Press Release

Fairfax, Virginia, USA, 22 June 2008: The Somali Diaspora Network (SDN) has always advocated for an...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah