Xasuuqii ba’naa ee ciidamada Itoobiya ka gaysteen magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay oo ay ugu darnayd marii jamaaco Tabliighi ah lagu dhex gawracay masjidka AL hidaaya ee ay ku sugnaayeen ayaa noqotay mid daaha ka rogta Nuurcadde.
Nuur-Cadde oo dagaalka ka hadlaya ayaa ku macneeyey in ciidamadiisa oo kuwa Itoobiya kaashanaya ay iska difacayeen kooxo dawlad iyo nabada diid ah oo weerar ku soo qaaday.
Nuur-Cadde wuxuu horey si geesinimo leh u qirtay boobkii ay ciidamada xukuumaddiisu ka gaysteen Suuqa Bakaaraha, wuxuuse markan ku dhiirran waayay inuu canbaareeyo ama ka tacsiyeeyo gumaadka ay xabishidu u gaysteen culimo Tabliigh ahayd oo la yaqaanno inaysan siyaasad shaqo ku lahayn ayaa hadana Ciidmada Itoobiya ay ku dileen masjidka Alhidaaya iyadoo weliba middiyo ama baynaad qudha looga jaray.
Haddii uu awood u yeeshay dhaleecaynta falkii ay ciidamadiisu ka gaysteen Bakaaraha, waxay ahayd inuu dilka culimada Tabliigha loo gaystay inuu canbaareeyo, ballanna ku qaado in haatan ka dib la dilin, si kas ahna qudha looga jarin culimo iyo shacab aan dawladdiisa dagaal kula jirin.
Ka aamuska iyo is casilis la’aanta waxay daaha ka rogaysaa shaqsiyadda Nuurcadde waxayna dhiirro gelin u tahay in ciidamada Itoobiya iska gumaadaan shacabka iyo bir magaysada aan dagaalka kula jirin mar haddii ay haystaan maxlal ku difaacaya falkooda.
Waxay dhanka kale arrintani sii xoojinaysaa dareenka Soomaali badan qabeen ee ahaa in ciidamada Itoobiya ay dalka ku soo duuleen, falkoodana ka tarjumayo inay dullayn iyo xornimo la'aan la maagan yihin Soomaalida, kuwa dawladda ku magacaabanna aysan talo gacantooda ku jirin balse Itoobiya maxlal u yihiin. Falka Itoobiyaanka iyo jawaab celinta xukuumadda Nuurcadde waxay fursad wayn u siinaysaa kooxa iskacaabinta wada inay helaan shacab badan oo ku garab gala sidii cadawga la iskaga xoreyn lahaa.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...