Shacabka kudhaqan Magaalada Muqdisho oo wehel u noqday dagaalo Xoogan ayaa waxa ay fikrado kala duwan ka bixiyeen Maleeshiyaadka faraha badan ee Muqdisho lagu soo wado.
Shacabka qaar waxa ay sheegeen in maleeshiyaadkaasi ay ammaanka wax ka qaban karaan waase haddii ay yihiin kuwa asluubeysan isla markaasina aanu dadka dhici dhac u geysaneynin iskana xir xiraneynin.
Inkastoo dadka qaar ay sidaasi aaminsan yihiin ayaa hadana kuwa kale waxa ay iyaguna aaminsan yihiin in aanu waxba soo kordhin doonin oo ay keeni doonaan keliya dagaalo xoogan iyo sidoo kale in fawdada ay sii badato.
Shacabka ayaa waxa ay ka cabanayaan Maleeshiyaadkaasi faraha badan oo iminka Baydhabo la dejiyay marka muqdisho lasoo aadiyo, waxaana ay sheegeen in Maleeshiyaadkaasi ay sii hurin doonaan xaaladda colaadeed ee kajirta Gobolka Banaadir.
Si kastaba ha ahaatee, haddii la keeno maleeshiyaadkaasi Magaalada Muqdisho oo aanay u dhaqmin qaab ciidan waxaa hubaal ah in dhibta Muqdisho ka taagan uu sii kordhayo isla markaasina uu noqon doono balaayada mid faraha kasii baxda.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...