Waxaa maanta lagusoo gabagabeeyey magaalada London bandhig Islaami ah oo la magac baxay Islam Expo kaasoo socday intii u dhaxaysay 11-14 July 2008. Bandhigan oo markii ugu horreysay la qabtay 2006, haatanna uu yahay markii labaad oo labadii sanaba mar la qabto ayaa ah bandhig aad u wayn oo noociisoo kalana uu ku cusub yahay musliminta Inigiriiska.
Barnaamijka ayaa ah mid ay qabanqaabiyaayshu ugu tala galeen in lagu soo bandhigo fikirka, fanka iyo dhaqdhaqaaqa ay leeyihiin muslimiinta ku nool UK iyo Islaamka ay diin ahaanta u haystaan. Waxaa jira qaybo kala duwan oo bandhigga ka mid ah oo ay camireen warbaahinta, fanka iyo farshaxanka, cayaaraha, waxyaalaha carruurta ku cayaaraan riwaayado Islaami ah iyo bandhigyo kale oo ganacsi iyo qaybo kalaba lahaa.
Barnaamijka oo ay boqollaal kun oo qof ay kasoo qayb galeen oo isugu jiray muslimiin iyo kuwa aan muslim ahaynba ayaa ahaa mid fan iyo aqoonba laga helayey la isagana kala yimid daafaha dunida.
Waxaa kasoo qayb galay aqoonyahanno ku xeel dheer Islaamka iyo cilmiga casriga ah kuwaasoo bixinayey muxaadarooyin, guud siminaarro gaar ahaa oo dhammaantood ku dul wareegayay Islaamka iyo fekerka iyo siyaasadda maanta taagan.
Dadka kasoo qayb galay oo soo booqday bandhigga ayaa waxa ka muuqanayey Soomaali u badan hablo da' yar ah oo xiisaynayey barnaamijka iyo waxyaalaha lagu soo bandhigay.








Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...