Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey oo maanta Shir Jaraa’id ugu qabtay qadka Telefoonka qaar kamid ah warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen Caadamo Itoobiyaan ah iyo kuwa kale oo ka tirsan Maleeshiyada TFG-da.
Waxa uu sheegay in Maleeshiyada dowladda ay wateen Gaari kuwa dagaalka ah isla markaasina ay qaabileen oo ay soo dhaweeyeen, wuxuuna ugu baaqay maleeshiyaadka kale ee la shaqeeya Maamulka TFG-da in sidaasi oo kale ay wax u gartaan oo ay kasoo tagaan dadka xasuuqa ku haya Shacabkooda.
Sheekh Suuleey waxa uu sidoo kale sheegay in maanta uu isa soo dhiibay sarkaal xigeen ka tirsan ciidamada Itoobiya ee jooga Dalka Soomaaliya kadib markii uu u adkeysan waayay sida loo galayo Ciidamadooda iyo sida ay Itoobiyaanka khudhooda u galayaan ama ay ula dhaqmayaan Shacabka Soomaaliyeed.
waxa uu ballan qaaday Suuleey in dhowaan ay u soo bandhigi doonaan Warbaahinta Teesarooyinka Saraakiil Itoobiyaan ah iyo ciidamo fara badan oo isku soo dhiibay Maxkamadaha Islaamiga iyaguna ay si aad ah u soo dhaweeyeen.
Illaa iyo iminka ma jiraan wax war ah oo beeninaya ama Cadeynaya oo ka soo baxay dowlada TFG-da iyo Ciidamada Itoobiyaanka sheegashada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ee ku aadan in maanta ay soo magan galeen Ciidamo ka Tirsan kuwa TFG-da iyo Sarkaal xigeen ka Tirsan Ciidamada Militariga Itoobiya.





Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...