Ku: Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
Mudane Ahmedou Ould-Abdallah
Ku: Guddoomiyaha Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya
Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Ku: Raisulwasaaraha Soomaaliya
Mudane Xasan Nuur Xuseen
Og: Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed
Ujeedo: Xal u helidda Mashaakilka Dalka Soomaaliya
• Markaan eegnay dhibaatada xad dhaaftay ee uu ku sugan yahay Shacabka Soomaaliyeed mantay,
• Markaan garowsanay in jiritaankii iyo madaxbanaadi Dalka soomaaliya gashay mugdi iyo cakirnaan adag.
• Markaan qiimaynay fursadda shirka Jabuuti u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
• Markaan aragnay is jiid jiidka u dhexeeya laba garab ee shirka lagu casumay.
• Waxaan go’aansanay in aan taladaan idiin soo bandhigno.
Anagoo ku hadlayna magaca Dhalinyarada Soomaaliyeed, tixgalinaynana rabitaanka shacabka soomaaliyeed iyo danta guud, waxaan idiin soo bandhigaynaa qodobo aad u muhiim ah oo aan aaminsanahay in ay u noqon karaan fure xalka soomaaliya ee ragaaday. Anagoo ka eegayna dhan walba oo suurto galinaya guul ka gaarista shirkaan la iclaamiyey iyo suurto galnimada guul ku dhammaanshihiisa.
Walaalayaal sida aad wada ogsoon tihiin waxaa jira qodobo gundhig u ah in shirku ku bilowdo jawi macquul ah, waana in tanaasulkeeda laga helaa labada qaybood ee shirku u furmayo. Waana qodobada hoos ku qoran:
1. In Shirka la soo fariisiyo xubnaha ugu sareeya labada garab ee Dowladda iyo Isbahaysiga
2. In Ciidamada Ethiopia dalka laga saaro, si deg deg ah lana sheego waqti cayiman oo ay gabi ahaan uga tilaabayaan xuduudka Dalka Soomaaliya
3. In xabad joojin guud la suurto galiyo
4. In Dowladdu Ciidamadeeda kala baxdo goobaha shacabku degan yahay
5. In shacabka qaxay dib loogu soo celiyo guryahooda
6. In Isbahaysigu balan qaado in ay nabadgeliyaan Ciidamada Ethiopia waqtiga ay ku jiraan guuritaanka
7. In isbahaysigu balan qaado in aysan wayrarayn goobaha iyo masuuliyiinta Dowladda
8. In Dowladdu aysan samayn karin wax hub ka dhigis ah inta laga dhisayo dowlad wadaag ah
9. In ciidamo Qaramada Midowbay la ogolaado in ay dalka yimaadaan lana suurto galiyo jawigii ay ku imaan lahaayeen.
10. In ciidanka Qaramada midoobay la wareegaan nabadgelyada ilaha dhaqaalaha iyo xaafiisyada Dowladda.
11. In gobol walbo loo madaxbaneeyo in uu soo doorto maamulkiisa si dimuquraadi ah
12. In labada qolaba (Dowladda iyo Isbahaysiga) u madax banaanyihiin dhexgalka shacabka iyo u tartamidda xilkay doonaan
13. In UN-ku dhiso guddi Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka madax banaan labada garab.
14. In UN-ka iyo Hay’adaha kale ee caalamku la shaqeeyaan Guddigaas, kaasoo shaqaynaya muddo 12 bilood (hal sano).
15. Guddigaas wuxuu xariir la samaynayaa oo u dhaxaynayaa, qaybahaan hoos ku qoran
a. Dowladda
b. Isbahaysiga
c. Iyo UN-ka
Guddigaan shaqadiisu waxay noqonaysaa fududaynta howlaha shacabka, dib u heshiisiinta iyo suurto galinta Doorasho xor ah.
Waxaan aamin sanahay in Shirka Jabuuti yahay fursadda aad u qiimo badan oo mudan in looga faa’ideeyo shacabka Soomaaliyeed. Runtuna waxay tahay in labadiina qolaba aad tanaasushaan in shacabka dantiisu ku jirto. Maantay labadiina qolaba waxaad ku jirtaan nolol xaaraan ah, shacabka soomaaliyeedna wuxuu ku jira cadaab aduunyo oo aad adinku mas’uuliyadeeda leedihiin. Dabacsanaanta aad muujisaan maantay waxay u tahay hiilo, xilalka aad haysaan maantay waxaa ka qiimo badan dhul xaaqayaasha xornimadooda ku seexda.
Waxaan Ilaahay idinkaga baryeynaa in aad aqbashaan talooyinkeena oo aad muujisaan tanaasul iyo qalbi wanaagsan.
Wabilaahi Towfiiq
Guddoomiya Ururka Dhaliyarada Soomaalida Maraykanka
Xuseen Sh.Nur Xuseen Samatar
Set as favorite
Bookmark
Hits: 252
Trackback(0)
Comments (1)

KA DIB MARKII AAN AKHRISTEY BAAQANI, SI TAXADDAR LEHNA DARAASAD UGU SAMEEYEY, WAXAAN KA XUMAHAY INAAN DHALIILO U SOO JEEDIYO MAADAMA UU BAAQA SI DHAB AH U TAABANEYNIN XAALADDA LAGU GAARI KARO NABAD WAARATA IN LAGA ASLAXIYO SOMALIA.
WAA ARRIN FIICAN IN BAAQI LAGA SOO JEEDIYO XALAAD KASTA OO SOO IF-BAXDA OO LOO RAADINAAYA XAL WAARA, LAAKIN DADKA BAAQA SOO JEEDINAAYA WAA INEY UGU HOREYNTII FAHMAAN DHIBAATADA IYO MUSHKILADAHA JIRA SI AY UGU HELAAN XAL AMA FURDAAMIN XAALAD HADBA SIDA LOO GARAN KARO:
1) AY IDINKA AHAYD JAHO WAREERIN IYO MARIN HABAABIN WAXAAN IDINKULA TALINAYAA INAAD KA JOOGSATAAN AMA KA TANASULTAAN ARRINTAAS MAXAA YEELEY SOMALIDU DHIBAATO KU FILAN AMA KA BADANBA WAA LOO GEYSTEY , MANA QAADI KARTO KU KORDHIN DHIBAATO CUSB, LOOMANA BAAHNA OO TAASII NALBAA LAGU IFTIIMIYEY EE SIDAAS ULA SOCDA.
2) HADDII AY NIYAD SAMI IDINKA AHAYD OO AAD ISLEEDIHIIN WAX HAGAAJIYA LAAKIN AQOONTIINA HALKAAS IDIN FADHIISISEY WAXAAN IDIN LEENAHAY WAAD KU MAHAD SANTIHIIN DADAALKIINA , WAXAAN IDIN KU KORDHINEYNAA ARAGTIYADEYNA OO KU SAABSAN SIDII XAL WAARA LOOGU HELI LAHAA ARRIMAHA MURUGSAN EE SOMALIA:-
B) WAA HABOON TAHAY IN LA WADA HADLO OO LA TIJAABIYO WADADA NABADDA LAGU GAARI KARO , MAXAA YEELEY QORI CAARADDIISA INAAN WAXBA LAGU ASLIXIN KARIN WAA LA ARKEY IYO INAAN BEELNA BEESHA KALE AYSAN KA ITAAL ROONEYNINA WAA LA OGAADEY.
T) XALKA SOMALIA WAXAA UU KU IMAAN KARAA HADDII LA MEEL MARIYO QODOBADA SOO SOCDA :-
1) IN DALKA CIIDAN XOOG BADAN OO SHISHEEYE LA KEENO, KAASOO SAMEEYA HUB KA DHIGIS QASAB AH SI SIMANNA SOMALIDA OO DHAN HUBKA LOOGA DHIGO MIN RAAS KIYAMBOONI ILAA RAS CASEYR MEESHANA LAGA SAARO MAAMUL IYO DAWLAD SHEEGASHO.
2) IN DALKA AY QARAMADA MIDOWDEY U SOO MAGACAWDO GUDDI KU MEEL GAAR AH OO KA SOCDA DALALKA CIIDAMADA GEEYEY SOMALIA , KUWAASOO KA SHAQEYN DOONO DIB U DHISKA DALKA , NABAD KU SOO DABALIDDA IYO MAAMUL U DIYAARINTA SHACABKA OO UGU YARAAN QAADAN DOONTO 10 ILAA 25 SANO.
3) IN LA SOO QAB QABTO MAXKAMADNA LA SOO HOR-ISTAAJIYO DHAMAAN INTII KU LUG YEELATEY DAGALLADA SOMALIA , KUWII KU TAAGEERI JIREY, GANACSATADA AY ISTICMAALI JIREEN, MADAXDA DAWLAD KU SHEEGYADII SOO JIREY 16 SANO, XILDHIBAAN KU SHEEGYADA, CABDULLAHU YUUSUF, SH. SHARIIF, SH. XASSAN, MADAXDII MOORAYAANTA DARAJO KASTA AY LEEYIHIINBA, MAXAAKIIMTA IYO KOOXDA ARGAGAXISADA.
SIDAAS AYAAN FILEYNEY INAAD U SOO QOREYSAAN BAAQIINA, LAAKIN WAXAAN TUHMEYNAA INAAD KOOX LA JIRTAA OO XALBA AADAN RAADINEYNIN.

1
report abuse
vote down
vote up
May 13, 2008
Votes: +0
Votes: +0
Write comment

Waxaa maalamahan aad isu soo taraya hadal haynta la xiriirta khilaaf la sheegayo inuu Isbahaysiga so...
Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in m...
The assassination of a Somali al-Qaida affiliate overshadows peace talks, with Kenya vulnerable to t...
Introduction
In Part One of my assessment of the impacts of Ethiopia’s invasion of Somalia, I tr...
أعلن البنتاجون بنشوة مقتل الزعيم الشاب آدم حاشي عيرو ز...
في مشهد يعيد الي الأذهان مذبحة دير ياسين في فلسطين عام ...